Muduloodow wada tashiyaa
lagu tanaadaa
Waa bilow guul xambaarsan waa bilow u baahan dhamaystir
wacan oo ay ku dheehantahay siyaasad ku salaysan ixtiraamka
ra'yiga kale iyo degdeg oo laga fogaado ,waa arrin u baahan
la tashiyo dhinac walbo leh si loo helo dad kala ra'yi duwan
oo haddana ka mideysan gaarida hadafka guud ee gobalkan, hadafkooduna
ku salaysan yahay ka mira dhalinta maamul mideeyo dadwenaha
Banaadiriga,Mudulood iyo dadyowga kale saamigooda inta uu la
ekaadaba ee ku nool gobalka bariga iyo bartamaha Soomaliya waa
sida ay ugu magac daraan odayaasha isu xilqaamay sameynta maamul
mideeyo ummad ballaran ee mudda dheer lagu bah dilay Soomali
doon baan nahay.
Gujinta naaska neef caana diid ah waxaa ku wiil iyo walaal
waayay, dhulkoodina ku dayacay niman aan bah wadaag nahay ,
Akhyaareey arrintan aad ka dhawaajiseen waxaan idinka ka codsanaynaa
(annaga oo ah taageerayaasha siyaasada ah gobal walbo oo Soomaaliyeed
ha u dhaqaaqo sameynta maamul u gaar ah iyada oo midnimada Soomaaliyeed
tahay mid ka sareyso maamul walbo oo laga dhawaajiyo) in aad
si qun yar socoda ugu howl gashaan lana tashataan dhamaan siyaasiyiinta
dadyowga gobalkan horboodo ,culamaa'udiinka,oday dhaqmeedka,
indheergaratda, ganaacsatada iyo bushada qeybaheeda kala duwan
mid idin taageersan iyo mid idin diidanba .
Arrintan waxaay ummada gobalkan ku nool iyo dadweynaha Soomaaliyeed
guud ahaan u horseedaysaa in lasoo gabagabeeyo dayacnaanti iyo
kala daadsanaanti salka u ahayd deganaansha la'aanta wadaankeena
ka jirto guud ahaan iyo Gobalka Banaadir iyo deeganada ku xeeran
gaar ahaan. Waxaa kale oo ay geed ku soo xireyso in yar oo ummadda
Soomaaliyeed ku marin habaabisay waxaay nahay Soomaali doon
haddana qorshahooda uunan dhaafsiisneyn hunguri gaaban oo ka
galay meel ciriiri ah imaan la'aan awgeed.
akhyareey, waa ragga ku dhawaaqay in ay ku guda jiraan howshan
waxaan idinku war gelineynaa in aynan howshan ahayn mid sahlan
oo isku soo bood ah waayo waxaay taabanaeysaa dhinacya badan
oo diidan horumarkiina, in mudda ahna ummada soomaliyeed ka
hortaagnaa in ay gaaraan Dowlad loo dhan yahay umamaddana ka
soo saarto mugdigi ay ku jirtay 13sano dana gaar ah oo daahsan
awgood, sidaa darteed waxaan mar kale idinka codsnaynaa tilaabo
walbo oo aad qaadaan in ay ku tiirsanaato xisaab laga baaran
degay xalkeeda halka uu ku jiro iyo dheefteeda iyo dhibkeeda
inta uu la eg yahay .
Waxaa jirto in maalin dhoweyd uu taabtay abwaan soomaaliyeed
dhibatada magaalada Muqdisho ka jirto in ay salka ku heyso xisaab
la'aanta dadka deegaanka degan sidaa darteed waa in aad ogaataan
in ay idinka hor imaaneysa horistaagya badan iyo debandaabyo
la idiin dhigo,si looga badbaado turunturooyinka la idiin maleegi
doono waa in aad howshiina saldhig uga dhigtaan dulqaad iyo
la tashiyo badan .
Ugu danbeyn waxaan idiin rajeynanaa, ilaaheey idinkiis guul
iyo maamulkan aad ka dhawaajiseen oo dadweynaha gobalkan iyo
dhamaan ummadda Soomaaliyeed u horseedo helitaanka dowlad Soomaaliyeed
oo loo dhan yahay saami wadaageeda.
Abdallah Moallim Mahamud
(Siyaasi)
moallem10@hotmail.com
Xasuusin:Qoraaladu
waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Mudugonline.
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug
Online 2001
|