Wararka Mudugonline


Wada hadalo wali u socda duqeyda Gobolka Mudug ee la xiriira Dilkii Suldaan Ahmed Hure

Galkacyo:Wararka ka imaanaya magaala madaxda gobolka Mudug ee Galkacyo ayaa sheegaya in halkaas uu wali ka socdo shirar goos goos ah oo u socda duqeyda Gobolka sidii loo xalin lahaa lagana yeeli lahaa dilkii Suldaan Axmed Hurre oo asbuuc ka hor lagu dilay Tuulada Kala Bayr, Suldaanka oo uu dilay nin ka mid ahaa Cidanka Daraawiishta oo loo soo diray in ay soo xiraan Suldaanka ayaa wali waxaa ka taagan doodo in arintu la xiriirtay shirqool iyo in ay ku koobnayd nin kaliya.

Magaalada Galkacyo ayaa nabadeedu fiican tahay, Odayaasha magaalada ayaa dadweynaha ku war galiyay in laga fogaado xamaasad iyo wax keeni kara qulqulad inta ay socoto wada hadaladu odayaashuna ay meel wax isla dhigayaan, waxaa iyana jira gudi loo xilsaaray in ay soo baaraan sidii dilku u dhacay oo illaa hadda lagu muransan yahay iyadoo dhinaca Dawladu ku adkaysanayso in Suldaanka la dilay ka dib markii mid ka mida illaaladiisa uu damcay in uu qorigiisa qaato, halka dad goobjoog ahaana sheegayaan in aysan taasi run ahayn ee Suldaanka qudhiisu si odaynimo ah illaaladiisa hubka uga qaaday ka dibna si kadisa ah rasaas loogu furay. waxii arintaan ku soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa...

Mudugonline


Nin lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in habeen hore magaaladaas lagu dilay nin, ninkaas oo lagu magacaabo Bashiir AwAxmed ninkaas oo la sheegay in uu ka mid ahaa Somalida ka shaqaysata wadanka Zambia ayaa dhawaan wadanka ku soo noqday, illaa hadda lama oga cida ka dambeysa dilkiisa waxaase jira inta badan dadka lagu dilo magaalada Galkacyo in la ogaado cidii ka dambeysay, magaalada Galkacyo ayaa waayahaan dambe xasiloonayd iyadoo ay magaalada degaan beelo badan oo Soomaaliyeed oo soo maray dagaalo sokeeye oo lagu hoobtay wax badana socday, beelahaas oo ugu dambeyntiina ku heshiiyay in ay si nabad ah ku wada noolaadaan magaalada waxii dhib ah oo yimaadana laga xaalo.

Mudugonline


Shirkii wasiirada IGAD ee heshiisiinta Somaliya oo dib u dhacay.

Wararka ka imaanaya magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in mar kale dib loo dhigay shirkii wasiirada dawlada IGAD ee heshiisiinta Somaliya, shirka oo magaalada Nayrobi ka furmi lahaa maalintii shalay oo bisha Ogost ahayd 23ka ayaa la sheegin marka la isugu imaan doona iyadoo uu mar horena sidaan oo kale u furmi waayay waqtigii loo qorsheeyay.

dib u dhacaan ku yimid shirka wasiirada IGAD ayaa la filayaa in ay dib u dhac kale ku keento shirka dib u heshiisiinta Somaliya oo la filayay in uu furmo 16 bisha sebtember ee inagu soo fool leh magaalada Eldoret ee dalka Kenya. horey ayaa waxaa dhawr jeer dib loo riixay waqtigii la qaban lahaa shirweynahaan iyadoo la leeyahay waxaa arintaasi ku lug leedahay qilaafka siyasadeed ee u dhaxeeya Dawladaha ku jira safka hore ee dariska la ah wadanka Somaliya, warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in wadamadaan oo kala ah Itoobiya, Djabouti iyo Kenya ay isku afgaran waayeen wafuuda ka soo qeyb galaysa iyo tiradooda iyo meesha ay ka imaanayaan. illaa hadda kooxaha Somaliya iyo Dawlad Goboleedka Puntland-ba waa sheegeen in ay ka soo qeyb gali doonaan, wadanka la baxay Somaliland ayaa horey u sheegay in aysan ka qeyb gali doonin shir lagu heshiisiinayo kooxaha Somaliya.

Mudugonline


Cabdullaahi Yusuf oo Wali Jooga Qardho

Qardho: Maalintii afraad ayuu Cabdullaahi Yusuf Axmed madaxweynaha Puntland ku sugan yahay magalada Qardho, halkaas oo uu kulamo kula lee yahay duqayda Qardho, kulamada oo u badan adkaynta nabadgalyada deegaankaas.

Wariye jooga Qardho ayaa sheegaya in wafdiga Cabdullaahi iyo Odayaashu ay ka wada hadlayaan siddii loo dhamaystiri lahaa sugida amaanka wadada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe gaar ahaan deegaanka Qardho iyo siddii gacanta dawlada loogu soo celin lahaa gaari tikniko ah oo Maleeshiyadii wadada laga kiciyay ay ula carareen dhulka baadiyaha ah.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in lagu wado maanta in la soo gabo gabeeyo kulanka u socday wafdiga Cabdullaahi iyo odoyaasha Qardho.

AllPuntland.com news

 




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001