Shirkii dib u heshiinta
Somaliya oo mar kale dib u dhac ku yimid
NAIROBI, 11 Sep 2002 (MOL) - Shirkii dib
u heshiinsiinta Somaliya ayaa mar kale dib loo dhigay maanta,
shirka oo marar badan dib loo dhigay awalna lagu waday in uu
dhaco bishii April ee sannadkaan ayaa iminka dib loo dhigay
illaa iyo 15 bisha oktober ee inagu soo aadan. waa markii labaad
laba asbuuc shirka dib loo dhigo, iyadoo iminka aan dadka Somalidu
aysan ka qabin wax raja ah haba yaraatee.
Dawlada Kenya iyo kuwa IGAD midkoodna ma sheegin
sababta shirka markasta dib loogu dhigayo waxaase la rumaysan
yahay in dib u dhigida badani la xiriirto Dawladaha IGAD oo
aan isku si wax u wadin, qilaafka u dhaxeeyana keenay in shirku
uusan qabsoomin mudo intaas le'eg haatana aan rajo badan laga
qabin in uu qabsoomo iyo in kale.
Dawlada Itoobiya iyo Dawlada Jabuuti ayaa la sheegay
in ay isku qilaafsan yihiin qaabka looga qeyb galayo shirka,
Jabuuti ayaa waxay danaynaysaa in Dawlada KMG ah ee Carta lagu
soo dhisay shirka ku timaado Dawlad qaran ahaan, halka Dawlada
Itoobiya iyo Dawladaha IGAD ay danaynayaan in shirka si simin
looga qeyb galo iyadoo aan kooxna sheeganayn magac Dawladeed
marba haddii uu fashilmay shirkii Carta.
Mudugonline
US threatens world peace, says Mandela
One of the world's most respected statesmen, Nelson Mandela,
has condemned United States intervention in the Middle East
as "a threat to world peace".
In an interview with the US magazine, Newsweek published on
Wednesday, the former South African president repeated his
call for President George Bush not to launch attacks on Iraq
 |
Cheney opposed
his prison release, Mandela recalled
|
He said that Mr Bush was trying to please the American arms and
oil industries.
And Mr Mandela, 84, called some of Mr Bush's senior advisers,
including Vice President Dick Cheney "dinosaurs".
He said that the United States' backing for a coup by the Shah
of Iran in 1953 had led to that country's Islamic revolution
in 1979.
On Afghanistan, Mr Mandela said that US support for the mujahideen
(including Osama Bin Laden) against the Soviet Union and its
refusal to work with the United Nations after the Soviet withdrawal
led to the Taleban taking power.
"If you look at those matters, you will come to the conclusion
that the attitude of the United States of America is a threat
to world peace," he said.
No evidence
Mr Mandela said that the US was clearly afraid of losing a
vote in the United Nations Security Council. "It is clearly
a decision that is motivated by George W Bush's desire to please
the arms and oil industries in the United States of America,"
he said.
He said that no evidence had been presented to support the
claim that Iraq possesses weapons of mass destruction, while
former UN weapons inspector in Baghdad Scott Ritter has said
there is no such evidence.
"But what we know is that Israel has weapons of mass destruction.
Nobody mentions that," he said.
The former South African leader made it clear that the only
member of the Bush team he respects is Colin Powell.
He called Mr Cheney a "dinosaur" and an "arch-conservative"
who does not want Mr Bush "to belong to the modern age."
Mr Mandela recalled that Mr Cheney had been opposed to his
release from prison.
BBC news
Maxaa Kasoo baxay
Kulankii Shaati-Gaduud iyo Shiikh Aaden Madoobe
Dooloow: Kulankii shalay ku dhexmaray Madaxweynaha
maamul Goboleedka Koonfur galbeed Somaliya Xasan Maxamed Nuur
(Shaati-Gaduud) iyo gudoomiye xigaha 1aad ee RRA Shiikh Aaden
Madoobo oo khilaafku u dhexeeyay ayaa wararka ka soo baxayaa
kulankoodaasi waxay sheegayaan inay isku afgarteen in la dhameeyo
khilaafka labada dhinac.
Waxay ku balameen in mudo laba todobaad gudahood
ah dib la isugu soo noqdo si loo dhamaystiro heshiis ay gaareen
labada dhinac, warar ayaa sheegaya in Shiikh Aaden Madoobe
dalbaday inta uusan saxiixin heshiiska labada dhinac inuu
u baahan yahay inuu la tashi la soo sameeyo taageerayaashiisa.
Kulanka labada dhinac ayaa waxaa horay uga soo
shaqeeyay waxgarad Digil iyo Mirif le ah iyadoo ay gacana
ka gaysteen wafdi ka socday Puntland oo uu hogaaminayay madaxweynaha
Cabdullaahi Yusuf uuna ka mid ahaa Dr. Yusuf Cumar As-Hari,
kuwaas oo la kulmay Madaxweynaha Koonfur galbeed Shaati-Gaduud
iyo Shiikh Aadan Madoobe intii ayan labadoodu toos u kulmin
ka hor, Wafdiga Puntland oo tagay Dooloow Axadii ayaa labada
dhinacba ka codsaday inay khilaafkooda dhameeyaan taasi oo
ay balan qadeen labada dhinacba, wafdiga Puntland ayaa goob
joog ka ahaa kulankii ugu horeeyay ee shalay dhex maray Madaxweynaha
Koonfur Galbeed Shaati-Gaduud oo ay marti u ahayeen iyo Shiikh
Aaden Madobe, kulankaas oo ka dhacay degmada Dooloow ee maamul
goboleedka Koonfur galbeed Somaliya.
AllPuntland.com news
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug
Online 2001
|