Faalo:Qanyare, Caato iyo Kooxda
Carta Maxay rabaan?
ELDORET, 21 Nov 2002
(MOL) -Ka dib Markii guddigii qabanqaabada shirka dib u
heshiisiinta Somalida ay badaleen qaabkii ergooyinka ka
qaybgalayay shirka oo loo badalay hab qabiil taas oo ay
awal ka codsanayeen gudiga qabanqaabada Shirka kooxda Carta
iyo kooxda Qanyare iyo Caato ee la baxday G8 ayaa haddana
waxaa soo baxay ganuunac iyo cabasho kale oo ka soo baxaysa
kooxahaas. wararka ugu dambeeyay ayaa sheegaya ka dib markii
kooxda Carta iyo kooxda Qanyare ay dib u xisaabtameen ay
arkeen inaan waxba u siyaadin tiraddi ergooyinka markii
qabiilka lagu saleeyay. taas oo la yaab ku noqotay dad badan
oo haatan arkay caqliga daboolan ee kooxahaan oo shirka
aan la imaan wax ajende ah lana garanayn meel ay u socdaan
habba yaraateena aan wax fikrada ah ka haysan natiijada
ka imaan karta codsiyadooda tirada badan.meeshana u yimid
uun inay wax diidaan.
Kooxahaan oo ay gees
martay xisaabtan iyo faham wax wada qaybsi ayaa waxa ay
hadda marka kale sheegeen inaysan ku qanacsanayn sida wax
loo qaybshay. waxaa taas ka sii daran wali way garan la'ayihiin
inay soo sheegaan waxa ay tabanayaan iyo sida ay wax u rabaan.
Guddiga qaban qaabada ayaa iyagoon cidna kala tashan waxay
ergada ku qaybiyeen hab qabiil iyagoo tirada ergada gaarsiiyay
illaa 400 oo xubnood. habkaan xusub oo daba joogo qaaciido
ay lahayd kooxda Carta oo oranaysa (4.5 rule) taas oo ah
in ergada lagu qaybsho 4 qabiil oo waaweyn (Hawiye, Darood,
Digil iyo Mirifle iyo Dir) iyo 0.5 oo ah dadka laga tirada
badan yahay. aragtidaas ayaa lagu qoondeeyay shirkii Carta.
Wali lama oga sababta Kooxda Carta oo ahayd farsama yaqaanka
aragtidaas ay hadda ku diiday markii habkoodii la raacay
iyadoo waliba kooxda Carta u oleolaynaysay in ergada lagu
qaybsho hab qabiil..
Ergada Muqdishu ayaa
la sheegay in qaarkood ku ruwaayadaysanayaan aqoonta siyaasadeed
ee Qanyare iyo Caato. sheeko ayaa dhex martay ayaa la leeyahay
Caato iyo Qanyare Maalintii doraad Markii guddiga qabanqaabada
shirku ku dhawaaqay go'aankooda cusub ee qaybsiga ergada
ee habka qabiilka. Qanyare ayaa inta Caato qandhuuftay waxuu
ku yiri; "Ar waa sidaan rabnay". Caato oo caro
wajigiisa ka muuqato ayaa ku jawaabay; "xaniinyaha
alle ku qabay maantana bohol kale ayuu naga tuuray, fiiri
ergadii aan haystay waa meel eber ahe". Qanyare ayaa
la soo booday; "war aan codsanno in gobol gobol wax
lagu qaybsho". Caato oo wili ciilkii hayo ayaa yiri;
"war afkaaga naga hayso arinta aan ka soo fakaree...."
sheekada ayaa sii socota oo waxaa la leeyahay labada nin
qol ayay intay isku soo xireen ayay waxay u yeerteen gacan
yarahooda si bal ay dib ugu xisaabayaan ergada ku soo aaday...
Sidee xal lagu gaari
haddii arintii shirka Eldoret halkaas marayso?. waxaa hadda
cad labo arimood. mid waa inaysan kooxahan aan soo sheegnayn
aysan ku qanacsanayn shir Dawlad lagu dhisayo marba haddii
ay luminayaan hantidii ay ku qabsadeen bililaqada dagaalka
sokeeye. mida kalena waa kooxahaan oo aanba aqoonba u lahayn
hawlahaan faraha ay kula jiraan marba haddaysan ahayn dad
aqoon leh. kooxda ay haystaana ku qabsadeen qabiil iyo wax
la mida. iyagoo garan karin karin inay wax aqabalaan markay
buro sitaan.
Kooxaha nabada jecel
ayaa iyagu hadda quus taagan. waxaaba laga sharqaminayaa
in haddii shirkaan burburo ay Dawlad goboleedka Puntland
gooni isku taagi doonta siddii Somaliland inta Koonfurta
Somaliya ay ka soo baxayaan hogaamiyayaal daacad ka ah in
qaranimadii Somaliya la soo celiyo. Inta koonfurta Somaliya
ay horboodayaan shaqsiyaad ku soo caan baxay dhibaatada
ay geysteen, hantida ay bililaqaysteen iyo Daraagooyinka
ay beeraan marnaba lagama sugayo wadaninmo iyo badbaadin
wadankooda hooyo. intay shirka awood siyaasadeed ku leeyihiin
waxay markasta sii wadi doonaan majaxaabin iyo lugooyada
ay ku soo caanbaxeen.
Mudugonline.com
Wararkii ugu Dambeeyay ee Eldoret
Eldoret: Go'aankii shalay ay gudiga farsamada
IGAD kusoo bandhigeen tirada ergada shirka Somalida ee Eldoret
oo ay garsiiyeen 400 oo xubnood oo laguna qaybsanayo hab
beeleed ah 4 beelaha waaweyn oo middiiba heshay 84 xubnood
iyo bar beelaha yar yar oo 42 xubnood la siiyay ayaa jawaabo
kalada duwan ay ka bixiyeen dhinacyada Somalidu.
Beelaha Hawiye ayaa muujiyay sidda ayan ugu
qanacsanayn hab beeleed wax ku qaybsiga oo ay ku waayeen
ugu yaraan 50 ergay oo ay ku heleen habqaybsigii hore ee
kooxaha, eedayn badan ayay u jeedinayaan Cusmaan Caato iyo
Qanyare oo ay sheegayaan inay sabab u ahaayeen isbadalka
dhacay, ka dib markii ay dooneen tiro ka badan middii ay
haysteen, shalay markii go'aanka cusub soo baxay waxaa si
xoog badan looga dareemay sidday uga xumaadeen Cusmaan Caato
iyo Qanyare oo la arkayay iyagoo ka kici waayay saacad ku
dhawaad kuraastii ay ku fadhiyeen ee qolka shirka hotel
Sirigwa ee kooxaha loogu sheegay inay hab beeleed wax ku
qaybsadaan, iyagoo ka xumaday go'aanka cusub ee IGAD, Cusmaan
Caato ayaa laga hayaa inuu yiri " Waxaa haboonaan laheyd
in qeybinta la isla fahmo, balse aanan gidigeed la wada
bedelin, oo hab qabiil lagu saleyn" Cusmaan Caato ayaa
u muuqday mid iska iloobay baaqyadiisii hore oo isaga iyo
Kooxdiisu ku doodayeen in ergada hab beeleed lagu qaybsado
markii ay dacwada ugu jireen in ergada loo kordhiyo oo ay
soo jeediyeen laba qodon oo kala ahaa:
In Ergada loo kordhiyo kooxdooda la baxday
G8 ama
In Qabiil ergada lagu qaybsado hab beeleedkii
siddii Carta oo kale 4 iyo bar
Gudiga Farsamada IGAD oo u muuqda inay raaceen
qodobka labaad ee ay soo jeediyeen kooxda 8-da oo ay taageerayso
DKMG ah ayaa go'aankoodii shalay waxaa ugu horeeyay ee hadal
diidmo ah ka keenay waxay noqdeen G8 iyo DKMG oo iyaga markii
hore shirku uga furmi waayay diidmadoodii habkii hore ee
ergooyinka IGAD u qaybisay oo ku salaysnaa kooxo..
Ergada DKMG ah ayaa iyaguna u arka in go'aankaani
dharbaaxo ku yahay, meeshana ay ka baxday sheegashadoodii
dawladnimo, qoraal ay soo saareen ayay ku dalbadeen in magacooda
DKMG ah lagu muujiyo shaxda qaybsiga ergooyinka iyagana
wax gaara loo siiyo, kooxaha kalana ay hab beeleedkaas shaxda
ku cad wax ku qaybsadaan , sidda muuqata dalabkoodaan maaha
mid la aqbalayo, iyadoo lagu sabaynayo haddii uu markana
gudiga IGAD isbadal kale keeno inay meeshuba noqonayso meel
hadba kooxi dhinac loogu jeediyo.
Dhamaan beelaha kale ee Somalida ayaa iyagu
aqbalay sidda uu noqday go'aanka ugu dambeeya ee IGAD ee
hab beeleed ku qaybsiga ergooyinka, qaar ka mid ah ayaa
laga hayaa inay sheegeen in xaqii soo baxay oo kuwii ku
doodayay inuu xaq ka maqan yahay iyagoo tirada ugu badan
haysta ay hadda cadaaladu la sintay Somalida kale.
Marka beeluhu qaybsanayaan ergooyinka la siiyay
beel walba ayaa la filayaa inuu ka dhex jiri doono buuq
badan beel walba gudaheeda, buuqa ugu badan ayaa laga filayaa
inuu ka dhex oogmo beelaha Hawiyaha oo iyagu ku kala socda
kooxo badan oo markii hore midba goonideeda wax ula qaybsanaysay
isbahaysiga siyaasadeed ee ay ka tirsan tahay, taasi oo
ay ku heleen tiro ka badan tirada hadda dhextaal ee ah 84,
tusaale hal jifo oo ka mid ah beelaha Hawiye ayaa wax ku
heshay hab qaybsigii hore tiro ka badan 40 ergay ka dib
markii ay jifadaas oo wax la qaybsatay oo mid walba ay tiro
ka heshay SRRC, DKMG, Nakuuro iyo Bulshada Rayidka ah, waxaana
marakan adag in jifadaasi qaybsiga beesha Hawiye ka dhex
helaan helaan 10 ergay.
Beelaha kale ee Darood, Digil iyo Mirif ,
Dir iyo kuwa laga badan yahay ayaa laf tigooda la filayaa
inay ku murmaan qaybsiga ergooyinka dhexdooda.
Isku soo duuboo waxa caawa Eldoret dadku sugayaa
beelaha oo madaxa iskula jira shirar ay uga arinsanayaan
tirada ergooyinka dhex yaal oo laga sugayo inay dhokhso
u soo magacowdaan dadkii uga qaybgali lahaa.
Siddoo kale waxaa dadku la yaaban yahay waa
labada kooxood ee DKMG ah oo iyadu mar horeba sheegtay inayna
ogolayn habka beelaha wax ku qaybsiga iyo G8 oo aan iyagu
wali si rasmi ah ugu dhawaaqin mawqifkooda balse diidmo
xoog badan muujiyay, layaabka dadka ayaa ah labadaan kooxood
oo kali ku ah markan ka hor imaadka go'aankii shalay inay
yihiin kuwii iyagu dadaalka badan u galay in hab beeleed
ergooyinka lagu qaybiyo.
Waxaa soo diyaariyay
Wariye Saalax Xuseen Warsame (Warsame Yare)
AllPuntland Eldoret
Baaq ay soo saareen Beesha Amaanle,
Majerteen Ee 5 Qaraddood kala jooga.
Kadib markii shir ay qabanqaabadiisu in mudda ah ka socotay
wadamada EU USA iyo Canada ay ku yeesheen aqoon yahanada Culumaudiinka
iyo wax garadka Beesha Amaanle,Majerteen shirkaas waxaa kaloo
qeybo badan kala socdeen ""Telconference Call"
iyagoo kala joogo wadamooyin kala duduwa in kastoo lagu qabtey
magaalada Toronto Dalka Kanada intii u dhexaysay November
10-ilaa iyo November 17.2002
Shirkaas oo ay kasoo qeyb galeen ergooyin ka kala socday
wadamada kor ku qoran, waxaa looga hadlay arimaha Soomaliya
gaar ahaan qeebta kaga aadan Beesha Amaanle.
Sida lawada ogsoon yahay waxaa dalka Soomaliya ka dhacay
dagaalo sokeeye oo socnaayay in kabadan toban sanadood, ku
waas oo ay ku dhinteen dad lagu qayaasay Nus miljuun ayna
ku bara keceen Malaayiin kale, isla markaasna ay ku baaba'een
dhaqaalahii wadanka kaaba yaashii dhaqan dhaqaale, iyo adeeg
yadii kala duwanaa ee bulshada. Dhibaatooyinkaas dagaaladu
keenen beesha Amaanle waxay laqeyb satay dhamaan umada Soomaliyeed,
kamana qeyb gelin shirarkii lagu qabtay dalka gudahiisa iyo
dibadiisaba mana aqoonsana dhamaan waxii kasoo baxay, markii
laga reebo maamulada hadda ka jiro sida Puntlandi yo Soomaliland
iyo kan koofur galbeed oo magaala madaxdiisu tahay gobolka
Bay, sidaasi darteed waxaa beesha Amaanle go'aan satay in
ay baaqaan nabadeed usoo jeediso beelaha Soomaliyeed.
1.Aqoonyahanada Culumaudiinka wax garadka iyo Odaydhaqameedyada
beesha Amaanle waa in ay ka qeyb qaataan shirarka dib u hishiisiinta
Soomaliyeed, Isla markaana geed gaaban iyo geed dheerba loo
fulaa sidii Gobolka J/hoose dib loogu soo celin lahaa.
2. Beesha Amaanle ma'aqoonsana mamulkii Carte lagu soo dhisay,
oo Soomaliya u horseeday fashilaad iyo bur-bur hor leh, sida
la'ogyahayna kama qeyb gelin aas aaskiisii mana taageerayno
shirkasta oo keeni kara kala fogaasho iyo kala tag hor leh.
3. ´Waa in hogaamiya siyaasadeedka Soomaliya oo dhan
ee ku sugan Eldoter ay sameyaan isku tanasulaad si xaaladaha
hada ka jira dalka Soomaliya wax looga qabto Isla markaana
la joojiyo midi-mid ku taaga ka socda Shirka Eldoret,Kiinya
4. Waa in wax garadka culumaudiinka iyo qeybaha bulshada
ee kunool dalka gudihiisa iyo dibadiisa ay ka qeyb qaataan
arimaha murugsan ee Soomaliya.
5. Waxaan taageersanahay in qilaafka siyaasadeed ee Soomaliya
lagu xaliyo qaab wada hadal oo ay madax u yihiin hogaamiya
Koxeedyadda iyo hogaan-dhaqameedka umada metela.
6.Waxaa kale oo aan soo dhaweynaynaa dadaalka UNta Ururka
Medowga Africa Jamacada Carabta iyo Urur goboleedka Igad ay
ugu jiraan sidii Soomaliya loogu sameyn lahaa dowlad Fedraali
ah loona joojin lahaa dhimashada macna beeshay oo hatan ka
socoto dalka Soomaliya.
7.Sidoo kale waxaan soo dhaweyneynaa hayadaha sama falka
oo ku howlan sidii dadka Soomaliyeed oo colaaduhu bara kiciyeen
loo bad baadin lahaa.
8.Waxaan aad iyo aad uga xunnahay dilka afduubka iyo dhaca
loo geysto hayadaha sama falka iyo aqoon'yahanada Soomaliyeed.
9.Waxaan ku boorinaynaa umada soomaliyeed in la'ilaaliyo
midnimada iyo wada jirka waxii qilaafana lagu dhameeyo wada
hadal.
10. Ugu danbeyntii Beesha Amaanle waxay canbaarayneysaa cid
kasta, ama koox kasta oo kasoo hor jeeda dib u hishiisiinta
Soomaliya waxayna soo
dhawéyneysaa inta jecel nabada umada Soomaliyeed
Saxiixayaasha Magacyadoodu waa Sidan:
BEESHA AMAANLE
SULDAANKA BEESHA AMAANLE SULDAAN SOOTE
Nabadoon: Maxamud Maxamed Aadan --Puntland
======'Colow Cumar Suggulle-J/hoose
=====Maxamuud Sheekh Daahir--J/Hoose
=====Maxamed Ducaale--Puntland
=====Jaamac Nuux Cilmi--J/Hoose
====Maxamuud Kadoone -J/Hoose
====Cabdi Ibraahim Garyare--J/Hoose
====Jaamac Xareed Bulbul--Puntland
''''''''''''''Jaamac AW Ciise --Puntland
''''''''''''''C/lahi Maxamed Aadan --Sweden
''''''''''''''Cali Kulmiye XAsan --Canada
''''''''''''''Axmed Maxamud CAli --Norway
iyo 138 Aqoonyahano Eng. Profs. Dr/Drs iyo
Xirfadlayaal kala duduwan .
(Gudoomiyaha Jaaliyadaha dibada ee Beesha Amaanle )
DR. C/XAKIIN COLOW CUMAR SUGGULLE---TORONTO