Hirgalinta Mashruuca
Biyo Galinta Gaalkacyo Bilowmatay
Gaalkacyo: Mashruucii biyo galinta
Gaalkcyo oo in badanba ladhorayay ayaa maanta si toos
ah uga hirgalay magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo.
Kuxigeenka duqa degmada Gaalkacyo Xasan
Cabdille Hiraabay oo degmada uga qaybgalay xafladii furitaanka
maanta ayaa sheegay in maanta laga bilaabo ay biyo galintu
furantahay ,wuxuuna dadwaynaha Gaalkacyo kacodsaday inay
lashaqeeyaan mashruucan hadda labilaabay.
C/risaaq Burgal oo ah gudoomiyaha gudiga
Biyaha Gaalkacyo ayaa qandaraaslayda ku guulaysatay biyo
galinta ugu baaqay inay dadkooda ugu shaqeeyaan si wadaninimo
ah oo daacadi kujirto.
Mashruuca biyo galinta Gaalkacyo ayaa yeelan
doona labo waji sida ay sheegeen C/raxmaan Cali Salaad
iyo C/naasir Maxamed Xuseen oo labaduba ah madaxda shirkadaha
ku guulaystay biyo galinta .
Wajiga koowaad oo noqonaya dhigidda tuubada
wayn ee isku xirta haanta biyaha iyo xaafadaha Gaalkacyo
oo dhererkeedu yahay 8 iyo bar Km ayaa lagu soo gabo gabayn
doonaa 9 Asbuuc.
Wajiga labaad ayaa noqon doona dhigidda
tuubooyinka yar yar ee biyaha uqaybiya xaafadaha magaalada
oo dhererkeedu yahay 13Km waxaana wajiga labaad lagu soo
gabo gabayn doonaa 14 Asbuuc .
Xasan Xuseen Waloore oo kamid ah gudiga
biyaha Gaalkacyo iyo masuuliyiin katirsan hay'adda UNICEF
oo xafladii maanta kahadlay ayaa labaduba dadka gaalkacyo
ugu baaqay inaysan iska dayicin fursadan qaaliga ah .
Source:AllPuntland News
Somali talks to work, say leaders
By NATION Correspondent
Somali leaders are optimistic that the ongoing
talks in Eldoret will help bring peace in their country.
A deputy minister for Information in Somali's
Puntland State, the biggest region in the country, Mr
Abdulshakur Mire, said the leaders had realised the importance
of peace for the country to develop.
Mr Mire described acceptance by the country's
political and military leaders to attend the conference,
as "a big step forward.''
The minister said of the National Peace
and Reconciliation Conference in an interview: "Even
my President Abdullah Yusuf who is participating in the
conference and the people of Puntland hope the talks will
help Somalia become one strong government."
The conference's chances for success, Mr
Mire said, were boosted by Kenya's role "since it
does not support any of the warring factions and is a
genuine broker."
"We want Kenya to make history by ensuring
the 11-year-old war ends,'' one of the faction leaders
said.
On Saturday, 20 Somali leaders agreed to
find a lasting solution to the conflict.
The leaders, some of whom were meeting for
the first time since the country was plunged into chaos
in 1991, accepted the responsibility for bringing the
country on its knees.
The conference, officially opened by President
Moi last Tuesday, is the first of its kind since the Somali
peace initiative started drawing participants from the
Transitional National Government (TNG), the military and
the political leadership.
Source:Daily Nation
WARAYSI
UU WASIIR KU XIGEENKA WARFAAFINTA PUNTLAND BIXIYEY
Shirka
dibu heshiisiinta ee ka socda magaalada Eldoret waxaa isugu
yimid dhamaan madaxda maamulada iyo ururada siyaasadda ee
soomaaliya ka jira marka laga reebo dawladda isku magacowday
Somaliland oo uu maamulkeedu shaaca ka qaaday inaysan ka
 |
qayb
galayn shirkaas. Hotel Sirikwa oo ah xarunta uu shirka dibu
heshiisiinta soomaalidu ka socdo waxaan waraysi kula yeeshay
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee Puntland Mr.
Cabdishakuur Mire Aadan oo ka mid ahaa ergooyinkii ka socday
Puntland ee shirka Eldoret ka soo qayb galay, ugu horaynna
waxaan weeydiiyey inuu iiga warramo tiradii ergooyinka batay
ee ay Puntland ahaan sida weyn u diidanaayeen halka ay ku
dambaysey, wuxuuna iigu jawaabay:
Waxaa markii hore naloo sheegay inay tirada ergooyinka shirka
ka qayb gelaysaa 300 oo ergey ahaanayso, laba boqol oo maamulada
iyo ururada siyaasadda ka imanaya iyo 100 ergey oo bulshada
rayidka ah ka imanaya laakiin waxaa dhacday inay shirka yimaadeen
dad 600 oo ergey kor u dhaafay, arintaasna waxaanu kala hadalay
guddoomiyaha guddiga farsamada Igad Mr. Elijah Mwangala iyo
xogahayaha urur goboleedka Igad, ergooyinkiina sidii hore
ayaa hadda lagu soo celiyey.
Suaal: Intii aan Soomaalida shirka
joogtey ku dhex jirey waxaan maqlayey hadalo la isla dhex
marayey oo ku saabsan in idinka iyo ururada badankooda gaar
ahaan SRRC uu is xulufaysi siyaasadeed idinka dhexeeyo, arintaasi
ma jirtaa?.
Jawaab: Cid uu is xulufaysi gaar ahi
naga dhexeeyaa ma jiro, waxaana naga goan inaanu ka
shaqayno sidii uu shirku u noqon lahaa mid guulaysta oo dawlad
soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay u dhalan lahayd, taasina
nagama hor istaagayso inaanu cid la kulano xitaa kooxda Carta,
yoolkayaguna waa inay soomaalidu isku af garato nabad iyo
dibu heshiisiin si niyad ah ku timaadda, waana gaaraynaa insha
Allaah.
Suaal: Ilaa iyo hadda yaad la kulanteen
madaxda siyaasadda ee halkan ku sugan?.
Jawaab: Waxaannu is aragnay ergooyin badan oo
kooxaha halkan ku shirsan ka mid ah oo aannu iska warraysanay
sidii uu shirkani u noqon lahaa mid guulaysta iyo sidii ummadda
soomaaliyeed dhibaatada looga saari lahaa, waayo ujeedada
shirka ayaaba ah in la is arko oo la wada hadlo.
Suaaal: Jaamac Cali Jaamac hadda
shirka waakan jooga, idinkuna waxaad ka socotaan Puntland,
waxaan kaloo arkayey adigoo Maxamuud Shiddo oo golihii wasiirada
ee Jaamac Cali Jaamac ka tirsanaa, Marka iyagana arinkoodu
waa maxay?
Jawaab: shirkan hal ergo oo Puntland
ah baa joogta, Jaamacna wuxuu ku jiraa liiska ergada
Puntland, Maxamuud Shiddo waa saaxiibkay, waanuna isku wanaagsanahay,
sidoo kale Jaamac waan arkay waana salaamay isaga iyo Goonleba,
waana niman reer Puntland ah, madashuna waa meel ay soomaaliyi
wada joogto, siyaasadda waa lagu kala duwanaan karaa waxaanse
qabaa inay saaxiibtinimadu sideeda mar kasta tahay.
Suaal: Kulankii ay Madaxweenihiina
iyo Madaxweeyne ku xigeenkiinu ka qayb galeen ee la isugu
keenay madaxda siyaasadda soomaaliya maxaa ka qabsoomay, maxaase
lagaga wada hadlay?.
Jawaab: Shika waxyaabihii laga wada hadlay
waxaa ka mid ahaa sidii ergooyinka loo dhimi lahaa iyo in
laga wada hadlo inuu Cabdi qaasim shirka ka soo qayb galo
maadaama uu ka mid yahay ragta xalinta dhibka soomaaliya ka
aloosan laga sugayo, madaxweeynaha Puntlandna wuxuu
shirkaas ka caddeeyey sida ay Puntland daacad uga tahay ka
qayb galka shirka iyo inuu shirku noqdo mid midha dhala, waana
lagu guulaystey in ergooyinka la dhimo.
Suaal: Mudane waxaad tahay nin
masuul ah oo siyaasi ah marka maxaa laga fili karaa shirku
inuu ku soo geba geboobo?
Jawaab: Shirka ilaa iyo hadda waxaa u dhan ragii
ay arrimaha soomaaliya khuseeyeen, waxaa kaloo ka midaysan
urur goboleedka Igad iyo beesha caalamka sidaa darteed wuxuu
u muuqdaa mid lagu guulaysan karo, in kastoo lagu guulaysto
wixii uu Rabbi weyne garab galo.
Suaal: Madaxweeynaha Puntland Cabdillaahi
Yuusf damac madax weeynanimo ma ku jiraa haddii shirka la
isku af garto oo uu najaxo?.
Jawaab: Dabcan qof kasta oo siyaasadda
soomaaliya ka dhex muuqda wuu leeyahay hankiisa siyaasadeed
ee gaarka u ah haddaba haddaysan horay u dhici jirin inaysan
dadka qaar jagooyinka sar sare ee soomaliya hungurayn aniga
laftayduu han sare igu jiraa marka maxaad ka filaysaa madaxweeynahayga
Cabdillaahi Yuusuf.
Suaal: Waxaan maqlay inay weli
dhawr iyo toban ergey idinka maqan yihiin marka hadda ma wada
yimaadeen ergooyinkii idinka maqnaa?.
Jawaab: Haa, way jiraan ergooyin weli
naga maqan oo ay weliba la socdaan Isimo marka ilaa iyo galabta
ayaan filayaa inay soo galaan Eldoret.
Waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq
E-mail: imdeeq@hotmail.com
Eldoret, Kenya
Oct 20, 2002
Source:Somalitalk.com