Gabay:cawo
adduun
Assalaamu
Alaykum Warhamatullahi Wabaraakutuh.
Walaalayaal Mahad waxaa mudan oo iska leh Allah Macbuudka ah,
Nabadgalyo iyo Naxariisna ha ahaato Nebigeenna Muxammad (SCW)
intaa kadib. Walaalayaal Qofka Muslimka ah markasta uu mashaakil
, dhibaato uu la kulmo ama arin kasta oo noloshiisa kamida waxaa
larabaa inuu ula noqdo kitaabka Alle iyo
sunnada nebiga (SAW). Dhibaatada maanta soomaaliya guud ahaan
iyo wararka naxdinta leh ee kasoo
yeeraya carriga puntland ma aha wax iska dhacay ee waa waxaan
innagu kasbanay sida Allah (SW) Inoo sheegay in dhibaato aanay
dhicin inaan annagu la nimid oon kasbanay mooyaane Allahna uu
in badan inoo dhaafo oo uu inoo cafiyo.
Markaas
haddii dhibaatadii dhacdo la kasbaday dhibkii ilaahay qaadimaayo
in asbaabtii lagu qaadi lahaa lala yimaado mooyaane oo ay ugu
horayso tawbadu. Allah (SW) wuxuu sheegay inaanu qoom ama umad
xaalkooda aanu badalin ilaa ay iyagu badalaan waxa naftoodu
ku sugan tahay. Wuxuu kaloo Allah inoo sheegay in hadii uu Qoom
ama ummad nicmo siiyo aanu nicmadii ka badalin ilaa ay iyagu
badalaan waxa naftoodu kusugan tahay. Yacnii ay la yimaadaan
asbaabtii nicmada looga qaadayey. Waxyaalaha Allah (SW) uu ummadan
nebi Muxammad (SAW) uu ku ciqaabo waxaa kamida inaan cadaw bannaanka
uga iman gaalo ah oo ka xoog roonaada ee illaah quluubtooda
intuu iska horkeeno ay markaas is laayaan. Walaalayaal puntland
sanado kahor waan la soconaa nimcada iyo wanaagay gaadhay iyo
halkay maanta
marayso.
Puntland
cadow dibada uga imaan ee iyadii baa is cunaysa. Markaa waxaan
leeyahay dadka reer puntland waa inay fitnada iyo dulmiga meel
qura uga soo wada jeestaan ee ay iska qabtaan cid Allaale iyo
cidii wada. Waxaanad ogaataan hadii fitno dhacdo inaysan qoys
ama reer ama balad gaadha ku ekaanayn ee ay dadkoo dhan wada
gaadhayso kii dulmiga galay iyo kii aan galinba sidda Allah
(SW) inoo sheegay. Waxaa kaliya ee ka badbaadayana ay yihiin
kuwa xummaanta iyo dulmiga reeba hadii ilaah ciqaabtiisu timaado
sida ilaah innooga sheegay reer binu israa'iil ee uu yiri waxaanu
Badbaadinay kuwii xummaanta reebayay kuwii dulmiga samanayayna
waxaanu ku qabanay cadaab xun.
Markaa waxa dhibka looga bixi karaa in:
1- Tawbad lala yimaado
2- Dulmiga iyo fitnada la iska reebo oo laga dhawrsado.
Walaalayaal Gabaygan waxaan tiriyey markii aan maqlay geeridii
suldaanka Axmed Maxamed Maxamuud (Hurre). Marka hore waxaan
leeyahay suldaanka Allaha u naxariisto annaga iyo ehelkii iyo
qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ilaah ha naga
siiyo Aamiin. Waxaanan leeyahay hadalkii murtida ahaa
ee uu yiri ninku "waxba nama gaarin oo ninbaa naga dhintay
waxbana nooma harin oo ninkaanu ahayn."
Cilmigiisa gabay waanigii calilay oo tuuray
Camalkiisana waataan kaharay samankii coorcoore
Maantana rag ciilkiis baa ibaday inaan curiyaaye.
Coomaadigii wuxuu falay miyaa iga cadhaysiiyay
Caawa tuu dhigaan la arag oon cidiba soo sheegin
Ciil iyo ceeb muxuu nabaday aan cidiba noo gaysan.
Carro nabada buu waligii dhiila curiyaaye
Cadawna ma holiyoo sokeeyuhu kuwa cawiraa abide
Mana ciseeyo wanaag cayn kastuu yahaye
Waa kaas sharaftii cuslayd ciida hoos mariyay.
Awalbuu rag kale horey cunnoon cidiba waydiinin
Maantana suldaan caaqiluu kudilay kibir catawgiisa
Wallee hadaan cudud la helin caabisoo jabisa
Cindi kale maleh wuxuu yaqaan balo la cayrshaaye
Caqli badana waa la tabin sida curadka maanta ahe
Cindigiisa maanay galin adduun galaba waa
cayne
Maruun baa mawdkii laguu cayimay ciribta kuu jiidin
caabidkaad hortagin adoon camal qarsoonayne
Ciqaab ninkii alle larabo waano kuma caynto
Curfiga ma doortoo sharkuu cawa gudlaayaaye
Car iyo dhunkaal uga daran xaquu wada cilleeyaaye
Nimankii carbeedee kufriga lagu casuumeeyay
Cudud baan ku siin layiri ee maganta noo ceeji
Cuquubadood ma harin ee ciribta sii dhowra.
Hadii duul ilaah ciseeyoo cududna uu siiyo
Shugri waa inay ceshaan caabidkood mudane
Ciqaabna way helaan haday cataw kaqaadaane
Puntland oo camiran oo nabad la ceegaagta
Oo Abshir calanka usidoon cidiba aafoobin
Waa waxa kornayl loo calmaday aan ciriba reebaynin
Colkuu dumay shalay reer qardhood ee curad
ku naafeeyey
Calaacalaha la laabtoo la yiri aan ciribta sii dhowro
Waakaa caynkii ku furay golaha ceebeede.
Ciidan markii uu isbiday iyo calanwalayn
doora
ciil boga ayuu is yiri oo cudud kusii faanay
Waa kaa caaqilkiiba dilay caalimka ahaaye
Dilkiisa waxa uu calmadow cidi ma sii sheegin
Ma curraafaa u sheegiyo culumo shaydaanka
Isaga iyo cawaamtiisaan rabnaa inay cadeeyaane
Alle caabud buu ahaa carrada laga ciseeyaaye
Cidna dambi kamuu mudan iyo xumaan lagu ciqaabaaye
Cawaan baase helay dhiiga cayshadaye
Cadaabkii ka hay Allow caadil baad tahaye
Jannatu cadnin iyo allow sii darajo caaliyahe
Cidlada nahaysana noogu badal kuwa la caynkiisa
Curadkii reer xuseen cidladay dhigeen cidi ma moogayne
Isagiyo cawaamtiisa baa ciida hoos mariyay
Colaad iyo wuxuu nala rabay curado loo laayo
Ciidan uma waayin iyo ciday ku aartaane
Waxay cood bideen wanaag inay ku cimriqaataane
Cuqaal baa heshiyo ragii yaqiin caado xumadiisa
Nin ciroobay inuu alle caabuday caadadu ahaydee
Cad ninkii lahaa dhintaa eebe kugu caynshay
Ku cibaaro qaado taa illeen waa cawa adduune
Ku cibaaro qaado caydiid iyo siyaad caynkood baa tahaye
Waxay calan walayaan adduun mawdkii baa cunaye
Ciribtood waxay ahayd bal eeg waa cawo adduune
Ku cibaaro qaado reer caad iyo duulalkii eebe caasiyaye
Culimadana waydii illeen adigu caami baad tahaye
Ciribtaada qaba nin yahow cirif ka laalaada
Cudud iyo maal markii ilaah ku camimoo siiyay
Cataw iyo waxay ka qaadeen carro fasaadkeede
Cidee awood na dhaantay dhaheen oo cudud ku faaneene
Cindigooday ka saareen ilaahii caabudka ahaaye
Daruur soo curatay bay calafsi moodeene
Waase cadaab iyo codsay horay u muujeene
Cidiba kama caymanoo dabaylbaa caasha sii
marisay
Adiguna cayntoodii baad wadaa iyo camalo dheeraada
Cagajuglayn iyo waxaad wadaa kibirkaa reer caade
Cummaashii fircoon ilaah cayman uma saarin
Ciqaabtii ilaah wuu wada dul dhigay caadilka ahaaye
Ku daba cararayaa lamida cayntanoo kale e
Calool ushaqaystayaal iyo wuxuu wataa cayn la garan waayay
Caqligood ma xaadiro oo jawaab kuuma celiyaane
Carta iyo itixaad bay kuu sheegaan ninkii tooda caasiya e
Codkaad ka tiri bbc ina calow nama caafiyine
Cartan ahay cidi uma fadhiyin cawa iyo ayaane
Cabdiqaasim waxaad ugu gashiyo magaran cimilka hoosaade
Hadaad sharaftii cilaashoo magici ceebaysay
Ciil waxa qaba isimadii codadka kuu meershay
Ee ka ciirsada is yiri kornaylkan diinta caasiyaye
Waxaad cuntay magaran iyo malabsi ceebeede
Kumay caleemo saarteen shalay caynka aad tahaye
Cafis ka dalbo illeen caroy la jiifaane
Codkaad tiri culays ku reeb reer qardhood iyo cabasho dheeraada
Dajaal cawarna cadduun iyo ceelcad ciidan kaga soo hel
Cadawbaa carada soo galuu ku yiri iyo colal shisheeya ahe
Codkiisay maqlaan diintana maba ciseeyaane
Cid hadaadan wax tarahayn maxaad ciyow u yeer yeertay
Oo carradii uga tagtoon ciribba soo saarin
Naga caymi dhibkaan Allow caadil baad tahaye
Oo colaadan sokeeyaha caafi naga sii adigu
Oo caqligii horeetiyo adigu diinta noo celiyeey
Xasuusin:Qoraaladu
waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Mudugonline.
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|