![]() |
|
_______________________________________________ SIRIKWA Hotel Eldoret waxaa ku sugan Qorayaalka Assiyaasa qaar ka mid ah oo idin soo gudbinaya Maqaallada hoos ku qoran. TARTANKA DOWLADAHA IYO ISTIRAATIIJIYADOODA DAGAAL EE XAL U HELIDDA MUSHKILADA SOOMAALIYA . MUSHKILADA NIILKA (NILE CRISIS ) . LABADA NIIL 12 / 12 / 2002Waayadii hore waxaa loo maleyn jiray iney biyaha Niilka ay dhammaantood ka yimaadaan Harada Fiktooriya , balse waxaa goor dhow lagu ogaaday cilmi baaris la sameeyey 85% biyaha Niilka ay ka yimaadaan buuraha dhaadheer ee dalka Itoobiya ( Blue Nile ) , 15% na ay ka yimaadaan harada Fiktooriya (White Nile ),waxey labada Niil ku kulmaan magaalada Khartuum caasimadda Suudaan . Masar sababta ay u dooneyso faro gelin toos iyo mid dadban iney Soomaaliya ka dhalato dowlad Itoobiya la col ah , oo Masaarida ka amar qaadata waxa weeye 85% biyaha Niilka oo Itoobiya ka yimaada . Dalalka ay khuseyso mushkilada Niilka Dalalka ay khuseyso Mushkilada Niilka waxey kala : Keenya , Ugaandha, Tanzaaniya,Burundi , Ruwaanda , Koongo , Itoobiya , Eretareeya , Suudaan , iyo Masar ; waxaa jiray labo heshiid oo sababay mushkilada ka dhaxeysa dalalkan aynu soo sheegnay, waxeyna kala yihiin labdaasi heshiis : 1 - Heshiiskii 1929kii wuxuu heshiiskani dhexmaray Safaaradda Ingiriiska ee Qaahira iyo Dowladda Masaarida . 2 – Heshiiskii 1959kii wuxuu dhexmaray dalalka Masar & Suudaan ,heshiisyadan waxey dhigayaan dalalka Harooyinka waaweyn (koongo, Burundi , Ruwaanda , Tanzaaniya , Keenya , Ugaandha ) & Itoobiya ineyan u isticmaali karin biyaha Harada ( White Nile) , iyo Blue Nile – ka mashaariic horumarineed ayadoo aan dowladda Masar ogolaansho laga helin . 1949kii markey Ugaandha damacday iney dhisato biyo xireenka lagu magacaabo Owen, dowladda Ingiriiska waxey u soo dirtay dalka Ugaandha qoraal ay ugu sheegeyso inuu mashruuca biyo xireenka dhismihiisa uu dhaqan geli karo markey dowladda Masar ogolaato oo keliya , maanta waxaa xarunta biyo xireenka dhex degan injineero Masaari ah oo koontaroola habsami u socodka mashruuca . Dad intee la’eg ayaa ku tiirsan biyaha Niilka ? 125 milyan oo dad ah ayaa ku tiirsan wabiga Niilka , heshiiskii 1929kii wuxuu Masar u saamaxayey iney ka isticmaasho biyaha Niilka 48 bilyan Kiyuubik Mitiris (bcm ) sanad kasta , halka Suudaan loo ogolaa isticmaalka 4 bilyan kiyuubik Mitiris (bcm ) .heshiiskan waxaa ka soo wareegatay xilligii la kala saxiixday 73 sanadood . Heshiiskii 1959kii wuxuu Masar u ogolaa isticmaalka 55.5bilyan Kiyuubik Mitiris (bcm), Suudaana 18.5 bilyan Kiyuubik Mitiris (bcm ) sanad kasta , ayadoo dalalka Harooyinka waaweyn & Itoobiya laga dhigay kuwo aan wax xuquuq ku laheyn isticmaalka kheyraadka (Nile river ) dalalkooda . Suudaan dood ayey ka keentay heshiiskii 1929kii , ka dib markey ka xurowday gumeysigii Ingiriiska 1956kii , doodaa iyo khilaafkii ka dhashay ayaa loo aaneynayaa iney Masar ka dambeysay afgambigii Max’ed Jacfar Annumeyri uu kula wareegay taliska dalka Suudaan 1959kii , sanadkaasoo ahaa sanadkii heshiiska isticmaalka biyaha Niilka uu ka dhacay Qaahira 8dii Nofembar,1959kii ee dhexmaray Masar & Suudaan , heshiiskan wuxuu dhaqan galay 12kii Disembar 1959kii . Heshiiskan wuxuu dhigayaa ineyan biyaha Niilka isticmaali karin qowmiyadaha Harooyinka waaweyn iyo Itoobiya iyagoo aan ogolaansho ka helin Guddiga farsamada ee Masar iyo Suudaan ay wada jirka u magacaabeen . Sababta gumeysiga Ingriiska uu xilligaasi ( 1929kii ) fursadda u siiyey dalka Masar ma aha mid lala yaabo , waayo Ingiriiska wey kala weyneyd Masar dalalkii kale ee uu gumeysanayey sababtana waxa weeye : Kanaala Suweys oo ah istiraatiijiyad dhaqaale oo isku xira dalalka Khaliija ee hodanka ah , Hindiya & Bariga fog ee ku yaal dalka Masar ayuu Ingiriiska isticmaali jirey . Xilli intee la’eg ayey Masar isticmaali jitay wabiga Niilka . Masaarida waraabka beeraha ayey u isticmaali jireen biyaha wabiga Niilka xilligii uu Masar u talinayey Fircoonkii la oran jiray Menes-Namar 3100 ka hor dhalashadii Nabi Ciise (C S ), taasi weeye sababta keentay iney Masar u diido dalalka koonfur ka xiga iney biyaha Niilka u isticmaalaan waraabka beeraha ,ayagoo aan ogolaansho ka helin Qaahira . Doodaha la xriira isticmaalka Niilka Xoghayihii hore ee Xisbiga dalka Kiinya ka taliya KANU , isla markaana ahaa wasiirka Tamarta Mudane Riyaala Odinga isagoo xubnaha baarlamaanka Kiinya kula hadlaya xarunta Baarlamaanka bishii Febraayo 2002 , wuxuu ku eedeeyey dowladda Masar iney biyaha Niilka u dhoofineyso lama degaanka Siinaay si ay halkaasi uga dhisato mashruuc lagu magacaabo (The North Sinai Agricultural development Project ) umana ogola Masar dalalka Harooyinka waawey iyo Itoobiya iney mashaariic horumarineed u isticmaalaan biyaha Niilka . Shir ka dhacay Nairobi oo biyaha looga hadlayey Maarso 2002 la taliyaha sharciga UNEP Profesaysar Charles Okidi oo arinta Niilka ka hadlayey wuxuu yiri : dalalka Bariga Afrika waa ineyan waxba ka soo qaadin heshiiskii 1929kii ee biyaha Niilka , waayo wuxuu heshiiskaasi dhacay xilligii gumeysiga Ingiriiska , heshiiskii 1959kiina wuxuu dhexmaray labo dal oo xur ah: Masar iyo Suudaan iyagoo aan la tashan dalalka kale ee ay khuseyso arinta biyaha wabiga Niilka . Mowqifka dalka Tanzaaniya wuu cad yahay waxeyna siisay dalalka ay khuseyso mushkilada Niilka iney muddo labo sano ku soo af jaraan wada hadallada lagu xallinayo khilaafka Niilka ,Wasaaradda Beeraha Tanzaaniya waxey magaalada Nyanza ka sheegtay heshiisyadii 1929 & 1959 ay xannibeen horumarka gobolka 1978kii waxey ka dhex qaraxday dalalka Masar iyo Itoobiya , markey dowladda Itoobiya soo bandhigtay qorshaha ay ku dooneyso iney biyo xireen ka sameysato biyaha wabiga ( blue Nile ) , ee ka yimaada dhulka buuraleyda ee Itoobiya , waana markuu madaxweynaha ugu awoodda badan gobolka Maxamed Anwar Saadaat ka digay dagaalka soo socda oo ay Masar qaadeyso inuu la xiriiro biyaha wabiga Niilka , wuxuuna yiri 1979kii : ( Haddii ay dhacdo iney Masar mar kale dagaal gasho , nooca dagaal ee ay galeyso waa dagaalka biyaha ) . 1988kii wasiirka arimaha dibadda ee Masar Butrus Butrus Qaali – ee xilli dambe noqday Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay – tallaabo dheeraad ayuu qaaday isagoo yiri : Dagaalka soo socda ee ka dhici kara Gobolkayaga waa mid la xiriira biyaha Niilka ee ma noqon doono mid siyaasadeed . 50kii sano ee la soo dhaafay waxaa jiray 37 dhacdo oo la diiwaan geliyey oo la xiriira dad isku laayey khilaaf ka dhashay isticmaalka biyo ee ka dhacay xuduudaha caalamiga, 27kaasi dhacdo mid ka mid ah waxey dhex martay Israa’iil & Suuriya oo isku kshilaafsanaa isticmaalka biyaha wabiyada Joordan iyo Yarmuuk . W/D: Chief Editot of Assiyaasa News Papers Xuseen Cali Cilmi. References.
AAN IDIN KU DUL NOOLAADO & AAN WADA NOOLAANO . Inta badan 12kii sano ee dagaallada sokeeye Soomaaliya ay socdeen waxaa Soomaaliya ku tartamayey kolka laga reebo Waddamada reer Galbeedka Masar iyo Itoobiya waa maxey sababta ?!!! waa su’aal da’ weyn oo madaxa daalineysa. Inteynaan ka jawaabin su’aashaasi Hordhac ahaan aynu dib ugu laabanno qeybo ka tirsan taariikhda Soomaalida : Xisbigii SYL ee ahaa Xisbigii u soo dagaallamay Xurriyadda Soomaliya, waxaa Xisbigaasi qorshayaashiisa ka mid ahaa in la raadsho 3da qeyb ee ka hartay ( NFD ,Ogaadeen ,& Jabuuti ) 5tii qeybood Gumeystayaasha reer Gabeedka ay u qeybiyeen dhu lweynihii Soomaaliya 1884 kii shirkii Baarliin . Jabuuti waxey ka xurowday Gumeysiga Faransiiska 1976 kii, waxey niyad jab ku ridday qorshihii lagu baadi goobayey Soomaali weyn markey ku dhawaaqday dowlad madax bannaan . Sannad ka dib 1977kii dowladdii keligii taliye Siyaad Barre ,oo cabsi weyn ka qabtay awoodda Millateriga Soomaaliya ee loo diyaariyey xoreynta dhulalka maqan ayaa wuxuu yareenta awooddooda uu uga faa’iideystay fulinta qorshahaasi ee lagu baadi goobayey Soomaali weyn , wuxuuna ammar ku siiyey iney ciidamada Qaranka ay ka barbar dagaallamaan Jabhaddii Xoreynta Soomaali Galbeed si Gobolka Ogaadeeniya looga Xoreeyo Xabashida . Hase yeeshee markii dhulka badankiisa la xoreeyey ayaa waxaa dagaalka soo galay dhowr dal oo xubno ka ahaa Isbaheysigii loo yaqiinay Waarso oo uu Midowgii Soofiyeedka horkacayey, waxaana ka mid ahaa 2 dal oo Carab ah . Itoobiya ina ma jebin ee waxaa is wada jir ah inoo jebiyey Waarso & Naato , qolada hore xoo ayey inagu maquuniyeen , Naato-se qaab diblomaasiyadeed ayey inagu jebiyeen iyagoo inoo adeegsaday wejiyo badan oo ay ka mid tahay IMF oo ay inagu dalbadeen ,keligii taliyaha isaguna gacan weyn ayuu ku lahaa . Ciidamadii Soomaaliya waxaa lagu khasbay iney dib uga soo baxaan dhulkii ay qabsadeen , keligii taliye Max’ed Siyaad Barre wuxuu amray taliyeyaashiisa qaar ka mid ah iney toogtaan raggii ugu khibrad badnaa intii dagaalka lagu jirey , saraakiil badan ayey Jeneraal Max’ed Nuur Galaal & Jenaraal Salxaan ku dileen safka hore ee dagaalka & magaalada Hargeysa . Ciidamadii Soomaaliyeed oo ka dabaakhtamaya Jaalayaashood aan waxba galabsan ee lagu laayey magaalada Hageysa iyo safka hore dagaalka iyo iyagoo ka careysan ka soo bixiddii dhulkii la xoreeyey waxey ku dhaqaaqeen 9 April 1987kii Afgembi markii dambe dhicisoobay . Saraakiishii ka badbaaday qabqabashadii & laynii Inqilaabayaasha waxey u kala baxsadeen dalalka Keenya iyo Itoobiya oo ay ugu dambeentii halkaasi ka aasaaseen jabhaddii ( SSDF ) ugu horreysay oo dagaal hubeysan kala hortimaadda dowladdii Keligii Taliye Max’ed Siyaad Barre .waxaa dabadeed sameysmay jabhado kale : SNM ,SPM ,USC iwm , oo dhammaantood ku saleysan hab qabiil ,waxaana taa ugu wacnaa dowladdii kaligii taliye Max’ed Siyaad Barre oo qabiilkii wax dareemaba xasuuqaysay wax garadkooda ilaa ugu dambeyn ay dhacday dawladdii Soomaaliyeed 26 Jannaayo 1991. Waxaa ka dambeeyey 12 sano dagaallo sokeeye oo dalka aafeeyey , waxey dagaalladaasi dhaxalsiiyeen ummadda Soomaaliyeed xasuuq dad aan waxba galabsan ,dhac, kufsad , baro kicin iwm . waxaa la qabtay ilaa dhowr iyo 10 shir oo dhammaantood fashalmay , waxaana ugu wacnaa kuwii ka dambeeyey musiibadii ka dhacday Soomaaliya oo hor boodaya shirarka dib u heshiisiinta , si ay u helaan wax magac dowladeed leh oo ay ku difaacdaan dhulalka ay xoogga ku heystaan , taasoo iyaga madax ka yihiin sida tii Cabdi Qaasim ee Carta lagu soo dhisay Agoosto 2000 kii . Damacaasi xun waxaa ku taageerayey dalalka Carabta Guud ahaan gaar ahaan Masar iyo Sacuudiga oo ku canaantay sababta uu wafdiga kooxda Carta ugu diray dalka Kiinya si ay uga qeyb galaan shirka dib u heshiisinta Soomaalida ee Eldoret Keenya hadda ka socda . Waxaa xusid mudan iney maamul goboleedyo ay ka dhismeen gobolladii Waqooyi Bari & Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ( Puntland iyo Somaliland ) , inkastoo Somaliland ay sheeganeyso goosasho ayan weli aqoonsi u helin . waxey labadan maamul ka sameeyeen degaannada ay ka taliyaan nidaam & kala dambeeyn , adeegyadii dowladdana wey soo celiyeen , taasoo ah tusaale ay ku dayan karaan gobollada Koonfureen ee Soomaaliya , si ay iyana u sammeestaan maamullo u saamaxa ugu dambeyn iney Ummadda Soomaaliyeed isugu timaaddo Xukuumad Federaal ah . AAN IDIN KU DUL NOOLAADO(Gunnimo) Dowladda Masar aad ayey uga xumaatay dhismayaasha maamul goboleedya ka sameysmay Soomaaliya , waayo nidaamka Federaaka oo Soomaaliya ka hergala wuxuu dhaawacayaa siyaasaddeeda gobolka Geeska Afrika oo ah in la helo dowlad Soomaaliyeed oo hal meel looga taliyo ,taasoo ay u adeegsato difaaca biyaha wabiga Niilka ( Blue Nile ) ee ka yimaada buuraha dalka Itoobiya , iyadoo ka baqeysa iney Itoobiyaanka ay biyo xireen ka sameestaan biyaha wabigaasi , si ay uga faa’iideystaan biyaha ka soo dega buuraha dalkooda. Masaarida waxey inagu beer jilicsaneysaa Masiixiyiinta Itoobiya la dagaallama oo ka dhacsada dhulkiinna Soomaali Galeed , ayadoo aan ognahay in Masar iyo dalal kale oo carab ah ay safaarado ka furteen dalka Israa’iil , iyo iney labada dhinac uu dhex maray heshiis nabad kuwada noolaansho.Haddaba sidey inooga dhaadhicin kartaa Masar wax heshiis nabad gelyo ha la gelina dalka Itoobiya , xittaa haddii dawladda Itoobiya ay UN-ta ku wareejiso arrinta killinka 5aad , si afti looga qaado dadka Soomaaliyeed ee degan Killinka 5aad oo ku saabsan Masiirkooda dambe waxa ay ka damacsan yihiin , Masar raalli kama aha arintaasi waayo waxey arintani soo afjareysaa Riwaayadda ay Masaarida u dhigto Ummadda Soomaaliyeed oo ay ku dooneyso dhiigga ubadkayaga Soomaaliyeed inuu waraab u noqdo Fuulka & Ceyshka uu shacabka Masar ku nool yahay .Wiilashayada siisan meyno: Qori Xakiim,macallimiinta AL-Azhar ,iyo saraakiil ciidan oo ay Masar inoo tababarto , diyaarna uma nihin iney taageerno dulmiga Masar ay ku heyso dalaka harooyinka Waaweyn & Itoobiya . Masaarida waxey is illowsiineysaa in labada wabi ee Soomaaliya mara ee Jubba iyo Shabeelle iney iyana ay ka yimaadaan dhulka buuraleyda ee Itoobiya , haddii aynu u dheg raaricinno damac xumida Masaarida oo aynu dagaal aan macnihiisa la garaneyn la galno Itoobiya , si aynu Masar ugu difaacno Biyaha Niilka , yaa innaga inoo difaacaya biyaha wabiyadeenna Shabeelle & Jubba haddii Itoobiyaanka leexsadaan , awdaan ama ay biyo xireen ka sameystaan ?!!!, waxey kaloo Masaarida is illowsiineysaa iney Ummadda Soomaaliyeed ka ogalaaneyn Masar wixii ay ka diidday gumeystayaashii reer Galbeedka oo aheyd Aan idin ku dul noolaado . Masar iyo dalalka Carabta ee howshan la wada inagama xigaan diinta Islaamka , wakiilna inooga ma aha , iyaga seef ayaa lagu islaamiyey annaguse si nabad gelyo ayey Diinta Islaamka inagu soo gaartay , inteeyan magaalada Madiino gaarin ka hor, waxeyna aheyd Hijradii 1aad markey qaar Asxaabta Rasuulka (scw) oouu Jacfar Bin Abii Daalib ka mid ahaa markey u soo qaxeen dhulka aynu maanta ku nool nahay oo markaa loo yaqiinnay ( Ardul xabasha ) . Sidaa aawadeed waa ineynu ku faanaa arintaasi , oo aynu dhowrnaa dhaxalka awoowyadeenna & Mad-habta Shaaficiyada ee ay ina soo gaarsiiyeen , waa ineynu isku kalsoonaano oo aan nafsaddayada xushmeyno si aynu u kala garanno codowgayaga iyo saaxiibkayaga , ka fogaano taageeridda nooc kasta oo dulmi ah , sidoo kale waa ineynu ka digtoonaano calooshood u shaqeystayaalka Argagixisada ah ee u adeegaya danaha Carbeed ee gobolka Geeska Afrika . Wakiillada heyadaha samafalka Sacuudiga ee dalka Soomaaliya loo soo diro inta badan waa jawaasiis u yimi dalka iney fuliyaan danaha Sacuudiga ka leeyahay Soomaaliya oo ay ka mid tahay abuurista iyo taakuleynta kooxaha argagixisada, jawaasiistaasi inta badan culimo ayey isu ekeysiiyaan garka wey daayaan ,maryahana wey gaabsadaan sidii Itixaadka oo kale . Istiraatiijiyada Carabta ee gobolka Geeska Afrika haddii ay tahay mid ay iyaga oo qura ay dani ugu jirto innagana ina wax yeelleyneysa waa ineynu ku gacmo seyrnaa taageeriddeeda, haddiise ay tahay mid aynu kuwada daneysaneyno waa ineynu gacmo furan ku soo dhoweynaa . waxaase nasiib darro ku noqday Ummadda Soomaaliyeed hoggaamiye kooxeedyo damac xun oo u dheg raaricinayey damca Masaarida laga bilaabo 1997kii markuu shirkii Qaahira billowday ilaa iyo maanta oo uu u gu dambeeyo hoggaamiye kooxeedka beesha Ceyr Cabdulqaasim Salaad xassan . Waxaa arrimahan daba socday kooxo argagixiso oo shaar diin huwan oo u adeegaya damac xumida Masaarida & sacuudiga oo isaga qorshihiisu yahay ineyan Soomaaliya ka dhalan dawlad Shidaalka u soo saarta Soomaalida , kooxahaasi waxey AL-Islaax oo Masar looga taliyo,iyo AL-Itixaad oo Sacuudiga looga taliyo , waxaa la yaab leh labadan dal waa Masar iyo Sacuudiga dalalkooda waa ka mamnuuc iney Ururadan ka howlgalaan dalalkooda , balse waxey u adeegsadaan iney difaacaan istiraajiyadooda siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ee gobolka Geeska Afrika . Kooxahan argagixisada waxey isu arkaan iney iyaga mas’uul ay ka yihiin Diinta Islaamka qofkii iyaga ka hor yimaada ka markuu arko dhaqan xumidooda & cidda ay u shaqeynayaan wey gaaleysiiyaan si fool xunna wey ula dirian hadduu iyaga ka mid ahaan jirey iyo haddii kaleba . Waxey ka siman yihiin u adeegista qorshaha Masaarida iyo ta Sacuudiga ee ka dhanka maslaxadda iyo jiritaanka UmmaddaSoomaaliyeed ,iyagoo u huwinaya shaar diimeed . AAN WADA NOOLAANO (Gobannimo). Ujeeddada Itoobiya ee xal u helidda Mushkilada Soomaaliya waxey tahay labadan qodob ee hoos ku qoran : 1- Xagga Amniga: Iney Soomaaliya ka dhalato dowlad mamnuucda in saldhigyo laga siiyo jabhada dowladda Itoobiya ka soo hor jeeda , iyagana dhankooda ay ballan qadaan ineyansaldhig siinin jabhad kasta oo ka hor timaadda dowladda Cusub ee Soomaaliya mustaqbalka dhow & ka dheerba 2- Xagg dhaqaalaha :Iney xeebaha soomaaliya ka dhoofsadaanGaaska Killinka 5aad ee Itoobiya, taa beddelkeeda annguna canshuur ayaan ka heleynaa .waa aan wada noolaano. Haddaba aynu kala doorano Gunnimo & Gobannimo DOOR ARGAGIXISA AL-ISLAAX
EE HURINTA COLAADAHA SOOMAALIYA Masraxa Siyaasadda ee Shirka Eldoret , Fadeexooyinkii La Soo Darsay IGAD Technical Committee & National Resource Committee qaar ka mid ah . Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka furmay magaalada Eldoret ,dalka Keenya 15kii Oktoobar , 2002 wuxuu soo maray heerar kala duwan ayadoo siyaasadda Soomaaliya ay ku tartamayeen kooxaha SRRC iyo Carta , markuu shirka in muddo ah socday oo kooxda Carto ay u muuqatay mid sii shiiqeysa ayaa wakiillada dalaka Carabta shirka u jooga , gaar ahaan wakiilka Masar,Ururka AL-Islaax & wakiilka Talyaaniga ay abuureen koox lagu magacaabo Group 8 ama G8 oo ay horkacayaan labo hoggaamiye kooxeed oo markuu shirka furmayey uu muuqday kuwo niyad jabsan , waxeyna labadaasi kala yihiin : Cusmaan Caato oo goor hore yiri : (Ilaa aan ka takhaluso hoggaamiyeyaasha beelaha USC oo aa noqdo midka qura ee metela beelaha USC oo cadka USC ay ku yeelaneyso dowladda dhalan doonta aan anigu qaato , ka deyn maayo qaska iyo labka shirarka dib u heshiisiinta Soomaalida ) . Hogaamiye kooxeedka 2aad waa Max’ed Qanyare oo isna idaaca BBC-da ka yiri : ( Jabuuti kooxda Carta ayey wadataa ,Itoobiyana kooxda SRRC ,Kiinyana waxaan u maleehaa iney underline-ka cayaareeydo ). 1- GROUP 8. -G8 waxey ka kooban tahay hogaamiye kooxeedyada kala ah :Cusmaan Caato , Max’ed Qanyare , Mowliid Macaane , Cumar Finish , Barre Hiiraale ,C / Rasaaq Isaaq Biixi & sheekh Aadan Madoobe . -Kooxdan shaqadeeda waxey aheyd iney caqabad ku noqoto shirka ilaa uu ka burburo waana arin ay isku dhaarsadeen haddiiba ay u soconeyso , iyaga C / Qaasim xiriir ayaa ka dhaxeeya waxeyna isku ogaayeen sidii u soo cusbooneysiin lahaa dagaalladii sokeeye oo uu weerar ku qaado Gaalkacyo, Jowhar , Gedo iyo Jubooyinka , si ay weeraradaasi iyo caqabadaha G8 ay shirka Eldoret ka wado ay sabab ugu noqondaan burburka shirka . 2- USC-daMUQDISHO & JAALLE DAAROOT Dalalka ku howlan burburinta shirka , AL-Islaax , kooxda Carta & Cusmaan Caato waxey billaabeen wejiyo kale oo ay is leeyihiin burburinta shirka ayey wax ka tari kartaa , intaa ka Cusmaan Caato oo ah u qeybsanaha fulinta howshaasi wuxuu billaabay isagoo adeegsanaya wejiyadiisa faraha badan mid ka mid ah abuurista 2 kooxood oo kala ah :
Hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho . Hogaamiye kooxeedyada Muqdisho oo ay kooxda Carto ka mid tahay sida : Xuseen Max’ed Ceydiid , Muuse Suudi Yalaxow , Max’ed Qanyare , Cumar Finish , Iyo Cusmaan Caato ayaa heshiis nabadeynta Muqdisho ku kala saxiixday Hotel Sirikwa Eldor,kiinya ,2dii Disembar , 2002 waxeyna ssheegeen iney dekadda iyo gegida Muqdisho furayaan . Jaalle Daaroot Waa koox u dhisan nooca Daarootka Kacaankii 21kii Oktoobar uu raalliga ka ahaa oo kale , aasaasayaasha kooxdan waxa weeye : ash-khaas waayey kalsoonidii beelahooda kana fallaagoobay sida : SNF-ta Galgaduud , Axmed Cumar Jees , Axmed xaashi , fallaagada Puntland , & Daarootka Carta . waxey kooxdan isugu jirtaa laba qeybood oo kala ah : kuwo martiqaad rasmi ah heysta , iyo kuwo aan wax martiqaad heysan sida kuwa ku dacwoonaya iney yihiin Isim oo wejiyo badan , markey doonaana sheegta siyaasi sida Kiinkoon oo kale . Labada koox waa Hoggaamiyeyaasha Muqdisho & Jaalle Daaroot hadafka u qarsoonaa ee dib laga ogaaday waxa weeye : -Hogaamiye kooxeedyada Muqdisho : waxeynu aadeynaa Muqdisho si aynu u soo furno dekadda & garoonka Muqdiaho si aawadeed waxeynu Mujtamaca caalamka ka codsaneynaa iney nagu saacidaan lacag dhan US$100,000 oo Doolar iyo diyaarad ina geysa Muqdisho si ay inoogu suura gasho furidda dekadda iyo gegida diyaaradaha Muqdisho .
Nin ka mid ah malleeshiyada Aakhiro Moog oo la qabtay isagoo dhaawac ah intii ay socdeen dagaalladii Waldeen , markii la weydiiyey sababtii ku kalliftay inuu ka qeyb qaato weerrarada lagu soo qaaday Waldeyn – isagoo ah nin abti loo yahay isla markaana ahaa Imaamka Masjidka Dhoobley- wuxuu ku jawaabay Shiikheyga Ibraahim dasuuqi ayaa ii iftooday in dagaalkani yahay Jihaad,markey malleeshiyadii gacanta ku heysay ay warkaasi maqleen ayey caro aawadeed dhaawicisii is raaciyeen . Dagaallo is riix riix oo qoloba markeyd laga saaro Wadeyn ,ugu dambeyn waxey Waldeyn ku wareegtay gacanta malleeshiyada Waamo, intii Aakhiro Moog ay gacanta ku hayeen Waldeyn waxey jabhadda gubtay guryihii degaanka si dadkaay u baro kacaan uguna adkaato iney dib ugu soo laabtaan , intii ay socotay gubashada guryaha Waldeyn sawirro ayey ka qaadeen waxeyn siwirradaasi u soo gudbiyeen wakiilka AL-Islaax dalka Kiinya u fadhiya Daahir Sheekh Axmed Abuubakar waxeyna ku heshiiyeen in sawirada degaan Waldeyn oo gubaneysa loo gudbiyo Hey’adda UNHCR lana caaciyo qoraal loogu sheegayo UNHCR-ta in deegaan la gubay uu yahay Hoosungu malleeshiyo Absamena ay falkaasi ka dambeysay si xubnaha AL-Islaax ee Kenya ku nool ay dib u dejin uga helaan dalalka Reer Galbeedka , isla marka ay sawirrada iyo qoraalka lagu lifaaqay ay geeyeen xarunta UNHCR iyagoo laga dhigay dadkii guryahooda la gubay lana baro kiciyey , waxaa ka war helay Somali Human Rights Organization oo qoraal ay arintaasi ku beenineyso u gudbisay UNHCR , waxaa halkaasi ku beenowday arintii ay AL-Islaax wateen oo aheyd iney hal dhagax ay labo shimbir ku dilaan oo ah iney dad meel deggan intey weerar ku qaadan oo guryahoodana gubaan ,isla markaa ay iyagii wax gubay ay Caalamka ugu baryo tagaan . Dagaaladii Aakhiro Moog & SNM /South Agagaarka degmada Jamaame waxaa dhowr jeer ku dagaallamay Jabhadda Aakhiro Moog iyo beesha Biyo Maal ,dagaalladaasi ooay dad badan ku hoobteen ayaa wuxuu reebay utun si is ugaarsi iyo shirqoollo in muddo socday;Tusaale :Isbaarada Aakhiro Mooge ee Tuullada Xaramka waxey u adeegsadeen meel ay ku ugaarsadaan dadka soctada ee u dhashay beesha Biyomaal ee u kala safraya Muqdisho , iyo Jubbada Hoose ,iyagoo gawaarida kala dega , dadka ay shirqoolka ceynkaasi ay ku dileen waxaa kamid ah Sheekh Cabdi Raxmaan Sheekh Barre oo bil Ramadaan sannadkii 2000 ay gaari kala degeen isagoo u soo socday degmada Jamaame halkaa ayey ku dileen . Doorka Al-Islaax ay ku lahaayeen aasaaska kooxda Carta Shirka Carta eesida la sheegayaa damacsanaaa in dowlad Soomaaliyeed halkaa lagu soo dhiso kooxda Argagixisada ee AL-Islaax waxey ku bixiyeen doorashadii C/Qaasim 2milyan oo doollar , iyagoo aaminsanaa sidii Xassan Turaabiga Suudaan iney dhisi karaan dowlad ay ay daaha gadaashii ka maamuli karaan oo Zaciimu Ruuxi u yahay guddoomiyaha AL-Islaax ,waxey ka heleen dhowr mudane baarlamman oo ay ka mid yihiin : Ibraahim Dasuuqi iyo Cali Baashi Dagaalladii dhexmaray kooxda Carta iyo Hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho qaarkood. Dhowr dagaal ayey kooxda Carto ku qaadday hoggaamiye koxeedyada Muqdisho ee kooxda Carta ka soo hojeeday ,oo aan looga baran iney isu gurmadaan waxaana hoggaamiye kooxeedyadaasi ka mid ah Xuseen Ceydiid iyo Muuse Suudi Yalaxow iyo max’ed Qanyare Afrax ,dhammantood weerraradiikooxda carta ay ku qaadday kooxaha aynu soo sheegnay wuxuu Ururka AL-Islaax taakulo dhaqaalo la garab taagnaa kooxda Carta si ay uga takhalusto kooxihii ka soo horjeeday . Doorka AL-Islaax ay ku lahaayeen burburkii Punt land . Ururka AL-Islaax isagoo garab taagnaa kooxda Carta & dalalkii ku lug lahaa shirqoolkii lagu burburinayey maamul-goboleedka Punt Land waxey bixiyeen lacag dhan US$200,000 oo Doolarka Mareykanka . Sababta ku kalliftay iney ka qeyb qaataan burburka Punt Land waxa weeye ;waxeyan raalli ka aheen nidaamka Federalka oo Somaalida 99% ay raali ka tahay , Caalamkuna u arko qaabka Soomaaliya Nabad & kala dambeyn loogu soo celin karo , sababtoo ah nidaamka federaalka danaha AL-Islaax ee Soomaaliya ayuu ka hor imanayaa , maxaa yeelay hoggaanka sare AL-Islaax uma aysan dhalan dalka Jamhuuryadda Dimoqraadiga Soomaaliya oo dalkooda waa Killina 5aad Itoobiya , nidaamka Federalka waxaa shardi ah inuudad iyo degan soo doortaa ay jiraan ,qofkii aan intaa isku heli kari oo kooyto colaad ayuu u qaadayaa ciddii aaminsanna wuu la dagaallamayaa . Qaababka AL-Islaax ay dadka diinta uga fidneeyaan Sheekh Axmed Qudubi wuxuu meelo fagaaro ah ku aflagaadeeyey Xijaabka dumarka oo ay shareecada Islaamka waajib ka dhitay ,sidaasoo kale Ibraahim Dasuuqi wuxuu aflagaadeyey Nabi Maxamed (scw) isagoo yiri anigu waan ka xishoon lahaa haddaan ahay Nabi Maxamed (scw) inaan guursado gabar 9 jir ah ,isagoo uga jeedo Nabiga (scw) uu guursaday Caasha binti Abubakar iyadoo 9 jir ah , wuxuu kaloo fara geliyey caddaaladda Eebbe ee ku saabsan habka Eebbe Qur’aankiisa inoogu sheegay ee ku saabsan dhaxalka iyo diyada dumarka waxa ay xaq u leeyihiin kolka lala barbar dhigo ragga ayadoo Ibraahim Dasuuqi uu ku tilmaamay Eebbe inuu quursaday dumarka oo uusan xaqooda siinin Arrimahaasi oo idil kama ayan hor istaagin in ku daritaankii ay hey’adda International Crisis Group ay ku dartayIbraahim Dasuuqi Liiska argagixisada caalamiga . Eebbe wuxuu yiri : ( Ma Eebbe ,Aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa ayaad ku jeesjeeseysan ,is dhab ah ayaad u gaalowdeen markaad rumeyseenka dib…….) A ttoba ( ) Sayid Maxamed Cabdulle xassan ooka hadlaya qolo kuwan la mid ah ayaa yiri : ( Nimaan sharaxa diineed sheynaba ka suureyneyn * Haddii aad u sheegtana shaqfadloo aan garaneyn* Adiguna aad shiikh tahay ,isaguna sharmuud yahay * Oo kula shikaayoon illeen waashiddo iyo hoog )
Muqaalka dhabta ah ee shirka Eldoret & doorka mideysan eewakiillada carabta & Argagixisada Caalamigaee ku wajahan marin habaabinta shirka
©ASSIYAASA
NEWS
PAPERS
Contact: webmaster@mudugonline.com Copyright © Mudug Online 2001
|