Wararka Mudugonline


Doon Siday Hub oo ciidanka Daraawiishtu soo qabteen

[Bosooso, 2 Sep, 2002] Waxaa magaalada Bosaaso la keenay maalintii shalay ahayd Doon weyn oo siday Hub, Doontaas oo ciidanka Daraawiishta Puntland ka soo qabteen xeebta magaalada Qandala ayaa la sheegay in ay Hubka ka keentay wadanka Yemen, Doontaas ayaa la sheegay in ay siday noocyo hub waaweyn iyo mid yar yar oo kala duwan, Doontaas ayaa wararka Bosaaso naga soo gaarayaa sheegayaan in ciidanka Puntland ku qabteen si gaadmo ah waqti habeenimo ah ka dib markii ciidanku heleen tilmaan la xiriirta Doontaas hubka siday.

Warar aan wali la xaqiijin oo Mudugonline heshay ayaa sheegaya in Doontaas u rarayd Jamac Cali Jamac oo dhawaanta ay iska hor imaad milatary dhexmareen maleeshiyadiisa iyo ciidanka Daraawiishta, dagaaladaasna looga xoog roonaaday maleeshiyada Jamac Cali Jamac, haddii ay cadaato in doontaas u rarayd Jamac Cali Jamac ayaa waxaa sii xoogaysanaya tuhun jiray in Puntland wali ku jirto qatar dagaal sokeeye.

waxaa isla magaalada Bosaaso la keenay naaquudihii doontaas oo dhalashadiisa lagu sheegay Yemen, wadanka Yemena waxuu waayadaan ahaa meelaha hubka ugu badan Somaliya laga soo galiyo, Itoobiya, Jabuuti, Eratariya iyo wadanka Kenya ayaa iyagana laga soo daabulaa hubka loo adeegsado dagaalka sokeeya, Qaramada midoobay ayaa horey u sheegay in aysan indha ka qarsan doonin hadda ka dib wadamada lagu helo in ay Somaliya si sharci daro ah hub u galinayaan.

Mudugonline


Cabdulahi Yusuf oo la filayo in uu asbuucaan safar u aado waqooyiga Ameerika

[Bosooso, 2 Sep, 2002] Wararka ka soo baxay xurunta madaxtooyada Puntland ee Bosaaso ayaa sheegaya in Col. Cabdulahi Yusuf uu asbuucaan safar u aadi doono wadanka Maraykan iyo Ingriiska, Safarkaan oo la sii shaaciyay dhawr bilood ka hor ayaa la sheegayaa in uu dabo joogo martiqaad Cabdulahi Yusuf ka helay wadanka Maraykanka. waxaa la filayaa inta Maraykan uu joogo in uu la kulmi doono jaaliyada Puntland ee magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka sida Seatle iyo Minneapolis.

Waxaa kaloo la filayaa in Cabdulahi Yusuf la kulmo Jaaliyada Puntland ee wadanka Ingiriiska, Safarka Cabdulahi Yusuf ayaa dad badan ku fasireen in uu hor u dhac u yahay shir weynaha Somaaliyeed ee lagu wado in uu ka dhaco wadanka Kenya bishaan dabayaaqadeeda, iyadoo Dawlada Maraykanku haatan xiise cusub u qabto Dawlad dhexe oo ka dhalata Somaliya, ka dib dhacdooyinkii september 11 oo lagu qarxiyay magaalada New York, iyadoo Dawlada Maraykanku ka cabsi qabto in Dawlad la'aanta Somaliya ay ku soo dugaalaan kooxaha ka soo jorjeeda Dawlada Maraykanka, si kastaba ha ahaatee safakaani waa martiqaadkii ugu hareeyay oo hagaamiye Somaaliyeed ka helo wadanka Maraykanka tan iyo intii ay burburtay Dawladii dhexe ee Somaliya sannadkii 1991.

Mudugonline

Khudbaddii Madaxweynaha DG Puntland ka dib dhaartii xubnaha cusub ee Golaha Xukuumadda
Xafladii Dhaarta golaha Xukuumada Puntland

 




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001