Wararka Mudugonline


ISYEELYEELKA MUSLIN-NIMADA IYO WADANIYADDA EE C/QASIM YAA KA DHAGEEYSANAHAYA!!!

Taariikhdu aadamigu nacfi maadi ah kama helo hadana wakhti iyo kharash badan ayaa uga baxa barashada iyo xafidaadeedaba. Runtiina, PL waxay leedahay taariikh fac weyn iyadoo isticmaarka ka hor laheyd boqortooyo iyo saldanado iyada u gaar ah ilaa laga soo gaaro 1925. Intaasna waxaa u dheer iyadoo aheyd meeshii uu Sayid Moxamed kula halgamay gumeysiga iyo iyadoo halkaas ay ka soo hanaqaadeen rag taariikhda meel weyn ka galay sida :-

1-Sheekh Cali Majeerteen oo qarnigii 15aad diinta ka fidin jiray Koonfurta Somaliya hadana lagu siyaarto Cagaarane oo u dhow Marka.
2-Mudane Yaasiin Cismaan oo ahaa hal-abuurkii SYL.
3-Mudane Moxamed Cawaale Liibaan oo ahaa alifihii calanka Somaliyeed oo oo sidaasna ay ku timid halheyska ah " CALANKEENA WAA CAWAALE ".

Sidaas darteedna , Muslinnimada iyo wadaniyadda waxay hiddo u noqdeen reer Pl laakin nasiibdarado waxaa weeye in iyadii loo adeegsaday in iyadii wax lagu yeelo sida aad ku ogaan doontid waxyaabaha yaabka leh ee hoos ku qoran:-

1-Bilowgii dagaalkii sokeeye ee isdhex marka Somalidu adkeyd ayaa wax aan ka suurtoobi karin meel kale ay ka suurtoowday PL, waxaana
maamulka dekedda heystay Al-itihad oo qabiil walba leh uuna madax u ahaa Xasan Dahir Aweys oo C/qasim isku reerka yihiin.Xasan Dahir iyo
madax kale oo aan reer PLka aheyn waxay wateen ujeedo diinta ka fog kuna saleysan qabill sida jabkii Al-itihad ka dib dadkii wada ogaadeen.

2-Shirkii qahira ka dib, waxaa siyaasadda looga adkaaday kooxdii Gen. Abshir ( oo ahaa ninkii Itihad dekedda gacanta u gashay ) kana mid ahaayeen King Kong Iyo Jaamac Cali Jaamac iyo rag kaleba.

3-Haragii Itihaadka ee PL iyo kooxdii laga adkaaday ee Gen.Abshir oo ay weheliyeen Issimo far ku tiris ah kuna jireen kuwii Siyaad Bare
ayaa si aargoosasho ah uga qayb galay shirkii Jabuti iyadoo Pl ay qaadhacday.

Kooxdii Carte waxay ku kaceen falalka aan hoos ku soo sheegi doono:-
A.Dil siyaasadeed oo fara badan oo ka dhacay meelo badan oo PL ka mid ah sida labadii sarkaal ee shirqoolka ugu dilay wiilka Xamar ka yimid Dolarka badana sida uu u sheegay BBCda Taliyihii hore Booliska PL ee wakhtigaas lana yiraahdo C/llahi Saciid iyadoo la wada ogsoon yahay in wiilkaas uu ka mid ahaa kuwa Xamar ku illaalin jiray King Kong!

B.Intaasna wxaa wehelisay iydoo falal dambiyeedyo kaloo sharci darro lagu kacay sida hantidii keydka u aheyd PL oo ku filneyd 6 bilood
sida ay qoreen wargeysyada Bosaso mushaarka shaqaalaha iyo adeega dadweynaha oo nasiib darro ay dhaceen kuwii cadawga uu u soo
dirsaday burburinta maamulka PL.

C.Iyadoo leysku dayey in mooryaan laga abuuro PL looguna magac daray "Maryo-calas", kuwaas oo boob iyo jidgooyaba ku kacay
kana mid ahaayeen gacan ku dhiiglayaashii xabsiga Bosaso laga soo daayey.

D.Iyadoo lagu takrifalay dakhligii dekedda lagana cuna qabtay dadweynihii Pl ee shaqaalaha ahaa, taakuleyntii la siin jiray Kismayo oo lagu badelay in si kibir ah 100.000 oo Dolar loo siiyo nin tamashle ku tagay Bosaso xiriirna la leh C/qasim lana yiraahdo Dr. Bood.

Waxyaabahaasna waxay cimri deg deg ku rideen joogitaanka dadka la midka ahaa Jaamaac Cali ee PL, waxaayna cimaamadii ay ka tuurtayna daneystayaashii Issimada ahaa ee tirada yaraa ee Carte raacay.

Haddaba, maanta shalay maaha, xaqana mar walba isagaa ugu dambeynta guusha leh sida aanu ku arki karno taariikhdii hore ee aanu soo marnay
siiba xilligii gumeysi la dirirka ahaa oo ay jireen ururo gumeysi raacyo ah sida Majeerteen Progressive Party inkastoo SYL uu abuuray Mudane Yasiin si aad ahna ay uga muuqdeen reer PL. Aakhirkiina , gumeysigii iyo dabadhilifkiisii oo ay MPP ka mid aheydna waa laga adkaaday hadana C/qasim iyo dabadhilifkiisana waxay ku dambeyn doonaan sidii kuwii ka horeeyey.

A.O.Dire


 



Xasuusin:Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.

Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001