Wararka Mudugonline


warbixin dilkii Suldaan Axmed Maxamed Maxamuud (Hure)

Sidii aan akhristayaasha u balan qaadnay maalintii Axada waxaa Mudugonline u suurto gashay in aan soo aruurino illaa hadda inta laga ogyahay dilkii Suldaan Axmed Moxamed Maxamuud (Hure) warkaan oo aan ka helay xog-ogaal jooga magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in arintu bilaabatay markii ay jidka laamiga ah isku dhaafeen gaari uu watay Suladaanka iyo ciidamo uu watay Col. Cabdulahi Yusuf oo markaas ku soo jeeday magaalada Galkacyo, Suldaanka ayaa ku sii jeeday magaalada Kala-bayr oo dhinaca Garowe ka xigta magaalada Burtinle halkaas oo ay ku nool yihiin qaraabada Suldaanka. ka dib markii ilaalada Cabdulahi Yusuf aqootay gaariga Suladaanka ayaa waxaa la sheegayaa in Col. Cabdulahi Yusuf amray in la soo qabto Suldaanka taas oo laftigeedu tahay fal aan horey looga baran Dawlada Goboleedka Puntland, arintu si kastaba ha ahaatee illaaladii Cabdulahi Yusuf oo wata laba gaari oo Teknika ah ayaa soo gaaray Gaarigii Suldaanka markii uu soo istaagay Tuulada Kala-Bayr. labdii gaari ee Teknikada ayaa ka dib gaarigii Suldaanka labada dhinac ka istaagay, laba nin oo illaalada Suldaanka ah ayaa damcay in ay la soo baxaan qoryahoodii hase yeeshee Suldaanka ayaa u sheegay illaaladiisa in ay hubka dhigaan, illaladii Suldaanka hubkii waa dhigeen, intaas ka dib Ciidankii Cabdulahi Yusuf ayaa amray in uu Suldaanku gaariga ka soo dego, Suldaankuna waa aqbalay amarkaas oo gaarigii ayuu ka soo degay, ka dibna rasaas ayaa ooda looga qaaday Suldaankii markii uu gaarigii ka soo degay, halkaas ayaana uu ku dhintay allaha u naxariistee Suldaan Hure.

Warar kale oon wali la soo xaqiijin ayaa sheegaya in Suldaanka ay jeebkiisa ay baarteen Ciidanka Daraawiishtu oo waliba ay kala baxeen telefoon celler-phone ah iyo lacag Dollar ah oo aan la sheegin intay ahayd. ka dib waxaa Suldaanka la keenay oo lagu aasay magaalada Galkacyo, aaska ayaa waxaa ka qeyb galay dhamaan salaadiinta iyo Isimada Gobolka Mudug. magaalada Galkacyo waxaa wali ka socda wada hadal, isku tacsiyeeyn iyo is arag u dhaxeeya bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Isimada Gobolka, dad badan ayaa arintaan waxay ku noqotay fajaciso walina meel la islama meel dhigin sidii laga yeeli lahaa arintaan, waxaan isagu ku raagin magaalada Galkacyo Col. Cabdulahi Yusuf isagoo ku noqday Caasumada Puntland ee Garoowe, waxaa la sheegayaa in maamulka Cabdulahi Yusuf baajiyay shir balaaran oo dadka deegaanka uu uga warbixin lahaa halka uu marayo hawlgalkii military oo uu ku soo celinayay maamulkii ku burburay qilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyay isaga iyo Jamac Cali Jamac. intii uusan ka bixin magaalada Galkacyo ayuu Cabdulahi Yusuf sida la sheegay tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Suldaan Hure, isagoo sheegay in Suldaanku ku dhintay si aan ku tala gal ahayn, si kastaba ha ahaatee dad badan ayaa isweydiinaya yaa siiyay Cabdulahi Yusuf awooda uu ku soo qabqabto Isimada Puntland oo xitaa Siyaad Barre ku dhici waayay in uu xirxiro waqtigii lagu jiray halkankii hubaysnaa ee SSDF.

Magaalada Galkacyo ayaa waxaa la soo galiyay warar sheegaya in ciidamada Puntland raadinayaan Garaad Maxamed Cilmi Shirwac iyo Caaqil C/wahaab oo ka mida Isimada beesha Omar Mohamuud, arintaasina keentay in illaalo xoogan lagu wareejiyo labada Isim, waxaa isna sidoo kale illaalo xoogan laga hayaa Islaanka Cumar Maxamuud Islaan Bashiir oo looga cabsi qabo aarsi qabiil. magaalada Galkacyo xaaladeeda nabadeed waa fiican tahay waase kacsan tahay lamana oga waxa la go'aamin doono, iyadoo dadka magaaladu dhamaantood aad uga xumaadeen dilkaan waxashnimada ah Puntlandna qarka u saaray burbur kale ka dib markii ay u muuqatay in la soo celin rabo kala dambeyntii iyo maamulkii burburay.


Mudugonline



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001