Shirkii dib u heshiisiinta
Somaliya oo laga yaabo inuu burburo.
NAYROBI, 30 Sep 2002 (MOL) -Ka dib markii ay soo shaac
baxday warar sheegaya in urur goboleedka IGAD isla ogoladeen
qoondaynta ergada uga qeyb galaysa gobol walba shirka heshiisinnta
Somaliya ayaa illaa hadda wararka lahayaa tilmaamayaan in ergada
loo qaybshay saamigii laga soo minguuray shirkii Carta ee labo
sanno ka hor lagu fashilmay taas oo loo aanaynayo Dawlada Jabuuti
oo ku hanjabtay haddii aan la raacin qorshihii hore in ay ka
baxayso qabanqaabinta shirka IGAD, wararkaan ayaa sheegaya in
Dawlada KMG ah ee Carta lagu soo dhisay ay heshay saami aad
uga badan intii la filayay in ay hesho, taas oo ka caraysiisay
hogaamiyaal iyo siyaasiin badan oo illaa hadda rumaysnaa in
Shirka Eldoret qaadi doonin wadadii qaldanayd ee shirkii Carta.
Ergooyinka uga qeyb galaya Puntland ayaa la soo sheegay in
ay yihiin 16 xubnood, halka Dawlada KMG ah loo qoondeeyay 100
xubnood ku dhawaad marka la isku daro qeybteeda iyo ururada
iyada hoos yimaada, dhinaca Puntland ayaa waxaa muuqata in qeybtoodii
qaar la siiyay looguna daray Dawlada KMG ah marba haddii ay
Dawlada Carta ku jiraan siyaasiyiin Puntland asalkoodu yahay.
arintaas oo ahayd tii fashilaysay shirkii Carta markii shaqsiyaal
qofna matalin loo aqoonsaday in ay matalaan gobolo iyo maamul
goboleedyo.
Wali wax war ah kama soo bixin Dawlad Goboleedka Puntland waxaase
la saadaalinyaa in aan jawaabtoodu ahaan doonto mid aan ka farxin
IGAD iyo qabanqaabiyaasha shirka, inta koox ka mida qeybaha
ishaya helayso sadbursi ayaan rajo laga qabin in Somaliya heshiis
isugu imaan doonto. Shirkii Carta ayaa Puntland iyo ururadii
kale ee ka soo horjeeday ku guulaysteen in shirkaasi waxii lagu
heshiiyay aysan soo dhaafin tuulada Carta haddase waxaa muuqata
in Puntland ay Carta mar kale ku soo laba kaclaysay.
Mudugonline
Warbixin:Sudan talow
waa dal sidee ah!?
SUUDAAN, 30 Sep 2002 (MOL) -Waxaa laga yaabaa dad badani
markay maqlaan ama dhagahooda ay ku soo dhacdo magaca dalka
Sudan inay u soo baxo suurad dagaal ama dhibaato, taas oo runtii
ka duwan sawirka dhabta ah ee jira.
Hadaba waa dal sidee ah?,
Sudan waxay kamid tahay dalalka ugu dhulka balaaran qaaradda
Africa, oo badkeeda waxaa lagu qiyaasa ilaa (2500-klm-sq) waxay
xuduud la leedahay in ka badan sideed dal, oo Afirca ah, cadadka
deegaanka waxaa isna lagu qiyaasaa in ka badan 30,000,000
Dalka Sudan waa dal siyaasad ahaan aad u furfuran, oo aad looga
tixgaliyo xoriyada nooc kasta ha ahaatee sida tan, (hadalka,saxaafadda,
IWM).Waxaa ka jira dhowr xisbi siyaasadeed, oo kamid yahay Xisbiga
la yiraahdo Xisbul-Umah, oo ah xisbi facwayn oo ka soo jeeda
Mahdigii gacanta ka gaystay la dagaalankii gumaysigii Ingriiska,
sanadahii 1800.
Dhaqaale ahaan dalka waxaa uu ku tiirsan yahay wax soosaarkiisa
sida beeraha, oo waxyaabaha ay bertaan waxaa ka mid ah Haruurka,
Sareenka, Digirta, Khudaarta, IWM.Waxaana dhexmara labada webi
ee Niilka.
Waxaa kaloo uu wadanku leeyahay ceelal saliida laga qodo kuwaas
oo markii ugu horaysay ee la intifaaco ay ahayd bishii sebtembar
sanadii 1999. Taas o keenatay inay wadanka u baaqato lacagihii
adkaa ee dibadda uga bixi jiray, guud ahaan saliida wadanka
laga isticmaalaa waa mida uu wadanka soo saaro.
Sudaan ayaa lagu wadaa inay sanadaha soo socda dibadda u iib
gayso saliideeda taas oo dowr wayn ka ciyaari karta inuu wadanka
yeesho kabado dhaqaale oo wax ku ool ah.
Dhanka wax-barashada dalka Sudaan waxaa uu leeyahay Jaamacado
ka badan 25 jaamacadood iyo 27 kuliyadood, kuwaas oo ku kala
yaala inta badan caasimada wadanka iyo gabi ahaanba goboladiisa.
Waxaa sanad walba ka soo baxa Jaamacadaha Sudaan in kabadan
50,000 oo arday ah oo isugu jira African iyo Aasiyaan.Jaamacadaha
ugu caansan wadanka waxaa kamid ah (Jamacatul Khartoum,
Jaamacatul-Afriqiya Al-caalamiyah, Jaamacatu Nilayn,
Jaamacatu Sudan, Jaamacatu Jubba, iyo kuwo kale
oo farabadan.)
C/lahi Cali Cabdi (Xanaf)
Khartoum,Sudan
Mudugonline
Nin Lagu Dilay Kismaayo
Dibadeeda iyo Mid kale oo lagu dhaawacay Gudaheeda
Kismaayo: Sidda ay ku waramayaan wararka ka imaanaya
Kismaayo waxaa doraad lagu dilay meel u dhaxaysa Jilib iyo Kismaayo
nin isagu ka soo jeeday beesha Mareexaan.
Dilka ninkaan oo aan wali si buuxda loo cadayn cidda ka dambaysa
ayaa wararka Kismaayo dhex wareegayaa sheegayaan inay gaysteen
maleeshiyada Beesha Cayr, inkastoo ay beesha Cayr sheegtay in
dilka ay gaysatay beeshga Shiikhaal, beelaha Cayr iyo Mareexaan
oo isbahaysigoodu xoog ku qabsaday Kismayo ayaa iyagu dhawr
goor oo hore falal dil ah isugu gaystay, kuwaas oo heshiisyo
laga gaaray ay ku gacan sayreen qaar ka mid ah Jifooyinka labada
dhinac, inkastoo madaxdooda sare arinta ka tahay heshiis.
Dhinaca kale habeen hore waxaa gudaha magaalada lagu dhaawacay
nin kale oo ka tirsan beesha Mareexaan, ninka oo ay dhaawaceen
dablay ka tirsan qolada Cawro-Maleh ayaa ka dambeeyay falal
dil ah oo beesha Cawro-maleh loo gaystay.
AllPuntland.com News
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug
Online 2001
|