Wararka Mudugonline


Dawlada Itoobiya oo qabqabatay dad lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Qarax bombaano.

ADDIS ABBA, 22 Sep 2002 (MOL) -Wararka ka imaanaya magaala madaxda wadanka Itoobiya ee Addis Abba ayaa sheegaya in halkaas lagu qabqabtay dad lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen qarax Bombaano oo ka dhacay magaalada Addis Abba Hoteel ku yaal oo lagu magacaabo tigray, Qaraxaas ooo dhacay horaantii bishaan ayaa waxaa uu baab'iyay Hoteelkaas.

Qaraxa bombaanadaas ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof illaa 30 kalena ku dhaawacmeen, dadkaas la qabqabtay ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin Jabhada OLF ee Oramada. Jambhada Oramada ayaan iyadu badanaa qarax la beegsan dadka shicibka, iyagoo dagaal kula jirta ciidamada Dawlada, illaa hadda la shaacin wax cadayn ah oo lagu hayo in dadkaas la qabtay ay ka dambeeyeen qaraxyadaas. waxaa hadda ka hor 1995 ka dhacay magaalada Addis Abba qaraxyo kale oo Dawladu 5 nin oo Somaliya qasaas loogu xukumay.

Mudugonline


Xaalada Magaalada Baydhabo oo Kacsan, Maleeshiyada Gudoomiye Xigeenada RRA oo ku soo Socda Magaalada..;

Baydhabo: Warar hadda AllPuntland soo gaaray ayaa xaqiijinaya in maleeshiyada ka amar qaadata labada gudoomiye xigeen ee RRA Shiikh Aaden Madoobe iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade ay usoo dhaqaaqeen dhinaca magaalada Baydhabo oo uu ka taliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaliya Xasan Maxamed Nuur (Shaati-Gaduud) oo isagu horay ugaga xoog roonaaday dagaalkii Baydhabo ku dhex maray isaga iyo labadiisa gudomiiye xigee.

Wararka soo gaaraya Baydhabo ayaa sheegaya in maleeshiyada labada gudoomiye xigeen ay u soo jiraan magaalada qiyaastii 40 KM, iyagoo kaga soo socda dhinaca Diinsoor oo xarun u ah labada gudoomiye xigeen.

Ciidamada daacada u ah Shaati-Gaduud ayaa galay heegan kii ugu sareeyay si ay isaga difaacaan ciidamada labada gudoomiye xigeen ee kusoo socda magaalada, waxay aagag difaac ka samaysteen meelo ka baxsan magaalada, inkastoo taageerayaasha Shaati-Gaduud ku xoogbadan yihiin hareeraha Baydhabo haddana waxaa jirta cabsi in dagaalku magalada kusoo fido, iyadoo labada gudoomiye xigaan ay doonayaan inay xoog ku qabsadaan Baydhabo.

Xaalada magaalada ayaa kacsan, markii la maqlay warka ciidamada kusoo socda magaalada ayaa cabsi waxay ku abuurtay dadka magaalada oo horay dhibaato uga soo gaartay dagaalkii horay ugu dhexmaray magaalada labada dhinac.

Warar shalay ay heshay AllPuntland ayaa sheegayay in qaar ka mid ah maleeshiyada labda gudoomiye xigeen ay u soo galeen dhinaca Shaati-Gaduud inkastoo wararkaas uu beeniyay dhinaca Shiikh Aaden Madoobe.

AllPuntland.com News



Abdulahi Maxamed Aadan (Karaaye) oo ahaa qofkii weydiiyey Prof Abdi. Samatar su'aashii jawaab teedii noqotay Hinaase....

Minnesota:- Sept 21,2002


Prof Cabdi Samatar

1-Allsomali:- Marka ugu horaysa waxaan jeclaan lahaa bal innaad wax nooga sheegto jawiga shirkii midowga ardayda aad ka qayb gashay & abaabulkiisii?
Jawaab:-Bismillaah walaal waxa weeye shirka wuxuu ahaa shir jawigiisu aad uqurux badnaa laguna qabtay Jaamacada University of Minnesota

2- Allsomali:-Qiyaastii dad intee le'eg ayaa ka soo qeyb gashay, Maxayse ahayd ujeedad shirka?

Jawaab:- Xaqiiqadii anigu matiro koobin dadka ka soo qeybgalay laakiin hadii aan qiyaaso ama mala'awaalo dadka kasoo qeybgalay waxay udhexeeyeen 300 ilaa & 200 oo qof ujeedadana shirka waxay ahayd Somali High Education Fund Rising.

3-Allsomali:-Adiga ma waxaa ka mid ahayd dadkii lagu casumay, mise qaban qaabiyayaashii?

Jawaab:- Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii lagu casumay wuxuuna ahaa shirkaas mid dadka ufuran cidkasta oo danaynaysa arimaha soomaaliyeed.

4-Allsomali:-Waxaa kaloo jirta innaad Su'aal weydiisay Prof. Abdi I. Samatar la xiriirta Jaamacada Boosaaso, isaguna uu jawaab dad badani layaabeen uu kaga jawaabey, marka bal arrintaa noo faahfaahi?

Jawaab:- Walaal waxaa weeye sida dadku ulayaabeen Prof Abdi Ismaciil Samatar Jawaab uu ka bixiyey su'aashaydii Jaamacada Boosaaso East African University sidoo kale ayaan ulayaabay ama hanoqoto isbedelka markaas wajigiisa ka muuqday iyo sidii kululeeyd markaa uu uga jawaabay taasoo uu yiri 3 Arimood oo mida koowaad ay tahay xaafad waliba Jaamacad masameeysan karto tan labaad oo uu yiri runtu Fanto manoqoto tankaloo uu sii raaciyey guryo waa ladhisi karaa maseeyr farabadan iyo Hinaaso baa jira ma garan waxa ku kalifay hadalada noocaas ah oo aan unisboobin qof ku abtirsanayo inuu yahay aqoon yahan Soomaaliyeed isla markaasna Qabiil iyo cid gaar ah ayna midna wax soo barin ee wax ku soo bartay hantidii Qaranka Soomaaliyeed. hantidaas oo udhaxaysay midk uu yasayo ama midka uu kor uqaadayo.

5-Allsomali:-Mase ku qanacday jawaabta Prof-ka?

Jawaab:- Kuma qancin Abdikarinow sababtu waxay tahay Boosaaso waxaa ku nool 1milyan ilaa 8oo Boqol oo kun oo qof markaasna waxay haysataa dadgaaraya ilaa 4 milyan oo dad ah markii lagu daro gobolada kale oo Puntland ah sidaas darteed magaran hadalka uu leeyahay xaafad waliba masameeysan karto Jaamacad tankale meesha uu yiri nin waliba guryo waa dhisan karaa Guryo waala dhisay laakiin Jaamacad baa loo dhisay waxaana nin walba oo Soomaaliya oo Aqoon ku abtirsanaya ama Caqli iyo dadnimaba usaaxiiba & Diinba inuu dhiiro galiyo waxbarashada Somaliya meel kasto oo laga dhiso ha ahaato tuulo ama magaalo weynba wixii waxbarashada kaal meynaya sida Iskuulada, Dugsiyada Qur'aanka, Jaamacadaha, & Masaajidyada laakiin waxaa nasiib dara ah in nin Professor Soomaaliyeed oo dadka waxbarashada isku xilqaamay uu dagaal ku qaaday niyadna jabiyo Soomaalida waxay dhahdaa "Geel duqdiisii aarankiisa maxaad moodaa" hadii ninka aqoon yahan kaa uhadlay sidaas sidee buu uhadlayaa ninka Qoriga sita ama aqoonta & garaadka midna udhisnayn.

6-Allsomali:-Maxaa umaleynaysaa innayProf-ka ku kaliftey innuu saa ujawaabo?

Jawaab:-Walaahi walaal A/kariinow wax cudur daar ah umahayo Jawaabta Prof Abdi Ismaciil Samatar.

7-Allsomali:-Nin Wadanimo sheegta ma tahay innuu wax barashadii Soomaaliyeed kala xigsado?

Jawaab:-Jawaabtu waa maya laakiin waa keeni kartaa Fudeeyd iyo ka fiirsasho la'aan si sahlan hadal ugadhaco laakiin waa inuu iska illaaliyaa Figaarka aqoon yahankaa wax yaabaha ukeenaya sumcadiisa dhibka ama aqoontiisa iney hood udhacdo.

8-Allsomali:-Dib ma loo weydiiyey Prof-ka waxa ku keenay arrintan?

Jawaab:-Maya sababtu waxay ahayd su'aal tii ugu dambeysay waqtigii oo dhamaaday iyo dadkii oo ka xishooday inay la Goos goostaan Professorka.

9- Allsomali:-Malaga yaabaa in Prof-ka ka tiiraanyeysnaa Guul daradii ka raacday dabagalkii Prof -Galeyr oo jawaabtani aar goosasho ahayd?

Jawaab:-Profka magaran waxa xaqusiiyey inuu nin Soomaaliyeed ama dad Soomaaliyeed dambi ka galo hasayeeshee arinta prof-Galeeyr uu ka galay & tan uu kaga hadlayo Jaamacada Boosaasood Magaranayo waxa isku xiray hadii aysan jirin jiro Professorka xagiisa prof Abdi Ismaciil Samatar.

10-Allsomali:-Wax Apologize ah ma jediyey Prof-ka?

Jawaab:-Maya aad buu isula weynaa sida uu ubixiyey jawaabta ama uu isu arkahayey isla markaana wax raali galin ah maka bixi.

11-Allsomali:- Wax xiriir ah mala leedahay East Africa University ee ku taal Magaalada Boosaaso?

Jawaab:- Jaamacada Boosaaso EAU ilaa labajeer baan Fundrising loo aruuriyey ka qeyb galay sano ka horna waxaan tagay Magaalada Boosaaso oo aan in dhahayga ku soo arkay Jaamacada heerka ay gaarsiisan tahay wey dhici kartaa inay caqabado jiraan xaga awooda sababtoo ah wadanka dowladu kama jirto wax barashada kaalmeeysa laakiin waxaan oran karaa Jaamacad saxa baa ka jirta.

12-Allsomali:- Maxaad halkan uga gudbin lahayd umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan?

Jawaab:- Waxaan ugu dardaar mayaa walaalahayga Soomaaliyeed inay Dadkooda iyo Dalkooda iyo Diintooda ay daacad unoqdaan isla markaasna ay iska ilaaliyaan waxa Qadafka ah qofkastana uu garto in umada Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliyeed uu isku mid yahay nin nin wax kalehna uusan jirin Magaala kastana iyo Gobolkastana ay yihiina dalkaadii iyo dadkaadii isku miisaana aad saarto marka aadka hadlaysid arimaha wax qabadka ee ku wa jahan Soomaaliya.

Prof Abdi I.Samatar waxaan sigaar ah ugu dar daar mayaa walaale iska saar waxa qalbigaada ku jira ogoowna inaad tahay aqoon yahan Soomaaliyeed waxa aad qiimaha kuu leedahayna waa dalkaada iyo dadkaada hadaba iska ilaali hadalada dalabta leh waa in uu hadalkaadu uqalmaa hadal aqoon yahan wadani ah.

Walaalayaal waa iga intaa sidaas iyo nabadgalyo.

Kaasi wuxuu ahaa Abdullaahi Maxamed Aadan "Karaaye"

Waxaana wareeystay aniga oo ah Chief Editor Abdikarim Ciise (Qaxiye) abdikarim@allsomali.com







Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001