Ma la rumaysan karaa
in yuusuf garaad dhex dhexaad yahay.
Mar uu Yuusuf Garaad u waramay Radiyo Dalmar wuxuu ku dooday
in uu Isaga iyo BBCda Laanta Somaliguba ay dhexdhexaad arimaha
Somaliya ka socda ka yihiin, ku doodid uu Yuusuf Garaad ku dooday
in uu dhexdhexaad yahay Waxay i xusuusisay Sheekada soo socota.
Waa buu Dhurwaa intuu inta Habar Dugaa ah isugu yeeray ku dooday
in uu aamin yahay oo dhexdhaxaad yahay oo uu caadil yahay wuxuuna
yiri ,,war aniga waxaa iga soo horjeeda oo igu kacsan kuwo dugaag
ah oo sixun wax u sheegayaal ah ee aniga ka Dhurwaa ahaan waxaan
ahay aamin, dhexdhexaad iyo Caadil oo wixii la igu aamino sixun
oo aan waafaqsanay Xeerka la iigu dhiibay uma isticmaalo.
Habar Dugaag waxay ku noqotay Gada cusub ee Dhurwaa la soo
baxay yaab iyo Amakaag iyo Af kala qaadid, iska daa in ay Habad
Dugaa Dhurwaa ka yeelan in uu aamin, caadil iyo dhexdhexaad
yahay ee soo Qaaditaanka iyo soo Bixitaanka uu Erayadaasi afkiisa
ka soo bexeen baa ka fajicisay oo ka yaabisay Habar Dugaag oo
dhan.
Habar Dugaa intay is dhugteen bay waxay dhaheen war Dhurwaa
in aad naga qosol siisid baad rabtaa.
Dhurwaa Dhulkuu isla dhacay oo uu ooyey oo uu ku celceliyey
Tijaabo iga qaada Maanta waxaan cadaynayaa in aana ahay waxa
la iga sheegayo ee aniga shaqsiyadayda wax loogu dhimayo.
Habar Dugaag oo la yaaban sida uu Dhurwaa ugu adkaysanayo in
uu aamin, dhexdhexaad iyo caadil yahay waxay wada tashi iyo
dood dheer ka dib isku raaceen in la tijaabiyo waxayna Dhurwaa
ku dheheen war dhurwaa waxanu u malaynaynaa in ay adduunyo Gadoonkii
tahaye bal waan ku tijaabinaynaa ee raac Hashaa iyo Nirigta
ka dhaxaysa Habar Dugaag oo dhan ee haddii aad ilaa iyo Qorax
dhacii adigoo waxba gaarsiin soo celisid Magaca Aamin waa laguu
bixin waxanuna qiraynaa in aad aamintahay.
Dhurwaa wuxuu raacay Hashii iyo Nirigtii isagoo ku dadaalaya
in uu magacaa Aamin mar uun qaato, wuuna is celceliyey Dhurwaa
ilaa iyo Duhurkii, Casarkii bay Gaajo ku dhagtay Dhurwaa wuxuuna
ku fakiray in uu Hasha iyo Nirigta meelo aan Ishu ku dhacay
ka goosto oo uu ka cuno wuxuuna ka goostay Hashii Candhadii
Nirigtiina Bishimihii.
Maqribkii buu dhurwaa soo dheelmiyey Hashii iyo Nirigtii markii
ay Habar Hugaa u muuqdeen mudutuushii Hasha iyo Nirigta way
farxeen waxayna yiraahdeen ,, dhurwaa waa aamin´´
dhurwaan Farxad buu la dhacay markuu maqlay dhurwaa waa aamin.
libaax baa soo booday oo yiri ,, war ma hubsade iyo beenaale
waa walaalo e aynu wax hubsano´´ wuxuuna soo jeediyey
in Hasha iyo Nirigta la isku sii daayo si ay isu nuugaan .
markii Nirigtii Hoyadeed lagu sii daayey oo ay ku oroday si
ay Hoyadeed u nuugto buu Dhurwaa qoslay oo uu yiri ,, nadhash
nadhash maxay ku nuugtaa amase ay ka nuugtaa afrihiiba go´ane
´´ isagoo ka wada maxay la ordaysaa waxay wax ku
nuugto iyo meel ay wax nuugto midna ma leh.
Habar Dugaa in tay naxeen bay waxay yiraahdeen waligaa dhurwaa
dhurwaa baad ahaan noqona maysid aamin, dhexdhexaad iyo caadil
midna.
Dhurwaa oo u qaadan la in laga ceshaday magacii ayaa yiri ,,
aniga Hasha iyo Nirigta soo cili baad i tiraahdeen oo waan soo
celiyey mana aaydaan i oran candhada ha ka goosan sidaa darteed
aamin baan ahay, oo Maantoo dhan Hasha iyo Nirigtaan ku dhexjiray
oo dhexdhexaad baan ahay oo ugu dan bayntii Hasha intaan ka
goostay uun baan Nirigtana ka goostay oo caadil baan ahay ee
maxaad magac iigu diidaysiin´´ .
Hadda waraysiga uu yuusuf garaad radiyo dalmar siiyey wuxuu
u dhegmaa shekad iyo isagoo yiri
,, aniga ka yuusuf garaad somaliya oo dhan baa wax ka soo tabi
la iyiri lamana oran puntland ha dacaayadayn wax xunna ha ka
been abuurin sidaa darteed aamin baan ahay, oo somaliya dhexdeeda
baan ka soo waranaa oo sidaa derteed dhexdhaxaad baan ahay,
oo ugu danbayn somaliland iyo Carte si fiican oo siman baan
iidheh ugu samaynaa oo uma kala eexano oo caadil baan ahay.
Mahadsanidin
Maxamud sheekh xasan
dahir
Xasuusin:Qoraaladu
waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Mudugonline.
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug
Online 2001
|