YAMAYS
PRIMARY SCHOOL OO DHAWAAN KA FURMI DOONA GALKACYO
GALKACYO,
27 Sep 2002 (MOL)-Waxaa dhawaan laga furayaa magaalada
Galkacyo,dugsiga hoose/dhexe ee yamays, oo la sugayey furitaankiisa
dhawaana haan. Iskuulka waxa uu ku fadhiyaa dhisme wayn oo u
qalma in wax lagu barto, waana iskuulkii ugu horeeyey ee laga
furo gobolka oo leh dhisme noocaan oo kale ah.
Waxay goobtu
ahaan jirtay xiligii hore ee dowladii Siyaad Barre xarunta lagu
xanaaneeyo agoomaha (dhalinta kacaanka).
Intii ka danbaysay
burburkiina waxay ahaan jirtay goob burbursan oo aysan cidi daganayn,
kadibna waxaa hirgalisay dhismihiisa Hayadda Diakonia oo
ah hayad aan dawli ahayn oo ka shaqaysa gobolada Puntland.
Kadib markii la dhameeyey dhismihiisa, waxaa la qabtay xaflad
lagu soo bandhigay qorshaha la doonayo in laga hirgaliyo. Waxaana
ka hadlay xafladaas madaxweynaha DGPL, Col. C/llahi Yuusuf Axmed,
wuxuuna isla xaflada dhexdeeda ku gudoonsiiyey furaha iskuulka
Prof. Axmed Cali Axmed, oo horey uga hirgaliyey gobolada Puntland
xarumaha agoomaha lagu xanaaneeyo. Kuwaasoo ilaa iyo maanta furan.
Waxa uu iskuulku kaga gadisnaan doonaa iskuuladii horay u jiray:
- ayadoo lagu qaadanayo maadooyinka luuqadda ingiriiska,
marka laga reebo luuqadda carabiga iyo tarbiyada Islaamka.
- ayadoo ay wax ka dhigi doonaan macalimiin aqoon u leh maadooyinka
ay bixinayaan, lagana fiirsaday aqoontooda.
- Ayadoo la isticmaalayo manhaj xiriirsan, bilow iyo dhamaadba.
- Ayadoo ardaygu helayo maktabad ama library uu dib ugula
noqdo casharadii uu qaatay.
Waxaa la filayaa
inuu noqdo iskuul horumar wayn gaarsiiya gobolka, isagoo leh waxbarashada
dadka waawayn, taasoo la dayacay sanadyadan danbe. Waxaa la filayaa
mustaqbalka in fasalada sare lagu daro, marka baahideeda la helo
sida uu ii sheegay Prof. Axmed Cali Axmed.
Faysal
Gabanow, mudugonline, Galkacyo.
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug
Online 2001
|