Wararka Mudugonline


Suldaan Axmed Maxamed Maxamuud (Hure) oo ilaalada Col. Cabdulahi Yusuf dileen

Waxaa magaalada kala bayr ee ka tirsan deegaanka Gaalkacyo ilaalada Col. Cabdulahi Yusuf ku dilleen allaha u naxariistee Suldaan Axmed Maxamed Maxamuud (Hure) oo ahaa Suladaanka beesha Maxamed Cumar ee Cumur Maxamuud, Suldaanka oo la sheegay in uu dhintay xabad madaxa kaga dhacday ayaa maanta lagu aasay magaalada Galkacyo.

Wararka aan ka helay magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in maamulka Cabdulaahi Yusuf amray in la soo xiro suldaanka oo ay siyaasada isaga soo hor jeedeen in mudo ahba, wali lama soo cadayn sababta illaalada Cabdulahi Yusuf u dileen Suldaanka iyagoon taas amar u haysan, waa markii ugu horeysay ee ciidanka Cabdulahi Yusuf ku kacaan falkaan aan horey looga arag Puntland, waxaan gadaal illaahay idinki ka soo sheegi doonaa sida uu u dhacay falkaan waxashnimada ah.

Maamulka Mudugonline waxay tacsi u dirayaan dhamaan eheladii iyo qaraabadii iyo dhamaan shacab weynaha reer Puntland geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Suldaan Axmed Maxamed Maxamuud (Hure), Suldaankana illaahay janadii ha ka waraabiyo AAMIIN.


Mudugonline



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001