Gudiga Hanuuninta dadweynaha
ee Koaxda Carta iyo warka la sheegay in Cabdulahi Yusuf Jiro
la ildaran yahay maxaa ka dhexeeya?
MUQDISHU, 24 Sep 2002 (MOL) -Warar ay isla dhex marayaan
Wargaysyada Muqdishu ee ku hadla afka dawlada ayaa labadii beri
ee u dambeeyay waxaa lagu soo qoray in Madaxweynaha Dawlada
Goboleedka Puntland Cabdulahi Yusuf uu la il-daran yahay xanuun
Ba'an oo qarka u saaran yahay dhimasho, Wargeysyadaas oo siyaalo
kala duwan wararka u qoray iyadoo qaarba si u sharxay Caafimaad
xumida ay yiraahdeen waxay soo wajahday Cabdulahi Yusuf ayaa
hadaba waxay farta ku fiiqi waayeen meesha warkaas ay ka heleen
iyo meesha uu joogo Cabdulahi Yusuf.
Haddaba warkaas ka soo yeeray Wargeysyada iyo saxaafada Kooxda
Carta ayaa waxaa ay la kowsatay samaynta Gudi lagu magacaabay
gudiga Hanuuninta Dadweynaha, gudigaan oo maalintii shalay lagu
magacaabay wareegto ka soo baxday Madax weynaha Kooxda Carta
ayaa loo sameeyay faafinta propogandada Kooxda Carta iyo sidii
loo gadi lahaa kooxdaas aragtideeda, Haddaba waxaa muuqata warkaan
illaa shalay la waday ee loo dardaar wariyay Cabdulahi Yusuf
ayaa u muuqda mid ka yimid gudigaas cusub oo haatan ku soo daray
arimaha Somaliya faafinta iyo hirgalinta warar aan jirin si
qal qal iyo wal wal loogu abuuro dadweynaha aan aqoonta u lahayn
shirqoolada kooxda Carta. ka sakoow faafinta warkaas beentaa
ayaa saxaafada kooxda Carta ee Muqdishu waxay bilaabeen in ay
telefoono ku wacaan dad jooga meelo ka mida Puntland iyagoo
faafinaya in Cabdulahi Yusuf sakaarad yahay oo uu god qarki
saaran yahay, arintaan oo dad badan ka yaabisay in dad Muslim
sheeganaya faafiyaan warar noocaan oo kala ah qof walbana illaahay
ogyahay markuu dhimanayo..
Warar Mudugonline maanta soo gaaray ayaa sheegaya in Cabdulahi
Yusuf Caafimaadkiisu uu fiican yahay aysan waxba iska badalin
tan iyo intii uu ka soo dhoofay magaalada Bosaaso, Warkaas naga
soo gaaray wargal aan rabin in magaciisa la xuso ayaa noo sheegay
in waqti dhaw la ogaan doono wararka beenta ah ee la faafinyo
Cabdulahi Yusuf-na iminka ku sugan yahay wadan ka mida Yurub,
waxaana la filayaa in uu dhawaanba ka dib booqashada Yurub uu
aadi doono wadanka Maraykanka iyadoo la filayo inuu la kulmo
saraakiil ka mida Dawlada Maraykanka, waxaa kaloo la filayaa
in uu la kulmo Jaaliyada Puntland ee Magaalooyinka Maraykanka.
Mudugonline
Kooxda Carta oo sahay
ciidan u diray labadii gudoomiye ku xigeen ee shaati Gaduud
BAYDHABO, 24 Sep 2002 (MOL)- Wararka ka imaanaya magaalada
Baydhaba ayaa sheegaya in sahay ciidan oo fara badan soo gaaray
maleeshiyada teegaarta Shiikh Adam Madoobe iyo Xaabsade oo labaduba
dagaal uga soo horjeedo maamulka DG Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo
Xasan Maxamed Nuur "Shaati-Gaduud" ka dib markii ay
ka falaagoobeen maamulkii la sameeyay, labadaan nin ayaa isla
markiiba waxay iskaashi hoose la samaysteen kooxda Carta halkaasna
waxay ka soo heleen balan qaadyo badan oo hub iyo lacag isugu
jira. balanqaadyadaas qeyb ka mida ayaa la sheegay in uu hadda
soo gaaray labada gudoomiye.
Labada gudoomiye ku xigeen ayaa la sheegay in ay heshiis milatary
la soo saxiixdeen isbahaysiga dooxada Jubba oo xooga ku haysta
magaalada Dekada ah ee Kismaayo, Isbahasiga dooxada Jubba ayaa
damac ka galay bililaqo ay u doontaan magaalada Baydhabo haddii
dagaal halkaas ka dhaco sidii awalba ay ku qabsadeen magaalada
Kismayo. labada ciidan ee iska soo hor jeeda ayaa la sheegayaa
in ay Baydhabo u Jiraaan illaa 50KM, ciidamaduna iskuba muuqdaan
qatarta dagaal qarxaana uu labadii bari ee la soo dhaafay aad
u siyaaday illaahay oo qabooja mooyee.
Mudugonline
Wadaado Tabliiq ah
oo laga sii daayay Xabsiga magaalaada Galkacyo
GALKACYO, 24 Sep 2002 (MOL)- Waxaa maalintii shalay magaalada
Galkacyo laga sii daayay niman wadaado tabliiq ah kana yimid
wadanka Pakistan ka dib markii ay u xiraayeen maamulka Gobolka
Mudug intii mudo ah, nimankaas oo u socday in ay diin faafiyaan,
ayaa maamulku u arkay in ay yihiin argagixiso. wadaada Tabliiqa
ayaa waxay sannad walba safar ku maraan wadamo kala duwan iyogoo
meeshii ay tagaanba faafiya diinta Islamka. wadamada ay tabliiqu
tagaan ayaan ku koobnayn wadamaada Muslimka ee waxay tagaan
wadamada laga haysto diimaha kale.
maamulka Gobolka Mudug ayaan war cad ka soo saarin sababta
wadaada loo xiray iyo waxii lagu tuhmay, waxaa iyaamahan caado
noqtay qofkii lagu arko muuqaal diineed in maamulka Puntland
ka shakiyo, arintaan ayaa bulshada reer Mudug u arkaan aqoon
yari xaga diinta ee maamulka, maamulka ayaa waxaa markasta waxuu
shaki ka qabaa wadaada arin la xiriirta xinif soo jireen ah
oo wadaada Puntland badankoodu u arkaan wax la soo dhaafay.
wadaad neceybka maamulka iyo eedaynta joogtada ah ayaa ah arin
keeni karta mid bulshada Puntland aysan aqbili karin abuurtana
xasarad iyo ishaysasho joogto ah, maamulka ayay tahay markaas
in uu kor u qaado aqoonta iyo wacyigalinta saraakiisha maamulka.
Waxaa sidaas oo kale dhawaanta la soo daayay oo Bosaaso ku
soo noqday labo nin oo Carab ah oo xiritaankoodii dadka dhami
ka xumaadeen, haatana markii wax dambi ah lagu waayay la soo
daayay.
Mudugonline
Islam Attracting
Many Survivors of Rwanda Genocide
By Emily Wax
Washington Foreign Post Service
Monday, September 23, 2002; Page A10
RUHENGERI, Rwanda -- The villagers with their forest
green head wraps and forest green Korans arrived at the mosque
on a rainy Sunday afternoon for a lecture for new converts.
There was one main topic: jihad.
They found their seats and flipped to the right
page. Hands flew in the air. People read passages aloud. And
the word jihad -- holy struggle -- echoed again and again
through the dark, leaky room.
It wasn't the kind of jihad that has been in
the news since Sept. 11, 2001. There were no references to
Osama bin Laden, the World Trade Center or suicide bombers.
Instead there was only talk of April 6, 1994, the first day
of the state-sponsored genocide in which ethnic Hutu extremists
killed 800,000 minority Tutsis and Hutu moderates.
"We have our own jihad, and that is our
war against ignorance between Hutu and Tutsi. It is our struggle
to heal," said Saleh Habimana, the head mufti of Rwanda.
"Our jihad is to start respecting each other and living
as Rwandans and as Muslims."
More.....
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug
Online 2001
|