Wararka Mudugonline


BAAQ NABADEED.

Ku:Dhamaan Dawlad goboleedka Puntland.
Ku:Dhamaan Isimada Puntland.
Ku:Dhamaan Siyaasiyinta Puntland.
Ku:Dhamaan Waxgaradka Puntland.
Ku:Dhamaan Culimaaudiinka Puntland.
Ku:Dhamaan Ururada Bulshada Puntland.

UEEDDO: BAAQ NABADEED.

Waxaan ku bilaabaynaa Magaca Eebe ee naxariista mid guud iyo mid gaaraba leh.
Annagoo ka kooban Jaaliyadda Puntland ee ku nool dalka Canada oo isugu jira:
Odayaal, Waxgarad,Culimaa'udin,Dhalinyaro iyo Haween.Waxaan ummadda Puntland u soo jedinaynaa BAAQ NABADEED meel ay jogaanba.Walaalayaal waxaan idiinka codsanaynaa in aad qaderisaan qodobada soo socda:
1-In xabad joojin aan shuruud ku xirnayn la sameeyo.
2-In khilaafka taagan lagu dhameeyo wada hadal iyo walaaltinimo.
3-In la dhawro midnimada iyo wadajirka Puntland.
4-In la joojiyo colaada la dumoayo af iyo adinba.
5-In la qabto shir weyne dastuuri ah xiliga ku haboon,si looga gudbo qabiilka loo adeegsanayo Siyaasada.
6-In la joojiyo lacagaha lagu dumayo colaad sokeeye gudo iyo dibadba.
7-In la isu diyaariyo ka qaybgalka Shirweynaha dib u heshisiinta Somalieed iyadoo mid la yahay,si loo qaderiyo jiritaanka Puntland.
Waxxan Allaha Raxmaana ka codsanaynaa in jidka toosan na waafajiyo Aamiin Allahayow.

Qore: Kowtame.Canada Ottawa.





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001