Wararka Mudugonline

Shirkii Eldoret oo laga cabsi qabo inuu burburo

ELDORET, 6 Nov 2002 (MOL) - Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Shirkii Somalida uga socday magaalada Eldoret e wadanka Kenya uu galay marxalad aad xasaasi u ah oo keeni karta burbur ku yimaada shirka iyo ismaandhaaf kooxaha siyaasada dhexdooda ah. Warkaan oo aan ka helay illo lagu kalsoon yahay oo jooga madasha shirka ayaa sheegaya in qilaaf weyn soo dhex galay kooxaha Somalida ka dib markii la galay wajigii labaad ee shirka. khilaafka ayaa la sheegayaa in uu ku salaysan yahay kooxaha qaarkood oo helay tiro ka badan saamigii ergada markii hore shirka lagu yimid laguna heshiiyay taasna ay keentay inay isku dheeli tirmi waayeen ergooyinka matalaysa kooxaha kala duwan. khilaafkaan iyo jaahwareerkan ayaa la sheegay inay inta badan ka dhalatay maamul xumo ka timid gudiga qaban qaabada shirka iyo kooxaha qaarkood oo aan daacad ka ahayn heshiis la gaaro.

Gudiga qabanqaabada shirka ayaa la sheegayaa inay isku dayeen inay arintaan xaliyaan iyagoo hogaamiyaasha kooxaha u qaaday meel ka yara fog madasha shirka si ay iskula gorfeeyaan arimahan khilaafka keenay, wali lama sheegin wax ay isku afgarteen hogaamiyayaashaas in kastoo ay iska soo xuleen gudi sii falanqeeya arimaha la isku hayo. Warar kale oo arintaas la xiriira ayaa la sheegayaa in ergada Puntland ay ka warheleen qiyaanooyin loo aasay oo ay ka dambeeyeen Dawlada KMG ah ee Carta lagu soo dhisay iyo dhawr kooxood oo ay isku xulufo yihiin, khiyaanada loo geystay ergada Puntland ayaa la sheegayaa inay la xiriirto tirada ergada ka qayb galaysa wareegaan labaad ee shirka oo looga hadlayo laguna lafa gurayo arimaha ugu daran ee Somaliya isugu imaan weyday dhawr iyo tobankii sanno ee la soo dhaafay. Dawlada KMG ah ee Carta iyo kooxaha raacsan ayaa la sheegay inay ku qanciyeen gudiga qabanqaabada shirka in Puntland la siiyo tiro ergo ahaan le'eg ama u dhaw qabqablayaasha dagaalka ee Muqdishu oo qaarkood matalayaan hal qabiil jufo ka mida, qaarkoodna labo ka mida matalayaan hal jufo aysana ka talin hal xaafad ama degmo, kuwaas oo haatan leh culays ama miisaan siyaasadeed oo u dhiganta tan Puntland oo aan ognahay wadanka oo dhan in ay 3 meelood oo meel ay hoos timaado Dawlad goboleedka Puntland.

Dad kale oo isla shirka Jooga ayaa noo sheegay in markii hore sidii loo soo dhaweeyay ergada Puntland ahayd indho sarcaadis oo arimahaani hoos ka socdeen. Puntland ayaan la ogayn illaa hadda in ay arimahaas ka dacwoodeen iyo in ay damacsan yihiin inay ka baxaan shirka oo dhan waxaase cad si aad u qaabdaran inay haatan wax ku socdaan oo moodo gudiga qabanqaabada shirku inuu u dhaga nugul yahay qayla dhaanta inta badan ka soo yeeraysa dagaal oogayaasha Muqdishu si loogu kordhiyo tirada ergada kuna guulaystay dhawr mar in ergooyinka loo kordhiyo.

Mudugonline.com


SOMALIA: Puntland to continue cooperating with UN

NAIROBI, 6 Nov 2002 (IRIN) - The authorities in the self-declared autonomous region of Puntland have denied asking the UN to leave, stating they will cooperate fully with the UN and other international aid agencies.

Abdishakur Mire Adan, the Puntland deputy information minister, reacting to local media reports told IRIN on Wednesday that Puntland had not asked the UN to withdraw its staff. "Puntland has not asked the UN or, for that matter, any other agency to leave Puntland," he said.

The Mogadishu-based HornAfrik radio reported on Tuesday that Puntland had asked the UN to withdraw all its expatriate staff.

"Puntland Minister of International Cooperation and Planning Hasan Ahmad has told me that the UN withdrew its staff due a technical problem, but they are expected to return soon," Abdishakur said.

A UN statement confirmed that the UN had temporarily relocated three staff members for "technical reasons".

"This week, the UN temporarily sent three international aid workers from Bosaso to another location for technical reasons, and they are expected to return within a few days," said the statement, issued on Wednesday by the Office of the UN Resident and Humanitarian Coordinator for Somalia.

It went on to say that the UN reiterated its commitment to the full implementation of the Memorandum of Cooperation recently signed between the international aid community and the authorities in Puntland.

"Puntland is fully committed to cooperate with all aid agencies, including those in the UN system, in the delivery of much-needed services to the people of Puntland and those in the rest of Somalia," Abdishakur asserted.





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001