[2003/March/_includes/slogan.htm]

Wararka Mudugonline

Xulashadda Buuggaagta
Dal Dad Waayey & Duni Damiir Beeshay: Soomaaliya Dib Ma u Dhalan Doontaa?
Dr. Maxamed Daahir Afrax

Buugga cinwaankiisu kor ku xusan yahay waa buug cusub oo uu qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax. Alifuhu, buuggiisan cusub wuxuu ku qoray af-soomali, wuxuuna u qoray sida uu sheegay ummadda Soomaaliyeed. Waxaan akhriyey in ka badan 82 buug oo laga qoray ummadda Soomaaliyeed iyo Soomaaliyaba, welina ima soo marin mid farriinta, faaqidaada, macluumaadka iyo tallo-bixinta uu xambaarsan yahay buuggan cusubi lala meel dhigi karo ama uba soo dhowaan kara, waxaanan ku qiimeyn lahaa buuggan cusub ee Dr. Afrax in uu yahay buuggii ugu wacnaa ee laga qoro Soomaaliya ilaa & intii la bilaabay in wax laga sheego ama qoro dhacdooyinkeedii hore, dhexe iyo kuwa immika taaganba.

Buuggani waa buug ay maskaxdu ku muraaqiboonayso ayna adag tahay in akhriskiisa laga caajisaa ilaa la dhameeyo, waana buug ay darfihiisa midiba mid kuu dhiibeyso. Waa buug u saabsan si isku dheeli tiran, macluumaadka ku qoranina ay min bilow ilaa dhamaad isku duluc iyo ujeeddo yihiin. Waa buug ku qoran luuqad macaan, naxwihiisuna xaskulan yahay, la iskuguna alkumay si aqoon iyo xirfad farshaxanimo suugaaneed ahi ku dheehan tahay.

Dr. Afrax, waxa uu caddeynayaa isagoo dhacdooyin badan oo waaqici ah u adeegsanaya in Soomaaliyi gablantay, dalkeediina uu ku dhacay “Dhamballan & Dhaxal-wareeg.” Wuxuu qoraagu ku saleeyey afkaartiisa “Qaranimo” wuxuuna iska baabay oo uu sadarada qormooyinka buuggiisa ka dhawray aragtida Soomaali dubatay, daleeshana ku furtay ee “Qabyaaladda.” Fahamka akhristaha buuggan “Dal Dad Waayey & Duni Damiir Beeshay: Soomaaliya Dib Ma u Dhalan Doontaa?, waxaan isleeyahay waxaa jiheyn doona hadba nooca uu akhristuhu u jiran yahay. Haddii uu u jiran yahay qabiil, macne badan uma sameyn doono; haddiise uu u jiran yahay qaranimo wuxuu u bidhaamin doonaa “waxa qaran yahay iyo waajibaadka uu ka sugayo muwaadinkiisa”.

Waxaa kaloo saameyn weyn ku yeelan doonta nooca uu akhristuhu buuggan u fahmi doono hadba heerka ay joogto “garashada, garaadka iyo aqoonta akhristahaasi”. Waxaa suurta-gal noqon karta in dad badan uu ku adkaado fahamka buuggani immika, laakiin shan ilaa toban sano kabacdi markii laga baxo jaha-wareerka immika taagan uu macne weyn iyo bidhaan cusub u yeesho.

Buuggani wuxuu soo xiganayaa waayo-aragnimooyin badan oo laga dhaxlay tubtii uu hayey qarankii Soomaaliya xoriyada dabadeed iyo dhacdooyinkii waadixiga ahaa ee gelinba uu mid ka ag-barooranaayey qarankaas gablamay; wuxuu muujinayaa tusaalooyin badan oo tibaaxaya halkii laga bukey, caynkii wax looga qaban karey iyo fursadihii daaweynta ee la garan kari waayey in la isticmaalo intii goori-goor ahayd iyo ugu dambeynta bareere cad oo uu alifaha buuggu kaga talo-bixinayo halka ay daawada iyo daaweyntu immika jirto. Inta aan ka ogahay, ma jiro buug kale oo uu qoraa Soomaaliyeed ku cadeynayo bareerihiisa ama uu ku tilmaamayo halka ay la tahay in uu xalku jiro.

Waxaa la odhan karaa Dr. Maxamed Daahir Afrax, wuxuu u furay tub cusub dhamaan aqoon-yahanka Soomaaliga ah ee buuggiisan dabadii wax ka qori doona qadiyada ay ku sugan tahay ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo qoraagu u sameeyey erey-bixin waafi ah hanfida darbada kulul ee siyaasada Soomaalidu midba xilli harsato; tusaale ahaan, waxaanu maqalnaa in badan “Civil society”, buugga dhexdiisa waxaad kala soo bixi kartaa in ay yihiin kooxaha rayidka ahi kuwa ku yeelan kara dhaqanka, siyaasada iyo waayaha guud ee ummadda saameyn la dareemi karo sida kooxaha fanka, hal-abuurka, culumada diinta iyo qorayaasha oo kale. Waa koox haddii ay mid ka mid ahi suubiso tuduc suugaaneed ama qaacido la mid ah noocuu doonaba ha ahaatee saameyn toos ah lana dareemi karo ku yeelan karta dhegeystayaashooda, maxsuulkoodana dhakhso loo arki karayo.

Ogow, kooxdani waa shar iyo khayr hadba kii ay iskugu dubmaan oo haddii ay wanaag wax u abbaarana dad badan ayey fahamsiin karaan baahida wanaagaas, haddii ay xumaan iskugu dubmaana waa halis oo dad badan ayey jiidan karaan oo ay qarka ka daadin karaan. Markii hore waxaad arkeysay in ay kooxdaas rayidka ahi iskaga kaaya qasantay oo ay bartanka u fariisteen siyaasiyiintii iyo dagaal-oogayaashiiba iyagoo ka faa’iideysanaya hadba fursadii jirta ee ay faruhu dufansan karaanba.

Fiiro-gaar: Sida aan u dhigay erayada ku saabsan weedha kore ma ahan sida aad uga dhex heli doonto buugga sadaradiisa laakiin waa faham guud oo iiga dhex ifay.

Dal Dad Waayey & Duni Damiir Beeshay: Soomaaliya Dib Ma u Dhalan Doontaa? Waa buug sababi doona in maskaxo badan oo dihini da’aan oo ay iyagoo ka dhiganaya fursad iyo nasteexo la bah ah afkaaraha buuggan ay si sahlan inta samaha u bugtaa ra’yi-wadaag iyo dood wadaagba u noqon doonaan. Waxaa kaloo mudan in la tibaaxo in uu buuggani garaad-carbis (Intellectual Exercise) u noqon doono akhristayaal badan.

Waxaa kaloo ah yididiile iyo furin marin haboon oo aan cid kale hore loogaga baranin ujeeddada ugu muhiimsan ee uu tibaaxay alifaha buuggani ahna in la helo “ra’yi-curin” isku xirta kooxo maskax furan oo Soomaaliyeed kana xor ah dhamaan caadifada iyo hanfadka ku dhisan nin-tooxsiga, qabiil-u-doodka, qaran-duminta & habowga wadareed  oo noqda dood-wadaag xitaa haddii ra’yigoodu ku kala duwan yahay nooca ay afkaartooda u soo gudbinayaan. Waxaa hubaal ah haddii la hello kooxaha caynkaa ah in ay soo bixi doonaan dad badan oo afkaarta iskaga mid ah ama isku dhimriya oo danta guud meel uun ka wada arka.

Waa taas horee hadday dhabowdo waxaa xor laga noqon doonaa kooxo badan oo immika meel la iskaga riixo la garan la’yahay, waxaana imman doona in kooxaha uu buuggani himileynayaa ay noqdaan kuwo leh cudud mideysan (Unitary Force) oo xitaa haddii loo baahdo kacdoon wadaniyadeed (Nationalistic Revolution) kaga hortaga kuwa danta gaarka ah leh sida dagaal-oogayaasha & daroogo-quutayaasha (caroogo-quutayaasha) oo kale.

Mr. Anwar Mohamed Dirie
Gobaad Socio-cultural & Literary paper
Mudugonline.com


BANDHIG BUUG
London, England

Dadka jecel akhriska iyo aqoon-faafinta waxaa loogu bishaaraynayaa in qaban doono Bandhig Buugaan aan maanta ku soo qaadanay xulashada buugaagta. Waxaa curiyey qoraaga caanka ah, Dr. Maxamed Daahir Afrax oo aad hore uga barateen sheekooyin xiisa leh iyo qoraallo cilmiyeed oo u badan dhanka cilmi-baarista dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Buuggan cusub wuxuu aragti cusub ku lafa gurayaa dhibaatada Soomaalida ku habsatay iyo waddada loo mari karo xal-raadin ka duwan dhalanteedka lagu hungoobay dhawr iyo tobankaan sano.

Qofkii doonaya in uu ka faa'iidaysto, waxaa la ogeysiinayaa in la qaban doono Xaflad aqoon-wadaag ah oo lagu soo ban-dhigi doono buugga laguna falanqayn doono arrimaha uu xambaarsan yahay. Taariikhda la qaban doono waa Axadda 23ka bishan March, saddexda galabnimo (3pm). Waxaana lagu qaban doonaa Indian YMCA, Central London, cinwaankeeduna waa sidaan:

41 Fitzroy Square
London W1T 6AQ
Tel. 020 7387 0411

Munaasabaddaas dadka akhriska jecel waxay fursad u heli doonaan in ay halkaas ka iibsdaan buugga iyagoo ku heli doona qiime hoos loo dhigay oo ka jaban kan caadiga ah. Ka dibna waxaa buugga laga heli karayaa Africa Book Centre, Covent Garden, 38 King Street, London WC2E. Waxaa kaloo laga heli doonaa meelaha lagu iibiyo buugaagta Soomaalida ee ku yaal Southhall, Wemply iwm. Waxaadse ku tala gashaa tirada London la keenay in ay tahay mid yar oo dhakhso u dhammaan doonta.

Abdisalam Issa-Salwe




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

[2003/March/_includes/slogan.htm]