Col. Cabdulahi Yusuf
oo Garoowe dib ugu soo noqday.
Waxaa
maanta magaalada Garoowe dib ugu soo noqday Col. Cabdulahi Yusuf
axmed ka dib markii uu u soo dhamaaday wada xaajood uu mudo
3 berri ah kula lahaa magaalada Qardho odayaaasha magaaladaas,
ku soo noqoshada magaalada Garoowe ee Cabdulahi Yusuf ayaa waxay
soo afjartay hawl ciidan oo uu ku hawlanaa mudo ilaa 10 bilood
ah, hawlgalkaas milatari ayaa Ciidamada Daraawiishta oo uu hogaaminayo
Cabdulahi Yusuf waxay isku mareen magaalooyinka waaweyn ee Puntland
marka laga soo bilaabo magaalada Galkacyo illaa magaalada Bosaaso
iyagoo kala wareegay maamulka magaalooyinkaas maamulkii Jamac
Cali Jamac.
wararka
aan ka helay magaalada Garoowe ayaa sheegaya in si aad u weyn
dadweynaha magaaladu u soo dhaweeyeen Col Cabdulahi Yusuf iyo
saraakiisha ciidamada ee la socday, dadka magaalada ayaa la
soo sheegayaa in ay isugu soo baxeen daafaha jidka laamiga ah,
wararka ayaa intaas ku daraya in Cabdulahi Yusuf ku degay guriga
madaxtooyada oo uu ka maqnaa mudo ka badan sannad, halkaasna
uu ku salaamay dadweyne aad u badan oo isugu soo baxay guriga
madaxtooyada hortiisa.
waxaa
la saadaalinayaa in Col. Cabdulahi iminka ku dhawaaqo Dawladiisa
cusub oo looga fadhiyo in ay noqoto mid dib u heshiisiin, una
diyaarisa Puntland ka qeybgalka shirka heshiisiinta Soomaaliyeed
ee Nayrobi. waxaa kaloo laga filayaa Dawlada Cusub in ay diyaariso
doorashooyin cusub si loo soo afjaro loogana gudbo qilaafka
siyaasadeed, waxaa iminka gacanta Maamulka Cabdulahi Yusuf ku
soo noqotay dhamaan gobolada Puntland ka dib markii saraakiishii
maamulkii Jamac Cali Jamac ee ay is hayeen ay u qaxeen magaalada
Burco ee Somaliland iyagoo u sii jeeda wadanka Jabuuti oo awalba
laga soo abaabulay.
warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha
Puntland Cabdulahi Yusuf oo nuqul ka mida uu soo gaaray Mudugonline
[HALKAAN
GUJI-RIIX]
Mudugonline
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|