Wararka Mudugonline


Maxaa Ka Danbeeyo Shirka Kenya ee Eldurat
(sumun bukmun cumyun fahum laa yarjicuun)

Waa marti xaaraan ku xidideysatay waa marti xoog is baday xoogoodiina dagaalki Cisileey ku dhiiqday , waa marti tabar u diiday dhamaystirki hadafki uu lahaa inqilaabki lala maagay Madaxweyne Cali Mahdi Moxamed 17/November/1991 dagaalkaas oo socday afar bilood,waa marti ka quusatay in ay gaaraan dowlad ay xoog ku keenaan keddibna go'aansatay in lagu jiro isboob iyo dowlad la'aan haddii aynan iyaga maamulayn ilaha dhaqaalaha ee dalka Soomaaliyeed oo dhan, Waa dhaga la'aan, hadal la'aan , arag la'aan ,xaqana uma soo noqdaan (sumun bukmun cumyun fahum laa yarjicuun) .

Saadaasha qaabka ay ku socdaan dharbaaxsho lala dhaco hurimeyso ,war u fiirso yaa wiilashoodi xaq darro ku dagaal geliyay kuna gumaaday dagaal hadafkiisu qalafsan yahay guulna aan laga gaarayn ,yaa adduunyo iyo akhiro mustaqbal wacan uga habsaamay xoog iyo boob ku heysashada guryihi Dadweynaha iyo dowladda Soomaaliyeed ku laheyd magaalada Muqdisho iyo koofurta dalka Soomaliya sida xarunta Xooga Dalka Soomaaliyeed,Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed,Iskoola Boliisiyo, Ayraboorka iyo Afesyooni, Raadiya Muqdisho, xarumihi Milatariga oo dhan, Xarunti denbi barista, Deggadi Muqdisho,Xabsiga dhexe,Safaaradihi dalalka shisheeye intooda badan, Staadiyo Muuqdisho,warshadihi waaweynaa sidi warshada Caanaha, Galayda , Baastada, Saliida, Sigaarka iyo Tarraqa,golaha ummadda ,isbitaaladi waaweyna sidi Martini, Banadir,Digfeer iyo Madiino ,ha hilmaamin faras magaalaha Muqdisho waa Afar Irdoodki , Koodka , Noofajento, Suuqi Xamarweyne ,Ceelgaab , cineemonyinki caanka ku ahaa magaalada Muqdisho sidi SHentraalo ,Equadora, Banadir, Africa ,Super, Misyooni, cinemo Nasir iyo Villa Soomaliya oo ah guriga Dowlada lagana hagi jiray arrimaha dowladda Soomaaliyeed waagi ay jirtay dowlad Soomaaliyeed. Tan ayaa ka daran waxaa kuu haray goobihi waxbarashada sidi dugsiga sare ee 15 May oo ay la wareegtay Horn of Africa oo ah xarunta warbaahinta kooxdan wadanki oo dhan marin habaabisay, Dugsiga sare ee 21 oktober, DHexe Kaasoboobalaare , Sare Howlwadaag, DHexe Maxamuud Xarbi, Sare Banaadir ,Sare farsamada iyo politechnico, Jaamacidi Gahayr, Xanaanada xoolaha , Beeraha iyo.Lafoole iww. meelaha ay gacanta ku hayaan burcaddan oo ay doonayaan in ay ku gorgortamaan ma ahan kuwa si sahlan loogu soo koobi karo qaraal gaaban. Kooxdan waa koox mooday qabsashada meelaha aan kor ku soo xusay in ay gaarsiineyso gacan ku dhigidda ilaha laga maamulo dowladda dhexe ee dalka Soomaliya balse waxaa reed martey in dadweynuha yahay waxa lagu xukumayo oo aynan ahayn dhismooyin, dadweynaha waddankana guud ahaan iyo daweynaha muqdisho gaar ahaan oo aad uga tira badan burcaddan aynan aqbalayn dhaqan xumo iyo koox keliya oo dadka ku amar ku taagleyso..

Hashiis Soomaali gaarto fari kama qodna inta ummadda Soomaaliyeed dooneyso in ay wada hadal la gasho koox u darfa xaydatay boobka dadka masaakiinta ah oo aan hubeysnayn iyo hor istaagida in Soomaali meel isla dhigto gaarida hashiis keeno in la soo dhiso dowlad loo dhan yahay laguna qeybsado awooda maamuleed ee dalka Soomaaliya, waa riyo in heshiis laga sugo koox biyihi webiga dadki deegaankaa lahaa ka iibineyso, koox imam cusub magacaabeyso dejineysana Qoryeeleey oo aynan deegaan ku lahayn iyada oo lagu jiro abaabulka shirka nayroobi iyo sidi Soomaali meel la isugu keeni lahaa si heshiis looga gaaro soo dhisitaanka dowlad loo dhan yahay.

Kooxdan waa koox shaydaan suldaan u yahay una aynan muuqan in kaabihi koowaad ee kooxdooda ku nafwaayay kaawada goodey isaga oo qori sito ,labadi professor ee la talin jirayna waa Prf Maxamed faarax jimcaale iyo Prf Ciise Maxamed Siyaad oo maanta iyaga kala ah laba jabhadood oo is diidan waxaay howshoodi ka badin weyday in ay safxadda Qaranimo dacaayad u sameyso kuna soo qoraan jananki wuxuu ahaa nin fariid ah oo karti badan, waa koox aan garan maxaa u diiday in uu horay u socdo kaabihi kooxda Carte oo isagana ka badin waayay in uu ku khudbeeyo dhamaadki sanadki labaad ee dowlad ku sheekiisa "howshaan qabanay labadi sano waxaa u weyn in aanan kala dirin barlamaaki iyo dowladi marka laga reebo afar nin iyo qof dumar ah oo iyaga iska tegay "waxaa kuu dheer oo khudbadiisa ka mid ahaa "waxaad tihiin shacab bakhiil ku ah in ay u sacaba tumaan dowladooda waxaana sacab la'aantaa ku calfan weynay 45 milyan oo doolar oo Dowladda Sacudi Carabiya na siin lahayd"
Soomalaay howsha noo taal waa in aan u xaydano sidi nabad loogu soo dabaali lahaa dalkeeni Soomaaliyeed ,loona soo celin lahaa kala danbeynti iyo sharciga oo dadka lagu kala hago waxaasa ka sukeeyo in aan laba arimood midkood la imaano.

1) waa in ay Soomaali aqbalaan ku sii jiritaanka ku tumashada karaamadooda iyo heybadi ay lahaayeen dadka iyo dalka Soomaaliyeed guud ahaan iyo iyada oo xoog lagu heysto guryohoodi ,deegaanadoodi taana waa arrin cadeyneyso in aan nahay ummad daciif ah sina aan xal ugu raadin karin dalkooda iyo dadkooda.

2)tan labaad waa mid aan culays ka yarayn tan hore waana mid xaq ah waana mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan guul u horseedayso waana in kooxdan lala helo dharbaaxsho u caqli celiso tustana dariiqa mustaqiimka ah iyada oo aan laga tegayn in ay yihiin dad u dhashay dalka xaqna u leh in ay wax ka qeybsadaan awooda sare ee maamulka waddanka soomaliya.

Ummadada Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogto waa ka raja dhigtay abuuritaanka shirar mar walbo ku dhamaado fashil , guul darro iyo daba dheeraashada ku hoos jirida dulli aan garanayn yaad boobeysiin yaase u boobeysiin , dadka waa walaalo waana isku diin oo waa wada muslim.


Abdalla Moallim Maxamud
Abdullahi siyaasi
Moallem10@hotmail.com


 



Xasuusin:Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.

Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001