Gaalkacyo oo maanta
Xasiloon iyo qasaarahii dagaalkii shalay.
GALKACYO, 5 Oct 2002 (MOL) Ka dib Dagaalkii
shalay sida lama filaanka uga qarxay magaalada Gaalkacyo ayaa
maanta waxaa la soo sheegayaa in magaaladu xasiloon tahay oo
aan wax dagaal ahi ka dhicin, waxaa lagu guulaystay in ciidamada
la soo kala fogeeyo walow labada dhinacba ku jiraan heegan sare.
waxaa maanta dib u furmay ganacsigii iyo dhaqdhaqaaqii magaalada
oo shalay xayirmay. Waxaa iminka si toosa u wada hadlay odayaasha
magaalada ee labada dhinac ee beelaha isku dhacay ee dirirtu
dhexmartay, waxaa la sheegayaa in wada haddalada socda ay ku
muuqato rajo fiican iyo kalsooni u dhaxaysa odayaasha magaalada
oo awal horey ugu guulaystay in ay magaalada Gaalkacyo ku soo
dabaalaan nabad ku wada noolaansho mudo ku dhaw 10 sannadood
oo Somaliya meel walba ka jirtay dagaal beeleedyo la damin waayay
colaadooda. dad badan oo labada dhinacba ah ayaa u arka dagaaladaan
sida kadiska u bilaamay shalay inaysan ka marayn siyaasad oo
dad badani tuhunsan yihiin in Kooxda Carta ay arintaan ku lug
leeyihiin.
Qasaaraha dagaalka ayaa la soo sheegayaa in dhimashada
iyo dhaawacuba badan yihiin, tirada labada dhinac ka dhimatayna
ay isle'eg tahay, inta hadda naloo soo xaqiijiyay ayaa ah dhinaca
beesha waqooyiga magaalada dhimashadu waa 6 qof oo mid gabar
tahay iyo 20 dhaawac ah. dhinaca beesha koonfurta magaalada
ayaa iyagana waxaa ka dhimatay 7 qof oo mid gabar tahay iyo
20 kale oo dhaawac ah. dadka dhaawaca iyo dhimashadaba waxaa
haleelay xabadaha weefta ah intooda badan. waxaa xusid mudan
in illaa hadda aan la isku adeegsan hubka culus ee Teknikada
loo yaqaan, taas oo yaraysay qasaaraha guud. Waa markii ugu
horeysay oo dad intaas tiro le'eg ku dhintaan magaalada Gaalkacyo
ka dib heshiiskii beelaha magaaladu ku gaareen magaalada Muqdishu
sannadkii 1993. Odayaasha magaalada labada dhinacba ayaa hadda
waxaa ka go'an in arintaan oo kale aysan mar dambe dhicin lana
gaaro heshiis taama..
Waxaan wali la ogayn sida odayaasha magaaladu
u xakamayn doonaan dhalinta ka timaada miyiga iyagoo u socda
aargoosi sida muuqata ka qeyb ahayd dagaalkaan, waxaa cad in
aan xeerka magaalooyinku badanaa ka shaqayn baadiyaha oo iyagana
ay leeyihiin xeerar iyo hab ay ku heshiiyaan. wali lama oga
in odayaasha miyigana arintaa heshiiska la gaarsiin doono iyo
inay ku ekaan doonto magaalada oo qura.
Waxii warar dheeraad ah waan idin la socod siin
doonaa.....insha allah
Mudugonline
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug
Online 2001
|