Baaq ka soo Baxay Dadka
u dhashay degaanka G/J/HOOSE, Degmadiisa Kismaayo.
Ku : dhamaan Jaaliyadaha Ummadda Somaliyeed ee North America,
Europe, Australia, New Zealand iyo Carabta.
Ku: Ururka Horumarinta G/J/HOOSE.
Ku: Dhamaan waxgaradka Somaliyeed ee Ku Sugan Daafaha Aduunka.
UJEEDO : BAAQ AY SI WADA JIR AH U SOO SAAREEN WAX GARADKA U
dhashay degaanka Waamo.
Waxaa ayaan daro ah in dadyowga u dhashay degaanada G/J/HOOSE
(WAAMO) xaquuqdooda mar walba ay ku xad gudbaan dadyow aanan
degaankaasi u dhalanin ilaa iyo intii dagaalada sokeeye bilowdeen.
Haddaba Anagoo ah dadyowga u dhashay degaanka Waamo ogeysiinaynaa
ummadda Somaliyeed in ayan jirin/jirina inay wada hadal nabadeed
ka galaan dadyow aanan u dhalan degaanka Waamo.
Haddaba waxaan si gaar ah ugu digaynaa dadyowga sida Kablalaxa
aanan u dhalan degaanka, inay isku magacaabaan inay iyagu yihiin
nabadoonada degaanka.
Hadaan nahay dadyowga degaanka u dhashay waxaan falalka noocaas
oo kale ah u aragnaa inay yihiin ku xadgudub iyo gacan dhaaf
ay u gaysanayaan dadyowga walalahood ah oo degaankaas ku abtirsada.
Taasoo anan wax nabadeen iyo heshiis horumar leh lagu gaari
karin.
Haddaba hadaanu nahay dadka reer Waamo waxaan talo u soo jeedinaynaa
dadka walaalahayga ah iyo ummadda Soomaliyeedba meel kasta ay
joogaan inay faraha kala baxaan arimaha degaanka Waamo oo ayan
wax shaqo ah ku lahayn, ku xadgudub mooyee.
Waxii talo iyo tashi ahna fadlan la soo xariira dadka udhashay
degaanka Waamo.
Eng. Abdirashid Artan Musse
Gudoomiye Maxamed Musse Abdi
Nabadoon Cabdulkadir Salad Ali
Macalim Yaasiin Karaani
Nabadoon Yasiin Xaji Yusuf (atoore)
Drs Kharo Bulxan Maxamed
Nabadoon Axmed Xasan Xirsi
Nabadoon Ismaaciil Dirir
Fadumo Farax Baande
Kadir Maxamed abshir
Dr. Maxamud Bulqaas Maxamed
Hooyo Timiro cukaash Guuleed
Abdicasiis Maxamed Ciise
G/sare Axmed Dhalacade
Prof. Maxamed Xareed Ali
Nabadoon Maxamed Aloore
Fariimaha kala xariira: Artan21@yahoo.com iyo yasinyusuf2@hotmail.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug
Online 2001
|