Wararka Mudugonline


Magaalada Galkacyo oo markii u horeysay yeelatay Aalada Internet-ka

Magaalada Galkacyo ayaa noqotay magaaladii u dembasay Puntland oo yeelata aalada Internetka, Bishaan 18-keedii ayaa magaalada waxaa laga furay Shirkad cusub isla maalintaasna furtay qadka isgaarsiinta ee loo isticmaalo Internet-ka magaaladana ka hirgalisay aalada Internet-ka, Shirkadaan oo la yiraahdo Golis Telecomunications Co. ayaa iminka soo gaarsiisay hawlaheeda magaaladan Galkacyo, Magaalada Bosaaso oo shirkadu degan tahay ayaa horey looga hirgaliyay hawlahaan, Internetka ka sokow hawlaha shirkadu qabato ayaa waxaa ka mida line-ka telefoonada, Mobile-ka iyo isgaarsiinta kaleba.

Shirkadaan oo haatan 8 magaalo oo Puntland ah ka hirgashay ayaa waxay baaxad ahaan u dhigantaa marka la isku daro shirkadaha kale ee isgaarsiineed ee ka hawl gala Puntland oo dhan taas oo shirkada Golis ka dhigaysa shirkadaha isgaarsiinta Somaliya tan ugu weyn, Shirkada ayaa u isticmaasha hawlaheeda gobolada qalabka Microwave-ka loo yaqaano iyadoo la saadaalinayo in Magaalada Galkacyo yeelan doonto Satellite Dish u gaara haddii macaamiisha shirkadu bataan, waxaa kaloo la saadaalinayaa in qiimaha isticmaalka Internet-ka uu hoos u sii dhici doono, qiimaha halkii Minute ayaa iminka ah 0.1 cent US$, taas oo ah qiime aad u jaban marka la fiiriyo wadamada kale qiimaha Internetka.

illaa hadda waxaa line internet ah loo gashay macmiil dhan 40, waxaa kaloo la furay Internet Cafe' oo dadka aan Computer guriga ku haysan ka istcimaali karo, shirkada ayaa saadaalinaysa in Galkacyo noqon doonto meelaha ay ugu macmiil badan tahay marka laga fiiriyo tirada dadka iyo Magaalada oo dad badan oo u dhashay jiraan dibadaha oo si sahlan qaraabadoodu hadda ka dib kula xiriiri doonaan.

Waxaa magaalada Horey uga jiray laba shirkadood oo weyn oo lakala yiraahdo Asoma iyo Galkom, labadaas shirkadood oo ka mushtara isgaarsiinta sida telefoonada ayaysan u suurto galin in ay Galkacyo ka hirgaliyaan Internet iyadoo waliba dadka magaaladu ay u qabeen baahi badan adeega noocaan ah.

Mudugonline


Dawlada Sacuudiga oo Kooxda Carta ugu deeqday Lacago kale

Dawlada Sacuudiga ayaa ugu deeqday Kooxda Carta lacag gaaraysa 45million oo dollarka maraykanka ah sidaasna waxaa ku dhawaaqay Madaxweynaha DKMG ah ee kooxda Carta Cabdiqasim Salad mar uu la hadlayay Baarlamaanka kooxda Carta, Cabdiqasim ayaa sheegay in lacagtaas ay ugu deeqday Dawlada Sacuudigu ummada Soomaaliyeed si loogu dhiso wadanka, waxuu intaas raacshay in magaalada Muqdishu laga bilaabi doono mashaariic dhismo oo lagu dayactirayo wadoonyinka magaalada.

Dawladaha Carabta qaasatan Dawlada Sacuudiga iyo Liibiya ayaa markasta waxay taageero lacageed iyo hanti kaleba siiyaan kooxda Carta oo ah siyaasiyiin qabiil walba leh kana haray Dawladii kalitaliska ahayd ee Siyaad Barre, kuwaas oo ku midoobay in ay wax ku dhacaaan magaca ummada Somaliyeed, lacagaha la siiyo ayay kooxda Carta waxay u isticmaalaan laaluush iyo in ay u adeegsadaan in ay ku helaan taageero siyaasadeed, waxay qulqulado siyaasadeed ka sameeyeen maamul goboleedyada gaar ahaan Puntland oo ay u arkeen in ay carqalad ku noqtay sidii ay magaca Somaliya ugu dawarsi tagi lahaayeen. Kooxda Carta iyagoo isticmaalaya lacagaha deeqda ee wadamada Carbeed ayaa waxay ku guuleysteen in ay iyagu maamulaan saxaafada magaalada Muqdisho, arintaas oo keentay in kooxdu ka muuqato wargeysyada iyo website-ka laga maamulo Muqdishu balse aysan lahayn awood kale iyo maamul dawladeed toona.

Waxaa hubaal ah in lacagta cusub ee sacuudigu haatan ugu deeqay kooxda Carta ay dab iyo baasiin u sii noqon doonto dagaalada haatan ka taagan Puntland iyo Baydhabo iyo waliba gobolada kale ee xasiloon. lacagahaan oo Somaliya magaceeda lagu soo qaatay ayaa waxaa loo isticmaalayaa sidii dadkeeda la isugu layn lahaa, loona sii daba dheerayn lahaa dagaalka sokeeye.

Mudugonline


Kismayo oo Banaabax ka dhacay

Doraad ayaa waxaa Kismaayo ka dhacay banaabax ay kasoo qaybgaleen qaar ka mid ah maleeshiyooyinka saraakiisha Isbaysiga xooga ku haysta magaalada ee beelaha Mareexaan iyo Cayr.

Banaabaxaan oo ahaa mid lagu muujinayay taageerada heshiis uu khasbay maamulka Cabdiqaasim ayaa maleeshiyooyin saaran gawaarida Tiknikada ahi kusoo wareegeen wadooyinka magaalada iyagoo ku qaylinayay halku dhigyo ay ka mid yihiin "Mareexaan iyo Cayr heshiiyay yaa ka weyn" waa sidda ay ugu dhawaaqayeene halku-dhiga banaanbaxoodee.

Wararka soo gaaray AllPuntland Muqdisho ayaa sheegaya in banaabaxa ayan ka soo qaybgalin qaar ka mid ah maleeshiyooyinka labada beelood, kuwaas oo iyagu ka biyo diidsan heshiiska oo sidda la sheegay ay taageereen jifooyinka saraakiisha hogaamisa isbahaysiga labada beelood oo kaliya.

Maleeshiya Beesha Cayr oo iyagu tan iyo dagaaladii labada beelood horaantii June 2002 aan magaalada fariisin ku lahayn ayaa qaarka mid ah oo ka qayb galay banaanbaxaasi ay dib ugu noqdeen fariisimadoodii Goobweyn oo ku taal qiyaastii 15 duleedka Waqiiyi ee Kismaayo, tani oo mujinayso inuu jiro khilaaf iyo kala shaki wali u dhexeeya labada dhinac.

Dhinaca kale saraakiisha Isbahaysiga hogaamisa ayaa maalmahaan waday, wadahadal ay ku doonayeen in dadka deegaanku ogolaadaan qorshe saraakiishaasi wadatay oo ku aadan shirka Somalida ee Kenya, oo gudigii Farsamada ee IGAD ee booqday Kismaayo ay Isbahaysigaas u sheegeen in ka soo qaybgalka shirku noqon doono mid dadka deegaanka ku salaysan, saraakiisha Isbahaysiga ayaa doonaya inay helaan dad matala deegaan oo ay la tagaan shirka si ay ugu muuqdaan inay matalaan deegaanka, tilaabadaan ayaa dadka deegaanku kaga jawaabeen inayna iyagu matali karin deegaanka maadaaba ay yihiin dad la haysto, waxay u sheegeen in lagala hadlo arinkaas dadka hubka haysta ee duurka ku jira iyo duqayda deegaanka ee dibda uga baxay gobolka jirta sidda Nairobi.

AllPuntland.com news




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001