Magaalada Qardho oo
gacanta u gashay ciidamada Cabdulahi Yusuf iyo Mohamed Xaaji
Aden oo maxbuus ahaan loo qabsaday.
Wararka ka imaanaya deegaanka Qardho ayaa sheegaya ka dib markii
dagaal aan weyneyn uu ka dhacay meel 12km u jirta magaalada
Qardho dhinaca waqooyi ay u suurto gashay ciidanka Daraawiishta
ee maamulka Col. Cabdulahi Yusuf in ay gacanta ku dhigeen magaalada
Qardho oo xurun waayadaan dambe u ahayd maamulkii Jaamac Cali
Jaamac.
Dagaalkaas ayaa la soo sheegayaa in 2 qof oo dhinaca Jamac
Cali Jamac ah ay ku dhinteen, 1 ciidamada Cabdulahi Yusufna
ku dhaawacmay, waxaa kaloo ciidamada Cabdulahi Yusuf gacanta
ku dhigeen 7 maxaabiis ah oo uu ku jiro taliyihii ciidanka Jaamac
Cali Jaamac aaga Qardho Mohamed Xaaji Aden oo mar ahaan jiray
wasiirka Xanaanada Xoolaha ee maamulka Cabdulahi Yusuf, intaas
ka horna madaxweyne ku xigeen ka ahaa Dawladii qayaaliga ahayd
ee Salbalaar ee uu dhisay Gen Caydiid.
dagaalkaan iyo qabsashada magaalada Qardho ayaa waxay dabo
joogtay dagaal ba'an oo asbuuc ka hor dhexmaray ciidamada Cabdulahi
Yusuf iyo kuwa Jamac Cali Jamac, dagaalkaas oo aan wali si saxa
loo ogayn qasaaruhuu geystay ayaa la rumaysan yahay inta la
ogyahay in ay ku dhinteen dad ka badan 100 qof, Jamac Cali Jamac
ayaa waxuu la leeyahay xiriir Dawlada Carta lagu soo dhisay
oo kaalmo lacageed iyo mid hubeedba ugu deeqday halka Col. Cabdulahi
Yusufna la leeyahay xiriir dhow Dawlada Itoobiya oo dad badani
rumaysan yahay in ay leedahay danno iyo ujeedooyin gooniya ayna
ku adeeganayaan Cabdulahi Yusuf.
Mudugonline
Maxaa ku xiga Qabsashada
magaalada Qardho?
Ka dib markii ay magaalada Qardho maanta gacanta u gashay ciidamada
Daraawiishta ee maamulka Col. Cabdulahi Yusuf iyadoo aan wax
dagaal ahi ka dhicin magaalada gudaheeda ayaa dad badani waxay
isweydiinayaan maxaa ku xigi doona qabsashada Magaalada Qardho?
Sida aan la wada socono maanta aduunku meesha uu marayo cid
xoog cid kale ku xukumi karta ma jirto, dadka ku nool deegaanka
qardhoodna waxay si bareer ah ugu gacan seyreen maamulka col.
Cabdulahi Yusuf, waxaan ogsoon nahay in dadka deegaaanka inta
badan la marin habaabiyay oo shaqsiyaad ay ku adeeganayaan maamulka
Carta ay qiyaamo u maleegeen, waxaan kaloo ognahay maanta meesha
Maamulka Carta marayo, qayaanadii ay Puntland la raadinayeen
in ay iyaga dib ugu noqotay, waxaan kaloo ognahay in maamul
dimoqoraadiyad ku dhisan aan hal degmo burburin karin kana hor
imaan karin rabitaanka ummada inteeda kale, waxaan kaloo ognahay
in dadka reer Puntland ay yihiin dad ehel ah oo wada dhashay
kuligoodna ka xun sida arini noqotay, intaas oo arimood oon
soo sheegnay oo wada jira ayaa haddana waxaa maanta shacabka
Puntland isha ku hayaan sida Col. Cabdulahi Yusuf u maamulo
ugano gudbo dhibaatada ay keentay qilaafkaan siyaasadeed oo
iminka sannad ka badan ka hurayay Puntland dhiig dad walaala
ahna ku daatay. Waxaa haboon in maamulku u dhaga nuglaado waxyaabaha
shacabku ka cabanayaan ama ha noqoto waxqabad la'aan ama ha
noqoto musuqmaasuq amaba madax adayg iyo kaliyetalisnimo.
Magaalada Qardho ayaa ahayd saldhiga ciidamada Jamac Cali Jamac,
qabsashadeeduna wiiqday awoodii ciidan ee maamulkii Jamac Cali
balse xaqiiqdu waxay tahay qabshada Qardho aysan wax weyn soo
kordhinayn siyaasad ahaan haddii aysan dhinac socon waan waan
nabadeed iyo heshiis siyaasadeed oo ku dhisan isfaham, isafgarad,
wada tashi iyo meel marinta danta guud, iyadoo aan marnaba la
soo dhaweysaynayn dad aysan ku kalsoonayn dadka deegaanku kana
qeyb qaadan karin maslaxada guud.
Waxaa iyana meesha ku jirta in maamulku bilaabo wacyi galin,
lana tuso xaqiiqooyinka jira mujtamaca guud ahaan, sidoo kale
ugu horeynba la guda galo sidii loo dhisi lahaa maamul ku meel
gaara oo loo dhan yahay oo badala kan Col. Cabdulahi Yusuf ee
iminka jira, sidii maamulka ku meelgaarka ahi u abaabuli lahaa
doorashooyin xor ah lana qabto waqti cayiman, sidoo kale la
soo celiyo doorkii Isimadii soo jireenkaahaa. arimahaas iyo
kuwa kaloo badan maanta waxaa wax ka qabadkeeda laga sugayaa
waa indheergaradka reer Puntland meel kasta ha joogeene iyo
maamulka, iyadoo la sii marayo gudiyada nabada ee dhisan oo
haddaba har iyo habeen ku jira sidii laa soo afjari lahaa qilaafka
siyaasadeed una daadan dhiig dambe oo micno daro ah dadka walaalaha
dhexdooda.
Mudugonline
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|