Si xun wax u sheeg Saaxir ka daran!!
Somaliya
waxaa ka jira Adeeg Warbaahin, kuwaas oo markaad u fiirsato
Qaabkooda war tabineed aad dareemaysid in hal meel laga Maamulo
iyo in ay sheegida Beenta shahaado gaar ah ku soo qaateen, waa
gaar ahaan haddii Beentaa Puntland laga sheegayo e .
Inkasta
oo ay Mararka qaarkood Quraan iyo Diin ka hadlaan haddana Guud
ahaan iyo Qaabka ay Beenta Puntland uga falkinayaan waxaad moodaa
in ay Qiil u heleen Beenta laga qoro ama Beenta la soo tabiyo
Puntland.
Kuma eka
waxaa Diinta iyo Akhlaada khilaafan ee ay Warbaahintaasi caadaysteen
in ay ka falkiyaan Puntland ee isku dir iyo toosinta Fidnada
huruda ayey ku dabaalo dufleeyaan oo aad moodaa in aan la isu
qorayn.
Waxay isu
ekaysiiyaan in ay ka soo horjeedan Dagaalka sokeeye ee Somaliya
ka socda waxayse wax ka beereen ka Puntland ka socda oo ay waliba
sii badhi gantaaleen markii uu biqlo Dagaalkii ay beereen.
Been ka
sheega iyo Balo ka dhex Abuurka Puntland kama shageeyaan Qalabka
warbaahin ee qaybta ka noqday Dagaalka sokeeye oo kaliya ee
waxaa iyaguna u tafaxaytay Been ka sheega iyo Balo ka Abuurka
puntland hay´ado Caalami ah oo Somaliya ka howl gala sida
UNka Xafiiskooda Nayroobi iyo warbaahin Caalami ah sida BBCda
Laanta Somaliga iyo waliba IRIN kuwaas oo guud ahaan la dihikaro
waxay gabi ahaan ka mid yihiin hantida Guud ee Beel Beelaha
Somaliyeed ka mid bililiqada ku haysato.
Waxaan iyaguna
ka qayb qaadashada been ka sheega iyo balo ka Abuurka puntland
ka qadin Ururada iskood isu madacaabay ee Xuquuq aadani duudsiga
ah iyo kuwa isku bahaystay dalada Isha Nacaybka iyo Xasard Aloosida
ee loo soo gaabiyo (INXA) , kuwaas isu daladaystay Xasar Abuurka
iyo Balo ka kicinta puntland waxaana nasiib daro ah in Qaarkood
Puntland ka howl galaaan.
Markii loo
dhabo galo Asbaabaha ku kalifay in intaas oo joornaal Raayayow
iyo homepage iyo hay´adood amaba ururu oo ay ku jiraan
kuwo heer caalami ah sida BBCda laanta afsomaliga iyo IRIN ay
isu bahaystaan been ka sheega iyo xiisad ka abuurka Puntland
waxaa lagu soo koobikaraa in ay labo arimood taga.
1- in
uu jiro Nacayb aan bogsood la hayn oo ku salaysan dagaalka
sokeeye waxaana malaha jirida Nacaybkaas rib ka sii dhigaya
markii loo dhabo galo in 80% ten adeegaasi ay hal beeli bililiqo
ku haysato.
2- Iyo
in ay 20% tenka soo haray yihiin Dameeri dhaan raacday oo
aanay aqoon waxa ay rabaan, la hayna Qadiyad ay u dagaalamaan
waxaana Malahaa sii nudaya iyaga oo ay qaar Magac Puntland
wataan waa haddii aanay magaca iska qaadane laakiin aanay
qadiyad puntland u wadan.
Walibana
markii la fiiriyo qaabka ay Moorgan wax uga sheegayaan waxaa
la dhihikaraa waa dhidar dhogor idaad xiran waa Isbahaysiga
Dooxada Jubo oo magac Puntland guntan.
Hadaba dhibkasta
oo ku jira in aad maalinkasta war Been ah oo aan jirin oo la
soo maleegay akhrisid ama aad maqashid, haddana arintu waa Beentaada
hore runtaada danbay u darantahay oo maanta ma diiriso umana
jixin jixaan reer Puntland Been la soo maleegey.
waxaana
la dhihikaraa Waxay Qorayaaha iyo Tabiyaasha Beentaasi iloobeen
in ay Beentu ilaa iyo inta Rubtu imaanayso oo kaliya suuq leedahay
iyo in hal homepage oo runta sheega fasaqayo boqol Beenod, sidaana
hadda iyaga iyo waxa ay soo tabinayaanba sicir barar ugu dhacay,
arintuna tahay Been la qabaa xiiso mal eh.
Waxaase
laga yaabaa illayn si Xun wax usheeg Saaxir waa ka daran yahay
in ay sidaas Dad ma hubsadayaal ah ku kasbadaan, kuwaas oo illayn
ma hubsade iyo beenaale waa walaale eh iyagoo Beentaas ku duulayaan
Dab ku shidaan, dabkaasi waa la daminkara ilayn Been Cimrigeed
casar ma gaaree.
Guud ahaan
markii si qodo dheer loogu dhabo galo lana fiiriyo sida ay reer
Puntland Beenta la soo falkiyey dhag jalaq ugu siinayn waxaa
la dhihi karaa war reer puntland Beenta
way ka talalan yihiin oo difaac bay ka samaysteene ha isdaalinina.
mahadsanid
Maxamud
sh xasan dahir
Xasuusin:Qoraaladu
waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Mudugonline.
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|