Wararka Mudugonline


Cabdulahi Yusuf oo ku dhawaaqi doona golahiisa wasiirada beri ama beri dambe

Boosaaso:Wararka ka imaanaya magaala madaxda ganacsiga Puntland ee Bosaaso ayaa sheegaya in maamulka Cabdulahi Yusuf ku dhawaaqi doono maamulkiisi golaha wasiirada labada maalmood ee fooda inagu soo haysa, golaha wasiirada oo tiradooda la gaarsiiyay illaa 13 wasaaradood ka dib markii golaha baarlamaanku ansixiyeen in 4 wasaaradood oo kale lagu daro tiradii hore oo ahayd 9 wasaaradood oo kaliya. magacaabida golaha wasiirada ayaa daba jooga guulo milatari oo maamulka Cabdulahi Yusuf gaaray ka dib loolan gacan ka hadal ah oo dhex-maray isaga iyo Jamac Cali Jamac, hardankaas milatary oo looga xoog roonaaday Jamac Cali Jamac ayaa iminka maamulka Cabdulahi Yusuf waxuu uu u gudbay dhisida Dawlad loo dhan yahay lana filayo in ay soo celiso kalsoonidii iyo kala dambeyntii Puntland astaanta u lahayd.

Wasiirada maanta Magaalada Bosaaso magacyadooda la hadal hayay ayaa waxaan Mudugonline wali u suura galin in aan wada helo magacyadooda oo kaamil ah, waxaa kaloo aan wali si run ah loo ogayn in wasiirada aan magacooda helay la magacaabi doona marba haddaan warkaan ku helay si hoose oo hormaris ah. waxaa ka mida wasiirada magacoodu na soo gaaray;
1. Abdirahman Faroole.
2. Cilmi Ali guuleed
3. Warsame Cabdi Shirwac (seefta-banaanka) oo ahaa la taliyaha Cabdulahi Yusuf xaga suyaasada ama Ahmed hassan Jama (Daafeedow)
4. Dirrie oo ah nin reer Sweden kana yimid gobolka sanaag
5.Axmed Max'ed Ceegaag oo ahaan jiray wasiirka xanaanada xoolaha
6. Axmed Cabdi Xaabsade oo ahaa gudoomiyaha gudiga xaalada deg-dega ah.
7. Axmed Maxmed Cigaal
8.Abdulqadir Gelle(kanneco)
9. Wasiirkii hore ee Maaliyada.

Magacyada oo dhamaystiran iyo wasaaradaha iyo waliba wasiirada magacyadooda naga maqan yihiin gadaal ayaan ka soo sheegi doonaa haddii illaahay inoo idmo.

Mudugonline


Madaxweyne ku-xigeenka Dawlad goboleedka Puntland Mudane Mohamed Abdi Hashi oo shaqadii ka eryey agaasimihii waaxda caafimaadka

Waxaa Mudugonline soo gaaray nuqul waraaq ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dawlad goboleedka Puntland oo lagu shaacinayay in shaqadii laga eryey agaasimihii waaxda caafimaadka Dr. Abdirahman Saed Mohamed, amarka ka soo maxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu ogaysiinayay hay'adaha qaramada midoobay, hay'adaha aan dawliga ahayn ee caalimaga ah iyo xafiiska madaxweynaha.

Halkaan ka aqriso nuqulka waraaqda oo ku qoran afka ingiriiska.

Mudugonline


Gudiga Xaalada deg deg ah ee Puntland oo mamnuucay hay'ada OTP ee Boosaaso

Boosaaso: Amar uu soo saaray gudoomiyaha gudiga xaalada deg deg ah ee Puntland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa lagu mamnuucay dhamaan dhaqdhaqaaqa hay'ad aan dawli ahayn oo lagu magacaabo OTP oo xarun ku lahayd Boosaaso.

Amarka mamnuucida ayaa farayay Booliisku inay baaraan xafiisyada hay'adaasi ee magaalada Boosaaso, ciidanka Booliska Boosaaso ayaa markii amarkaasi soo baxay baaritaan ku sameeyay saaka xafiiska hay'adaasi iyagoo qaatay Combiyuutaradii yaalay xafiiskaasi oo ay baaritaan ula aadeen saldhiga booliska Boosaaso.

Hay'adaan OTP ayaa lagu eedeeyay inay xiriir dhaw la lee dahay ururka Al-Itixaad iyo maamulka Cabdiqaasim, gudiga xaalada deg deg ah ee Puntland ayaa manuucidiisa hay'adaan u cuskaday baaritaan uu sheegay inay soo sameeyeen hay'adaha amaanka Puntland.

Gudoomiyaha hay'adaasi Cabdullaahi Xaaji Dayib ayaa xaruntiisu tahay Muqdisho, Dayib ayaa siddoo kale gudoomiye ka ah hay'ada INXA oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho.

Cabdullahi Xaaji Dayib oo la taliye xaga xiriirka caalamiga ah u ah Jamac Cali Jamac, wuxuu ka mid ahaa wafdigii Jamac u raacay Na'irobi oo kala qaybgalay shirkii Nakuuro, siddoo kale wuxuu Cabdullaahi Xaaji Dayib ka mid ahaa wafdigii Jamac ee Adis-Ababa u tagay inay wadahadalkii burburay kula soo yeeshaan Maamulka Cabdullaahi Yusuf, inkastoo uu dhinac kalana madax ka ahaa hay'ad ku shaqaysata mid samafal oo aan dowli ahayn, Cabdullaahi Xaaji Dayib wuxuu Boosaaso ka tagay horaantii bishii may sannadkaan, maalinkii Boosaaso ay kusoo noqdeen maamulka Cabdullaahi Yusuf, isagoo diyaarad u raacay Nairobi oo uu markii dambe uga sii gudbay Muqdisho iyo Holand uu daganaansho ku leeyahay, wuxuuse bishaan horaanteedii ku noqday Muqdisho oo loogu doortay gudoomiyaha Hay'ada INXA oo laga lee yahay Muqdisho.

AllPuntland.com news




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001