Shirkii heshiisiinta
Soomaaliyeed oo mar kale dib loo dhigay
NAIROBI, 7 Sep 2002 (MOL) War maalintii
Jimcaha ee shalay ka soo baxay Marsden Madoka wasiirka arimaha
dibada ee dalka Kenya ayaa sheegay in mar kale dib loo dhigay
shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, shirka oo awal la waday
in uu dhaco 23-ka bishan Sebtember ayaa iminka dib loogu dhigay
illaa 30-ka bishan Sebtember. waxaa Dawlada Kenya horey u shaacisay
in shirka lagu qaban doono magaalada Eldorat.ayna ka soo qeyb
gali doonaan kooxaha isku haysta awooda wadanka Somaliya.
Waxaa la aaminsan yahay sababta shirku u dhici
la yahay in ay la xiriirto isfaham la'aan dhextaal wadamada
IGAD ee iyaga loo xilsaaray in ay abaabulaan shirka, dad badan
oo Soomaaliyeed ayaa haatan ku baraarugay in taladii iyo nabad
raadintuba iminka ka baxday faraha ummada Somaliyeed magana
ugu nahay in ay na heshiisiiyaan Dawlado ajnabi ah oo leh dano
iyo ujeedooyin iska soo hor jeeda, taas oo laga cabsi qabo in
ay geed dheer sii saarto xal u raadinta dhibaatada ka abuurmay
dagaalkii sokeeye.
Mr Madoka ayaa sheegay in uu rajeynayo in shirka
laga soo wada qeyb galo, waxuu intaas ku daray in kooxda Carta
ay shirka uga soo qeyb gali doonaan magaca Dawlada KMG ah iyagoo
aan sheegin doonin in ay ka taliyaan dhul aysan maamulin, arintaan
ayaa loo arkaa in ay keeni doonto dhaleecayn ka timaada golaha
SRRC oo horey u sheegay in aysan ka qeyb galayn shirka haddii
kooxda Carta shirka ku timaado magac Dawlad Soomaaliyeed.
Mudugonline
Cabdulahi Yusuf oo
oo u soo jeeda waqooyiga Ameerika
BOSAASO, 7 Sep 2002 (MOL)
Wararka ka imaanaya magaalada Bosaaso ayaa sheegaya in maalintii
shalay uu halkaas ka dhoofay wafti uu hogaaminayo madaxweynaha
Puntland Col Cabdulahi Yusuf isagoo ku soo jeeda booqasho uu
ku mari doono dhawr wadan oo reer Galbeed ah, wararka ayaa sheegaya
in Col. Cabdulahi Yusuf oo sii mari doono wadanka Itoobiya ka
dibna uu uga sii duuli doono wadanka Maraykanka.
Col. Cabdulahi Yusuf ayaa
martiqaad rasmi ah ka helay wadanka Maraykanka isagoo halkaas
lagu wado in uu kula kulmo saraakiil ka socota wasaarada arimaha
dibada ee Maraykanka, kulankaas ka dib ayaa la filayaa in uu
tago dhawr magaalo oo Maraykanka ah si uu ula kulmo jaaliyada
Puntland iyadoo laga yaabo in uu u soo gudbo wadanka Canada
oo ay ku sugan yihiin dad aad u badan u ku abtirsada Puntland.
Jaaliyada Puntland ayaa isu diyaarinaya kulankaan iyagoo sugaya
warbixino la filayo in Cabdulahi Yusuf ka bixiyo xaalada Puntland
oo sannadkaan ka dhaceen dagaalo ba'an oo ku salaysan siyaasad
iyo xukun.
Mudugonline
SOMALIA: UN envoy
warns Somalis
NAIROBI, 6 Sep 2002 (IRIN) - UN envoy Winston
Tubman has expressed deep concern over the recurring loss of
life in Somalia due to outbreaks of fighting in the country.
Somalia has become a watchword for violence and anarchy
around the world, said Tubman, who is the Secretary-General's
Representative for Somalia. "This vicious cycle of violence
must stop.
In a statement released by the UN Political Office for Somalia,
he urged all Somalis to seek peaceful means to settle disputes.
Mogadishu, Baidoa, Puntland and Gedo regions have all experienced
outbreaks of violence with heavy loss of life in recent months,
the statement noted. The UN itself had seen four of its staff
held hostage in Mogadishu in the last six months.
Tubman also said the "pervasive climate of insecurity"
was not conducive to preparations for the Somalia National Reconciliation
conference, currently being prepared by the regional Inter-Governmental
Authority on Development (IGAD).
Somalis should not squander another opportunity to find
peace, but should be seeking ways to reconcile among themselves
before the international interest in their country dissipates,
he warned.
Mudugonline
Maxamed Ibraahim Xabsade
oo Tagay Diinsoor iyo Shaati-Gaduud iyo Shiikh Aaden Madoobe
oo Kulmaya
BAYDHABO, 7 Sep 2002 (ALP) Wararka ka imaanaya Diinsoor
ayaa sheegaya inuu halkaas soo gaaray Maxamed Ibraahim Xaabsade
oo isagu ahaa gudoomiye xigeenka 2 aad ee RRA-da oo isaga iyo
Shiikh Aaden Madoobe gudoomiye xigeenka 1-aad oo markaas isku
dhinac ahaa uu dagaal ku dhexmaray Baydhabo xoogaga RRA-da ee
Madaxweynaha muumul goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Xasan
Maxamed Nuur (Shiiti-Gaduud).
Maxamed Xaabsade ayaa ka soo noqday safar uu ku tagay Muqdisho,
Baraawe iyo Jilib goobahaas oo uu taageero uga radsanayay maamulka
Cabdiqaasim iyo isbahaysiga haysta Kismaayo, halkaas oo uu kula
soo samaystay xiriir.
Warar laga helay ilo muhiim ayaa xaqiijinaya in labada beelood
ee isbahaysiga haysta Kismaayo ee Cayr iyo Mareexaan ay midkood
hor dhigtay shuruud si ay heshiis ula galaan Xaabsade, Beesha
Mareexaan ayaa shuruud ka dhigtay in ayan heshiis la gali karin
nin aan isagu waxba haysan oo iyaga uun wax ka doonaya, waxay
shuruud ka dhigteen inuu marka hore Xaabsade la yimaado maleeshiyo
markaas ka dibna ay iyagu wax ku darsan karaan iyo isla markaa
inuu keeno Shiikh Aaden Madoobe.
Dhinaca kale warar AllPuntland ka heshay Baydhabo ayaa sheegaya
in meel fiican uu marayo dadaalkii lagu dhrex dhexadainayay
Shaati Gaduud iyo Shiikh Aaden Madoobe, warku wuxuu sheegayaa
in labada maalmood ee soo socda lagu wada inuu dhaco wadahadalo
toos ah oo dhex mara labada nin, wadahadalka oo aan la sheegin
halka uu ka dhici doono ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco meel Baydhabo
aan ahayn.
AllPuntland.com news
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug
Online 2001
|