Carte ma Lacag buu
soo heleen waa maxay carcartaan.cusub
Ma khaldamin Ninkii ku dooda in Kaalmada Carte Carabaha ka
soo helo Puntland u cunto sida Dabku Darmada u cuno, maxaa
yeelay waxay keentaa Abaabul Dagaal, Colaad u Gunti xaydasho,
Dhiig daata, iyo waliba Baaq Beeleed badan oo lagu soo qoro
Homepageyada, kuwaas oo looga gol leeyahay in Balo iyo barokac
Puntland looga abuuro
Waxaana cadaan ah in markasta oo ay Maamulka Puntland
bilaaban Qorshiihii Kismanyo lagu soo celin lahaa oo ay Arintaa
si fiican u guda galaan, in cawowga Kismanyo haysaan ee Carte
bilaabaan sidii ay u fashilin lahaayeen, waxayna sidaas darteed
Carte diyaar u noqdaan bixinta Kharash badan oo xasarad Puntland
dhexdeeda looga abuuro.
Mana ahayn Dagaalkii uu Morgan Kismanyo ku qabsan
rabay iyo kii uu Jamac Cali Jamac sanad ka hor Boosaaso ku qaaday
wax si kadis ah isugu soo beegmaan, maxaa yeelay way cadayd
in uu ahaa Qorshe laga soo shaqeeyey oo ay Alitixaad, Isbahaysiga
Dooxatada Jubo iyo kooxda Carte si wada jir ah uga soo wada
shaqeeyen, ujeedada laga lahaana ahaa in si kismanyo loo xalaashado
puntland xasarad looga ridaan, taas oo keentay in puntland waqti
ay kismanyo ugu gurmato weydo.
Kuma yara Puntland dhexdeeda iyo dibadeedaba awoodo
reer Puntland ah oo qandaraas ku qaadashada fulinta arintaas
diyaar u ah, waxaana waliba jooga gudaha iyo dibadaba kooxda
Alitaxaad iyo Carte taageerayaashooda iyo waliba Odayaal iyo
Siyaasiyiin reer Puntland ah oo meheradooda koobad noqotay u
shaqaynta shisheeyaha.oo si Carte u hirgalo Kismanyana Carte
u xalaalshado diyaar u ah in ay Puntland sandereero la siiyey
darteed u sadqeeyaan
Sidii markii hore ee Puntland xasarada laga abuurayeey
ay raga Kooxda Carte u shaqeeyaan ee dibadaha iyo gudahaba jooga,
Qoobka iyo Qaylada isugu dhareen una abaabuleen Dagaal sokeeye
oo Puntland ka dhaca si taasi u hirgashana Baaq Beeleedyo badan
iyo Qaylo dhanyo badan oo Maamulka Puntland dhan ka ah u soo
saareen, yaad moodaa in sidii waagaa ay muuqato in marka rogala
celiyeen waxaana markale haddeer soo if baxaysa in ay Carte
Casharkii ay Maalintii hore xoraynta Kismanyo ku fashiliyeen
mar labaad rabaan in ay nakhtiin ahaan ugu soo celiyaan.
Ku celinta Casharkan Carabkaa bartay oo cidna
culays kuma hayo waxa kaliya ee loo baahan yahay waa Dabka shidan
oo baasiin lagu sii daro, sidaa darteed waxay bilaabeen taagerayaasha
Carte in ay Boogaha furun Baaq Beeleed iyo Qaylo Dhan ku danqiyaan.
Waxa kaliya ee marakan ku soo biiray dardar cusub
oo ay Alitixaad iyo Carte rabaan in ay ku Darkii iyaga Liiska
Argagixisada Aduunka lagu daray kaga aargoostaan, taas oo ah
in ay Maamulka Puntland ku dhaleeceeyan ku xadgubub xuquuqda
bin aadmiga.
Si marka taas loo hirgaliyo waxay taageerayaasha
Kooxdaa ee dibadu bilaabeen Mudaaharadyo iyagoo waliba ku gabanayaan
Erayga Xuquuqda bin Aadmiga oo ay ma gudbe ka yihiin, ku gabashada
Erayga Xuquuqda bin Aadmiga ujeedad ay Carte iyo Alitixaad ka
leeyihiin waa Jawaab u dhiganta Erayga iyaga lagu eedeeyey oo
ah argagiso helid.
Taasina waa Makhraati ma doonto oo Somaliya labo iyo toban sano
ayuu xadgudub Xuquuda bin Aadmiga ka dhacayey walina ka socday
sida waxa kismayno haddeer ka socda iyada oo waliba kuwii galay
danbigaa oo Kumanyaalkun oo Qof gumaadeen, kumanyaalku oo kalena
soo barokiciyey, Beerohoodii iyo Guryahoodiina xalaashadeen
hal mudaaharaad oo ku eedaynaya ku xadgudub xuquuqda bin aadmiga.
lagu samayn
Waxaa kale oo cadaynaya waxaa Mudaharaadka ka qayb qaateen oo
wax ka soo qorsheeyeen kuwii bililaqad Dadka ay dheceen ku soo
dhoofeen, Dhiig boqolaal Qofna qaba, soona kufsadeeny boqolaal
Gabdhood, kuwaas oo ay caadi ahaan ahayd iska daa in ay xuquuq
bin aadam u doodaane in iyaga Maxkamad Aduunka la soo taago
sidii Ciidankii Hutuuda ee Ruwanda
Carte waxaa markaan u cadaatay in ay Puntland
Qorshaha ay doonaan haddii ay Qarashkiisa bixinkaro ka fushankaro,
si marka Qorshaha cusub kharash ku filan u helaan waxay Carte
u qaraab tageen Wadamada Carata oo ay mood iyo noolba ka soo
heleen.
Markii uu ku filaan waayey wixii lacag ahaan loo soo helay in
uu baahida Qorshaha cusub buuxiyo waxay Carte Jabuuti ka gadeen
kaalmadii Liibiya Dadka masaakiinta ee Somaliyeed u soo dhiibtay
ah, waxaana cad in Kharash mar labaad Puntland lagu gubo Kismanyana
lagu xalaashado la isu keenay, maxaa yeelay waxaa bilowday Baaq
soo saar kii iyo Ciidan abaabul iyo carcar cusub oo puntland
lagu curyaaminaayo, xoraynta Kismanyana lagu hor joogsanaayo,
taas oo keentay Su´aasha Dad badan is weydiinayaan ee
ah.
"Carte ma lacag bay soo heleen? waa maxay?"
Carcartaan.cusub
Mahadsanid
Maxamed Sh. Hasan dahir
Xasuusin:Qoraaladu
waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Mudugonline.
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug
Online 2001
|