Puntland
iyo war xun gaysnimada warbaahinta Maqaar saar ka aha.
Maalinba
Homepage cusun oo Magaca Puntland wata baa sidii Likihii soo
fooracaya tan iyo intii la mammnuucay Radiyihii SBS ee Boosaaso
warka ka soo tabin jiray.
Waxayna
ahayd mid la sugaayey in ay Kooxda Carte markii God war been
abuura ah laga xiro mid kale raadiyaan si ay Ra'yiga Shacabka
iyo kan Caalamka u khaldaan.
Waxa kale
oo kalifay in la badiyo Homepageyadaa maqaar saar ka ah ee looga
gol leeyahay Khalkhal galinta Puntland, markii ay reer Puntland
u cadaatay in ay isbahaysi Carte iyo Somaliland ka kooban BBCda
Laanta afsomaliga bililiqo ku haystaan , sidaasna aan looga
fadhiyin in ay wax Puntland danteeda ah sheegan.
Iskadaa
in ay BBCdu wax reer Puntland dentooda ah sheegaane, waxay iyagoo
adeegsanaya Awooda Warbaahineed ee BBCda ka shaqeeyaan afuufida
iyo Dab ka dhexshidka reer Puntland , taas oo uu u adkaysan
waayey Maamulka Puntland kuna kaliftay in ay BBCda ka maamnucay
in ay Puntland dhexdeeda wax ka soo tabiyaan waxayse dad badan
jeclaan lahaayeen in lagu dacweeyo sixun uga faa´iidaysi
iyo sixun u isticmaal warbaahinta xorta ah.
Si marka
booska war xun gaysnimo ee BBCda laanta Somaliga iyo Radiyo
SBS ee Boosaaso ka baxeen loo buuxiyo, waxaa la furay Homepageyo
badan oo magaca reer puntland maqaar saar ahaan u wata iyadoo
laga faa´iidaysanyo Maahmaahda ah Abeeso dhul u eki bay
kugu dishaa Homepagena Puntland u eki.
Waxana war
xun gaysnimada dhinaca Ra'yi Caalamka loo xilsaaray IRIN oo
ay wax ka qoraan Rag ay Yuusuf Garaad isku hayb yihiin, taas
oo badashay hadda BBCda laanta somaliga oo ka yara gaabsatay
waayahan danbe puntland, lase rumaysan yahay in ay isu gaabinayso
sidii ya Shirka Nayroobi haddii uuna kooxda Carte dan ugu jirin
u fashilin lahad.
Inkasta
oo uu Dhidar Dhogor Idaad xirto haddana Dabadiisa dheer ma dadi
karo oo in kasta oo magac reer puntland maqaar saar ahaan loo
soo qaato hadana waxaa muuqda in ay Homepageyo badan oo xamar
ka soo galijireen Howshoodii gabiyaan iyagoo maalin dhaaf iyo
mararka qaarkood usbuuc dhaaf u soo galaan, meesha kuwa maqaar
saar ka ah ay maalinkasta u soo galan marka laga reebo maalmaha
ay kuwa xamar soo galan marmarna way soo wada galaan lakiin
wax badan ma qoraan.
Waxaa kale
oo ka shifaya in ay badanaa maqaar saar yihiin iyagoo waagii
ay reer puntland shisheeyaha is hayeen oo gaar ahaan kismanyo
dagaalkeedu socday, homegpageyaduna bur iyo buunsho u kala baxeen
ay homepagayada maqaar saar ka ah wax qoraal ah samayn jirin
sidaa darteedna ay adagtahay in la rumaysto in ay kuligood hurdadii
asxaabu al kahfi oo kale haddeer oo ay puntland is haysato ka
soo wada anfariireen oo ay kuligood sidaas labeebshe hoyadeed
bay u himootaa u wada yihiin.
Waxaa kale
oo maqaarka saaran ka qaadaya sida ay ugu howlan yihiin isku
dirka, been ka sheega, balo ka dhex abuurka iyo isku dayida
beel beel uka daadinta reer puntland waxayna dad badnai aaminsan
yihiin in ay gudbeen heerka khilaafka reer puntland ka dhaxeeya
marayo oo ah xukun la isku haysto ninkastan uu rabo in uu dadka
kasbado ee aanay arintu ahayn sida ay wadaan homepageyada maqaar
saar ka ah , oo ka turjumaya nacaybka cida ay run ahaantii u
dhasheen oo aan ahayn reer puntland.
Anagu idinma
kashifaynee yuuna nacaybka aad reer puntland u qabtiin idin
kashifin jaamac cali jaamacna dadka ka sii fogayn.
maxamud sh xasan dahir
Xasuusin:Qoraaladu
waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Mudugonline.
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|