Wararka Mudugonline


Xul Mise Xal....

Allaah ha u naxriistee Madaxweunihii hore ee Somaliland Maxmed Ibrahim Cigaal ayaa waxaa lagu saluugey dawalddii ugu horreysey ee uu dhisay 93dii iyadadoo la dhaliilsnayaa tayada ragga uu la baxay. Dabeed wuxuu ku jawaabey dawladdeydu "XUL ma ahee waa
XAL" Hadda maanta dawladda Madaxweynaha Puntland ku dhawaaqey maxay noqon kartaa?
Aniga aragtideyda waxay iila muuqataa in aaney xul iyo xal toonna ahayn!!!.

dabcan ragga intooda badini wax sumcad ah kuma laha bulshada dhexdeeda umana muuqdaan kuwa ka soo mira dhalin kara waxna ku soo kordhin kara xaaladda weli
murugsan ee Puntland. taaso u baahan ninkarmeedyo loo arki karo in ay wax dhexaadin karaan amaba loo soo fadhiisto haddiiba ay qorshe la yimaadaan.

Waxaan xusuustaa sidii ay ugu yaraan uu miisaannayd dawladdii u horreysey ee Puntland ee Cabdillaahi dhisay.iyadoo inta ka wasiirro yareyd. laakiin tan maanta waxay uu muuqataa nin dagaal ku adkaadey oo aan cidna talo uga baahnayn.Yacni anaa iri iyo qancin saaxiibbo gaar ah. iyadoo la dhinac maray tixgelintii beelaha iyo cidda wax loo magcaabayo.

Haddaan sii yare wado ragga intooda badan waxaa aad loogu sheegaa in aan meel loogusoo hagaago ayan lahayn, hadba dhinacii ay dan u arkaanna isu daad-raaciyaan.

Malaha waxaa habboonayd in dib loo gu noqdo.

Mohamed Salah
Dallaas65@yahoo.com.au
Melbourne Australia



CARADA ALLE IYO CIILKA REER PUNTA BAA CARTE KU DHICIN DHAWAAN!!

Ummadda Somaliyeed oo ah dad walaala ah oo wada dhashay, ayaa dhowr iyo tobankii sanno ee ina soo-dhaaftay waxaa soo baxay dad caadaystay ku tagri-falka falal xun xun sida: Dhaca, dilka dad aan waxba galabsan, kufsiga dumarka iyo mararka qaarkood carruurta saqiirka ah, cunidda xoolo xaaraan ah, xoog ku haysasho guryo iyo beero dadkii lahaa laga bara-kiciyey iyo waliba xaasidnimo cuqdadi weheliso.

Qowmiyaddaan waxaa hadda madax u ah Cabdulqaasim Salaad Xasan oo ahaan jiray mid ka mid ah gacan yarayaashii Afweyne, muddo dhowr iyo labaatan sanno ahna gacan ku siinaayey Ina Siyaad Barre siduu u dabar-gown lahaa dadweynihii Somaliyeed ee aan waxba galabsan, sida uu hadda u gacanta xaqdarada ah u siinaayo kuwa xoogga ku haysta Kismaanyo, Shabeelada Hoose, Shabeelada dhexe qaybo ka mid ah iyo waliba qaybo ka mid ah Mogadishu; Dadkaan oo ka kooban calooshooda u shaqaystayaal iyo wiilashii walaalihiis ahaa ee qoyska uu ka dhashay kasoo jeeda ee ilma Cayr ah. Haddaba, Akhristow, dadkaan goormay garan-doonaan danbiyadaan foosha xun ee ay faraha kula jiraan, maxayse ku danbayn?
Waxaa hubaal ah cidwalba oo gardaro iyo axmaqnimo ku dagaalamaysa in cimrigoodu noqondoono mid cawaaqib-xumo ku dhamaada, tusaalena waxaa inoogu filan dagaalkii R.R.A. la-gashay Ina Caydiid iyo wuxuu ku danbeeyey.

Waxaa kaloo xusid mudan midkii Jaahilnimada ahaa ee loo adeegsaday inuu fuliyo Jamac Caliga reer Punta ee maalin cad cagaha wax ka dayey asagoon meel uu u ciirsado aqoon, waayo dadkiisii baa gartay caqligiisa iyo cidduu u adeegaayey. Haddaba, Carte iyo inta xaqdarada kula heshiiyey waxay ku danbayn-doonaan taariikh madow oo la wada xusuusan-doono, waxaana soo dhawaaday jabkoodii iyo waqtigii laga abaal marin lahaa xaqdaradii iyo xumaantii ay geysteen, waxaana ku dhici-doonta caradii Alle iyo ciilka reer Punta. Meesha ay u cararidoonaana la arki-doonee,! waxayna ahaan-doonaan kuwo lays-weydiiyo oo la yiraahdo ma arage ma aragteen, sidii Ina Cali Jamac.
Raage Jamac
ragejma@aol.com
U.S.A


Xasuusin:Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.

Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001