Madaxweynaha Puntland
oo Magacaabay golaha Wasiirada iyo taliyaha iyo taliye xigeenka
ciidanka Booliiska Puntland
Boosaaso: Waxaa saaka looga dhawaaqay magaalada Boosaaso golaha
xukuumada Puntland oo in muda ah laga sugayay inuu soo magacaabo
madaxweynaha Puntland, Wariyaha AllPuntland ee Boosaso ayay u
suuro gashay inuu helo saaka nuqul ka mid ah dikareeto madaxweyne
oo lagu kala magacaabay 13 wasiir, hal wasiiru dowle iyo 14 Wasiir
ku xigeen iyo dikareeto kale oo lagu magacaabay taliyaha iyo taliye
xigeenka Booliska Puntland, waxaana loo kala magacaabay siddaan:
Golaha Wasiirada:
- Cawad Axmed Cashara, Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.
- C/raxmaan Maxamed Faroole, Wasiirka Maaliyedda.
- Xassan Axmed Jaamac, Wasiirka Iskaashiga Caalamiga
iyo Qorshaynta.
- Axmed Cabdi Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo
Dawladaha Hoose.
- Diiriye Jaamac Geele, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta
Dadweynaha.
- Faarax Maxamed Yuusuf, Wasiirka Ganacsiga
- Xasan Maxamuud Dhiilood, Wasiirka Waxbarashada.
- Cabdi Nuur Cilmi Maxamuud (Qooje), Wasiirka Arrimaha
Dhalinyarada iyo Isboortiga.
- Shaahdoon Cali yare Siciid, Wasiirka Kaluumaysiga iyo
Dekedaha Gaadiidka Badda.
- Siciid Maxamed Maxamuud (Caduur), Wasiirka Caafimaadka.
- Axmed Maxamed Ceegaag, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Beeraha
iyo Deegaanka.
- Axmed Maxamed Cigaal, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka.
- Cabdi Cabdulle Siciid, Wasiirka Dhaqan celinta iyo
Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
- Warsame Cabdi Shirwac, Wasiiru Dawladdaha
WASIIRRO KU XIGEENNO:
- Axmed Yuusuf Cumar, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.
- Warsame Aadan Guuleed, Maaliyedda.
- Maxamed Saciid Shabeel, Iskaashiga Caalamiga iyo Qorshaynta.
- Axmed Aaden Carab, Arrimaha Gudaha.
- Cabdirisaaq Cali Saciid, Dawladaha Hoose.
- C/shakuur Mire Aadan, Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta
Dadweynaha.
- Cismaan Cawad Cali, Caafimaadka.
- Cali Gamuute, Waxbarashada.
- Cali Ciise Cali, Arrimaha Dhalinyarada iyo Isboortiga.
- Maxamuud Maxamed Cilmi, Kalluumaysiga, Dekeddaha iyo
Gaadiidka Badda.
- Cilmi Cali Guuleed, Ganacsiga.
- Xasan Yuusuf X. Ismaaciil Dhaqan-celinta iyo Dib u
Heshiisiinta Soomaaliyeed.
- Saleebaan Cabdi Odowaa, Xanaanada Xoolaha Beeraha iyo
Deegaanka.
- Axmed Maxamuud Nuur, Hawlaha Guud iyo Gaadiidka.
Madaxweynaha Puntland ayaa dikareeto kale oo isla saaka ka soo
baxday xafiiskiisa ku magacaabay Taliyaha iyo taliye xigeenka
ciidanka Booliiska Puntland, waxaa loo magacabaay
- G/le Sare Xirsi Saciid Faarax, taliyaha ciidanka Booliiska
Puntland
- G/le Sare CabdiAsiis Saciid Maxamed (Gacamay), taliye
xigeenka ciidanka Booliiska Puntland
Labada dikareeto ee magacaabida golaha wasiirada iyo taliyayasha
Booliiska waxaa ku saxiixnaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha
Dawladda Puntland Ee Soomaaliya
Xigasho Allpuntland.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug
Online 2001
|