Sawirada
iyo Mudaharaadka Puntland State Ma runbaa Mise?
London:
Waxaa bogga Internet-ka ee PuntlandState.com uu baahiyay sawiro uu been
abuuray oo uu ku sheegay banaabax balaaran oo ka dhacay
London waa sidda uu u dhigay qoraalkiisee.
Waxay igu
noqotay la yaab, shaki baana naftayda ka galay halka ay ka waramayaan
inay tahay goobtii aan aniga laftigaygu joogay, waxaan garan
waayay sidda indhahaygu u arki waayeen tirada dadka ay sheegeen
inay meesha isugu yimaadeen oo ay ku sheegeen 300 oo qof.
Run ahaan
intii joogtay iyo iyaga laftigooduba waa og yihiin tirada dadka
meesha joogtay, dadka reer Londona war iskuma seegana, meesha
Somalida isugu timid tiradoodu intay ahayd iyo kuwa ay ahaayeena
waa wax lawada og yahay, tiradaas oo xaqiiqdii aan ka badnayn
20 qof oo ahaa dad lagu yaqaanay mucaaradnimadooda maamulka
Puntland, tiradaas oo ka yar toban laab tan ay baahisay Puntlandstate.com
oo iyadu isku qaladay runta iyo beenta, runtii London waxaa
ku nool 100,000 wax ka badan oo Soomaali ah, 20 qofna ma matali
karto Somalidaas kumanaankun ah iyadoo jaaliyada Puntland ee
London ku noolna ay tahay kumanaan kun oo qof.
Ma aha markii
ugu horaysay ee Puntlandstate lagu arko been abuur cad, xagga
sawiarada Xusuuso
sawirkii been abuurka ahaa oo nin Mayd ah oo Wardhiiglay,
Muqdisho yaal ay ku sheegi jireen inuu yahay Mayd Qardho
yaal taasi oo markii dambe runteedii la helay).Akhristoow
Beenlow nin dhintay iyo nin dheeraaday ayuu markhaati gashtaa
ee bal aad ugu fiirso sawirada been abuurka PuntlandState.com
ay ku sheegeen maanta mudaharaad ka dhacay London.
Waa Sawiro
mudaaharaad Been abuur ah , waa Sawiro mudaharaadayo dhawro
sanno ka hor la sameeyey, oo ujeedooyin kala duwana loo sameeyey
, waxay ka xadeen meelo lagu kaydiyey oo Iternet-ka ah, iyagoo
markaan u ekaysiiyay inuu yahay mudaharaad London ay Somaliyi
ka samaysay shalay, Akhristoow sawirkaan hoose aad
u fiiri, waliba si ay kuugu sahlanaato boorarka aan falaarta
ku calaamadaynay akhri waxa ku qoran, ereyo ay ka mid yihiin
"NEVER FORGET SEPT 11", mid kale waxaa ku qoran NO
WAR ON IRAQ maxaa kuu soo baxay akhriste? Beeni waa lug
gaaban tahay
|
Qoraalka
khadka cas ku qoran waa waraaq ay qoreen oo ay
dusha kaga dhajiyeen Boor sawir hore, aad ugu fiirso waxaad
arkaysaa in waraaqda qoraalka ay ku qoreen uusan ka mid
ahayn Boorka ay dul dhigeen, eeg Boorkaas dhinaciisa bidix
warqad cad oo ay ka iloobeen wixii ay ku qori lahaayeen
ayaa kuu muuqata.
Kaasi
waa uun tusaale yar oo aan ka soo qaadnay sawirada ay
dadka tuseen oo kuligood ay dusha sawiro mudaharaadyo
hore ay boorarkii dadku siteen kaga dhajiyeen sawirka
Cabdullaahi Yusuf iyo qoraalo ay qoreen, runtii waxaas
oo dhami maaha mudaharaad dad Somaliyeed ka samayeen
London shalay ee kaliya waa been abuur si ay indhaha
Somalida u qaldaan.
Aad
Akhriste ugu fiirso Sawiradooda kaloo dhan, Boorarka mudaharaadyo
hore ee dadku sitaan bay waxay ku dul dhajiyeen boor ay
sameeyeen iyagoo masawirka Cabdullahi Yusuf ku dul
dhajiyey, iyagoo isticmaalay Photo digital ama Scanner
iwm, aad ugu Fiirso Akhriste sawiradooda,
sawirka Cabdulahi waxa uu dhinac ka saaran yahay boorar
ay warar kale ku qoran yihiin, isla markaasna sidda kuu
muuqata boorarka iyo sawirka dusha laga saaray isma laha,
eeg boorka Cabdullahi ku sawiran yahay hal gacan oo isku
mid ah baa haysa oo ah ninkii markii ugu horreysey lagu
sawiray ah oo kolba boor la dul dhigay..
Run
ahaan xiligaan qofku wax walba waa been abuuri karaa,
foojarina waa la samayn karaa, waxaase xaqiiqo ah in been
kasta ay runi ka dabayn doonto, indhaha dadkuna yihiin
kuwa ka gudbay xiligii la qaldi jiray, aqoontuna maskaxda
dadka waa ka buuxda.
Akhriste
maaha markii ugu horaysay oo PuntlandState.com ay samayso
sawiro Been abuur ah, waxaa horay AllSomali.com u kashifmay
sawirkii maydka degmada Wardhiiglay ee 1991 ninka Talyaani
soo sawiray oo ay ku sheegeen inuu yahay Maydka nin ciidanka
Daraawiishta Puntland ay ku dileen Qardho bartankeeda,
kaasi oo aakhirkii rintiisa uu helay akhriste AllPuntland
akhri halkaan Riix
Halkaan
WQ:Muuse
Cilmi
|
Xasuusin:Qoraaladu
waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Mudugonline.
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug
Online 2001
|