Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Faahfaahin ku saabsan dagaalkii lagu hoobtay ee Xeraale

MOGADISHU, 16 Dec 2003 (MOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada xeraale ee gobalka galgaduud waxay shegayaan in saakay saacaddu markay ahayd 6-dii subaxnimo waqtiga geeska afrika uu halkaas dagaal aad culusi ku dhexmaray labada beelood ee mareexaan iyo Fiqimuxumd(Dir), ka gadaal markii beeli soo qaaday duulaanka ayadoo aan ku qanacsanayn waan waan ay ka dhexwadeen masuuliyiin iyo waxgarad kale oo la degan degaanka .

Wararka lagu helayo fooniyaha waxay sheegayaan in ugu yaraan 45 qof ay ku dhinteen dagaalkaas, in ka badan 75 kalena ku dhaawacmeen, waxay kaloo sheegayaan wararku in dagaalka loo adeegsay hubkii dowladii hore oo ay kamid yihiin beebayaal iyo gawaarida gaashaaman, ayadoo mid ka mid ah beelaha halkaas ku dagalmaya ay maanta saxaafadda usheegtay inay ka qabsadeen waxay ugu yeereen kuwii soo duulay 4 beebe iyo hal dhesheeke, iyo ugu yaraan 20 qoryaha fududa.

Sida laga warqabo dagaal dad badani ku riiqdeen ayaa labadaas beelood ku dhexmarayay aagaas, kaasoo markiisii hore ka bilowday aano qabiil oo nin ganacsada ah lagu dilay magaalada Caabudwaaq, taasoo waxba kasuuroobi wayday dhexdhexaadin ay isku xilsaareen culumaaudiin iyo waxgarad isxilqaamay, dagaalka maanta ayaa lagu tilmaamay kii ugu kharasaaraha badnaa tan iyo intii ay beelahaasi coloobeen horaantii sanadkan.

Cabdi Xasan Mudugonline.com/Muqdisho


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.