Shaati Gaduud iyo Sh.
Adan madoobe oo kulmay
DOLOW, 10 Sep 2002 (MOL) Wararka ka imaanaya
magaalada Dolow ayaa sheegaya in ay Maanta halkaas kulan ku
yeesheen madaxweynaha D.G koonfur galbeed ahna hogaamiyaha RRA
Mohamed Nuur SHaatigaduud iyo ku xigeenkiisa RRA Shiikh Adan
Madoobe, kulankaan oo ay ka soo shaqeeyeen odayaasha deegaanka
ayaa waxaa lagu hawl jiray mudo bil ku dhawaad ah, labada hogaamiye
ayaa waxaa dhex maray dagaal ka dib markii RRA ka dhex aloosmay
qilaaf siyaasadeed oo ku salaysan hogaanka iyo jihaynta maamulka
Dawlad goboleedka.
Kulankaas ka dib ayaa la sheegay in labada Hogaamiye
ku heshiiyeen qodobo dhawr ah oo lagu joojinayo dhaqdhaqaaqa
ciidamada, waxaa kaloo ay ku heshiiyeen in ay isugu soo noqdaan
in ay kala saxiixdaan heshiis kama dambeysa lana soo gabagobeeyo
khilaafka siyaasadeed.
Waxaan isagu heshiiskaas ka qeybgalin Maxammad
Ibrahim Xaabsade oo isaga heshiis Milatary la galay kooxda Carta,
Xaabsade ayay waxay aad isugu dhaw yihiin gudoomiyaha baarlamaanka
kooxda Carta Cabdalle deeroow. Heshiiskaan ayaa la rumaysan
yahay in uu soo dadajiyay markii labada dhinac ee Adan Madoobe
iyo Shaati gaduud arkeen qatarta ka imaan karta Xaabsade heshiiska
uu la galay kooxda Carta, taas oo keeni karta in Kooxda Carta
xoog ku soo gasho gobolada Koonfur Galbeed iyagoo awalba xoog
ku haystay gobolo ka tirsan Dawlada Goboleedka Koonfur Galbeed.
Mudugonline
Dagaal Culus oo ka
socda Wala-Weyn
WalaWeyn: Saaka Salaadii subax ayaa dagaal aad u culus
waxa uu ka bilowday deegaanka degmada Walaweyn ee gobolka
Shabeelaha Hoose, dagaalkaas oo u dhexeeyay maleeshiyada maamulka
Cabdiqaasim iyo dadweynaha deegaanka ayaa ku fiday degmada
Walawayn oo dhexdeeda markii dambe lagu dagaalamay.
Maleeshiyada deegaanka ee beelaha la isku liyiraahdo Shanta-Caleemood
ayaa dagaalka ku xoogroonaaday iyadoo ay u suuro gashay inay dib
u riixaan maleeshiyada Beesha Cayr, iyagoo magaalada ka soo saaray
qiyaastii 5 KM dhinaca Muqdisho.
Maleeshiyada Cayr ayaa waxaa markii dambe soo gaaray gurmad
xoogan kaasi oo u suurto galiyay inay markooda dib u riixaan
maleeshiyada Shanta-Caleemood.
Dagaalka oo ilaa hadda socda ayaan la ogayn khasaaraha uu gaystay
inta uu le'eg yahay, waxaana la filayaa dhimasho, dhawaac iyo
bur bur hantiba .
Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in dagaalku uu hadda ka
socdo bartamaha magaalada halka ay dagan tahay sharikad telefoonada
iyo halka loo yaqaan Siinka Dheer oo 2 KM dhinaca Muqdisho ka
xigta magaalada.
Warar kale ayaa sheegaya in maleeshiyada Shanta-Caleemood la
isku yiraahdo ee deeganku ay qabsadeen garoonka Bali-Doogle
oo qiyaastii dhinaca Baydhabo ka xiga Muqdisho 110 KM, waxaa
ka socda Muqdisho gurmad xoojin ah oo maamulka Cabdiqaasim u
dirayo maleeshiyadiisa ka dagaalamaysa Walawayn..
AllPuntland.com news
MALEESHIYADA. BEESHA
CEYR OO GACANTA KU DHIGAY DEGMADA WANLAWEYN IYO TUULOOYINKA
TARAXA
Dagaal ba,an oo shaleyto iyo manta ka soconaayay
degmada wanlaweyn iyo nawaaxigeeda ayaa qaboobay kadib kolkii
ay ku xoog roonaadeen maleeshiyooyinka ka soo jeeda beesha
ceyr
Dagaalkan oo geystay qasaare isugu jira mood
iyo maal ayaa u dhaxeeyay beelaha dega degaankaas oo loo yaqaan
shanta caleemood iyo kuwa ceyr ee uu ka soo jeedo madaxweynaha
dowlada ku meel gaar ah dr c/qaasim salad.
Shaleyto ayey wararku sheegayaan in laga soo
saaray maleeshiyooyinka beesha ceyr Degmada wanlaweyn kadib
kolkii ay ka qalibmeen 2 ka mid ah gawaarida dagaalka nuucooda
loo yaqaan tiknikada taasoo kaliftay iney ku kala firxadaan
daafaha nawaaxiga ku teedsan degmada oo aysan aqoon badani
u lahayn
Aroornimadan ayey wararku sheegayaan in ciidamo
taabacsan beesha ceyr oo ku xareysnaa laantabuur tala galkooduna
ahaa sugida maamulka laga soo wado sh/hoose Ay u talaabeen
goobta dagaalka ,kuwasoo saacado gudahooda ay u suurto gashay
iney gacanta ku dhigaan gabi ahaanba degmada wanla weyn .
Dad u badan haween iyo caruur ka soo barakacay
degmooyinkaas ayaa si raxan raxan ah u soo galayay magaaladan
muqdisho kuwaas u waramay qaar ka mid ah saxaafada muqdisho
ayaa sheegay qiyaas dhan labaatameeyo ruux iney ku naf waayeen
dagaaldaas Halka dhaawacu ka faro badan yahay intaas.
MAXAMED GACAL XAFIISKA BALCAD.COM MUQDISHO
Islamic Leader Pleads
Innocent
GILLIAN FLACCUS
Associated Press Writer
PORTLAND, Ore. (AP) - An Islamic religious leader arrested
at an airport by federal agents pleaded innocent Monday to charges
of document fraud.
During the arraignment, a federal prosecutor said explosives
residue was detected on two pieces of luggage belonging to Sheik
Mohamed Abdirahman Kariye.
Kariye, 41, has not been charged with counts related to the
residue. But assistant U.S. attorney Charles Gorder cited the
tests on the luggage in arguing for Kariye's continued detention.
Gorder refused to comment further after the hearing.
Kariye is charged with unlawful use of a Social Security number
and unlawful possession of a U.S. government document. He was
arrested Sunday at Portland International Airport.
U.S. District Judge Donald Ashmanskas ordered Kariye held until
Tuesday, when the court will resume a hearing to determine whether
to release Kariye pending trial.
Kariye, a native of Somalia, is accused of using false information
- including a changed name - while applying for and receiving
three different Social Security cards between 1983 and 1995.
The federal indictment also alleges Kariye used an altered birth
date in a 1998 asylum application.
His attorney, Philip Lewis, would not comment on the explosives
residue allegation or the alleged altered birth date. He said
it is common for Islamic people to have multiple names, and
that variations of Kariye's name on document applications were
not necessarily fraudulent.
It was not known if Kariye is a U.S. citizen.
Kariye was bound for Dubai, United Arab Emirates, with his
four children and his brother. According to the prosecutor,
Kariye had told his ex-wife he was planning to leave the country
permanently.
Lewis said Kariye was going to Dubai to take a teaching job
and took his children to immerse them in Arabic culture.
Kariye serves as an imam, or prayer leader, at the Islamic
Center of Portland-Masjed As-Saber, his attorney said.
Talal Abdulkarim, a spokesman for the mosque, described Kariye
as a highly respected and devout member of Portland's Muslim
community. About 100 members of the Islamic community crowded
into the courtroom Monday to show support for Kariye.
Gorder said Monday that Kariye hadn't filed tax returns for
several years. But "several thousand dollars" were
found in Kariye's bags, and he had traveled in 1999 and 2000
to Dubai, Saudi Arabia, the United Kingdom and Qatar, the prosecutor
said.
Lewis said his client traveled to make religious pilgrimages
and to speak in his role as imam
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug
Online 2001
|