hosted by tripod
Get Four DVDs for $.49 each. Join now. Tell me when this page is updated

 

Wararka Mudugonline

Sawiro aad u bilicsan oo laga soo qaaday dhamaystirkii Puntland Community College [MOL, 31 May 2002]

Waxaa noo suuragashay in aan idinla qeybsanno bilicda masawiro aad u heersareeya oo laga soo qaaday Puntland Community College oo dhawaan laga hirgaliyay magaala madaxda Puntland ee Garoowe, Mashruucaan oo ay fulintiisa iska kaashadeen jaaliyada Puntland ee dibada guud ahaan, Jaaliyada gobolka Nugaal iyo Haya'ada Diakonia ee Sweden, waxaa hawsha gudaha fuliyay ururka Kaalo oo ah urur wadani.

Hawshaan oo socotay intii waqti ah(halkaan ka arag marxaladihii hore) waxaa jaaliyada dibada hawshaas dhabarka ugu ritay iskuna xiray jaaliyada iyo masuuliyiinta hawsha gudaha ka waday Madaxa Uruurinta Tabarucaadka Puntland Community College ee Jaaliyada Dibada Mudane
C/Risaaq Karod, oo reer Ottawa ah.

Qofkasta oo arkay sida qurxoon ee hawshaani ku dhamaatay ayaa dareemay inta uu le'ekaan karo waxtarka Jaaliyada dibada ee Puntland haddii si niyadsami ah loo wada hawl galiyo qaybaha kala duwan ee bulshada. arintaan ayaa mudan ku dayasho lagana helay dhiiri galin weyn.

sharax dheeri ah sidii aad si fiican ugu wada arki lahayd masawirada.
Masawirada waxaa lagu sameeyay Microsoft powerpoint oo loo rogey WEB format, markaat gashid boga waxaa dhinaca Bidix kaa qabanaya tirada ama numbers-ka masawirada oo gaaraya laga bilaabo 1-31, midigtana waxaa kaa qabanaya sawirka aad markaas eegaysid iyo sharaxiisa, waxaa u dhaxeeya sawirka iyo numbers-ka "Scrol bar" aad hoos u wadi kartid. waxaa hoosta Tool bar-ka ku yaalo "next or back slideshow arrow" si aad horey iyo gadaalba ugu socotid uguna aragtid sawirkaad rabtid. waxaa intaas kuu dheer waxaad ku duwaan kartaa slideshow-ga oo dhan sidii video oo isagaa is wadaya oo hadba sawir kuu soo saaraya, masawir walbana kuu weynaynaya, waxaad taas ka sameyn kartaa dhinaca hoose ee isla tool bar-ka midigtiisa waxaa ku qoran " Slideshow" hadaad gujisid waxaa kuu soo bacaya "Fullscreen" oo waliba sidii video-gii iswada oo isasocodsinaya oo aadan u baahnayn in aad gujisid.

GUJI HALKAAN

Aradada College ayaa isku dubariday slideshow-ga.

 

waxii faahfaahin dheeri ah iyo sida aad uga qeyb qaadin kartid dhamaystirka waxii ka harsan hawlaha Puntland community College fadlan la xiriir C/risaaq Karod

 

 

Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001