Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Aragtida Akhristayaasha Maanta:
ÞMar ma Rashiidaa, mar marasaaqaa inta kale ma rootiyaa!!!
ÞSomaalida Maanta iyo Cabdullaahi:

MAR MA RASHIIDAA MAR MARASAAQAA INTA KALE MA ROOTIYAA!!!!

Subject: Kaftan siyaasadeed

Asalamu Aleikum,

Waxaa nasiibdaro ah Majeerteen Wayne had iyo goor eedeeyo Walaalahood Maxamuud Saleebaan, oolagu eedeeyo sadbursi iyo horbood aan cidina u wakiilan waa dhinaca siyaasadee.

Waa run oo meel kasta oo habar dugaas (soomaali) hilbo ku qaybsanayso waxaa kursiga Daarood, Harti iyo Majeerteenba ku fadhiga oo sheer libaax doonaya Maxamuud saleebaan,. hadaba waxaa iswaydiin mudan Maxamuud Saleebaan ma firfircooni uu dadka dheer yahay baa sababtay arintaas, ma xukun iyo hunguri jacaykoodaa sababtay mise dadka intiisa kale oo hurdo khuuro dheer ku jira ayaa sababtay.

Aniga waxay ila tahay sadexda qodoba inaysan meesha ka marnayn, waa mare MS (Microsoft = to Maxamuud Saleebaan that's if u look @ monopoly aspect) dadka way kaga firfircoon yihiin ka qabgalka shirarka habar dugaas, sidoo kale way ka hilbo jecelyihiin maxaa yeelay ninka hilibka macaankiisa arkaa oo dhadhamiyaa madaayo oo meelkasta ayuu hunguriga hilib jacaylku la galaa , waxaase iyana meesha ka marnayn inay dadka kale ee haybta la wadaaga MS ay yihiin kuwo hurda oo aan madasha iyo shirarka habardugaagta cagba soo dhigin, marka ma doqoniimo iyo waxgaran la'aan bay ka tahay inay cadkooda doontaan oo madasha shirarka cagtooda ku badiyaan, ma dad dhaqaale ahaan dhaqan oo xoosato xalaalquudan ah oo diidan yabaqa iyo hilbo ku dagaalanka iyo sadbursiga habardugaag baa, mise waaba dad aan ogayn in ay xaq uleeyihiin inay madasha habardugaag kursi iyo codad ku leeyihiin baa!!!!!!!!!

Dhamaan shirar ku sheegii habardugaas ee hore u dhacay waxaad arki in dadka ordayay oo lahaa waxaan matalnaa Puntland inay ahaayeen MS. Sidoo kale waxaa xaqiiqa ah in ninkaan tagin gogosha hilbaha lagu qaybsanayo oo habaqa iyo hiriifku ka dhacayo inuusan helayn wax hurguriya, maxaa yeelay nin lala soo doonanayo oo hoo oo cun hilibkaan la oranayaa ma jiro, taasna waxaa kaaga markhaantiya shirku sheegii Carte oo aad ka arkaysid habka wax loo qaybiyay inay ahayd in intii joortay keligood hilbihii qaybsadeen haba kala badnaato waax yahay la kala helaye.

Maruntaa in dadka goobjooga ka ah shirka Nairobi ay yihiin kuwa meteli kara ama matalaba reer puntland, (MAYA) , sidoo kale deegaanka puntland horta yaa leh oo degan ma qola quraa mise dad walaalo iyo haybwadaag ahbaa, haday tandanbe tahay jawaabtu waftiga maamulka puntland state maloo dhanyahay mise qolo qudhaa horboodaysa, sidoo kale isimmada Puntland State ma shan sadex walaalo tahay sadexna u adeero yihiin baa, (ciise daarood,aaway awrtable, leelkase, liibaangashe, kiski qabe, reer-biciidyahan, reer-maxmuud,reer-cumar, cali saleebaan, cali jirbaahiil,cabdirixiin saleebaan, ugaar saleebaan, cabdirixiin ibraahim, reer nuux, wabeeneeye, daanwayne, kiskiqabe, gumasoor, amarti waaq, reer waarag, sinwaaqroon, ismaaciil saleebaan, tabale, iyo kumanyaal kale oo aanan qormo ku soo koobi karin. Intaasba waxaa ka sii daran aflagaadada joogtada ah ee lagu hayo isimmada Majeerteen wayne oo la oranayo (isimada la garan jiray waxay ahaayeen dhowr , habarkastaa iska samaysatay isim IWM.) laakiin waxaa la iloobay maahmaahdii ahay "SHALAA DHALATAYE WAA LA SHUBI JIRAY" horta Majeerteen wayne iyo MS yaa aduunka ku soo horeeyay MS oon dhalan ayaa majeerteen jiray deegaanka Puntlandna degenaa , isimo , beeldaajayaal, Baashiyaal, iyo cuqaal iyo culimoba lahaa. Marka nin baa wuxuu yiri (DHURWAA DHURWAA KA GARDARAN MARKAAN ARKO MA QANQANIINTAA MAA IQABATA) dulmiya iyo sadbursiga waxaaba ka sii daran afxumada iyo qadafka isimmada loo gaysanayo.

Aniga aragtidayda waxay ila tahay in raga shirarka horboodayaa hadii ay sadbursiga foosha xun sii wadaan, ay taasi sababi karto caaqibo xun oo ku timaada deegaamada puntland, xamar sida ka dhacday oo ninba isbaaro iyo laba tikniko ah shirarka habardugaag la imaanayo ay ka dhici karto deegaamada nabada iyo ixtiraamka ku sugan , taaasi waa hadii ay sii socoto foolxumada iyo xishood darida ka socota saaxada siyaasadeede.

Sidoo kale waxaa iyana mudan in waxa sababay jeneraalka Majeerteen wayne in saajin MS ka awoodbato, ay tahay ficilxumada iyo dhiig darida Majeeteen wayne laga arkay. Majeerteen wayne kuma yara, balse iyagaa ugu badan mutacalimiinta , injineerada, takhaadiirta iyo saraakiisha Majeerteen, laakiin nin walbaa waa siduu u xayaysiisto oo u faansado oo ula safto ninkiisa. Kuwii siyaad kaba qaadyada u ahaa ayaa malag soo daahiray raguu haybta la wadaago nooga dhigayaan, hadaba waxa la isku dhaafay waa afmiishaarnimo iyo bahbah laakiin xaqiiqdu waxay tahay in miidu ay ka qiima iyo sharaf badan tahay caraqda. (walow lagu jiro xili shaftii bada lagu daray, kase tagi mayno hadaanu Majeerteen weyne nahay taa).

Majeerteen wayne wuu ka xishoodaa inuu mooryaan u nacamleeyo, wuu ka xishoodaa inuu habqan iyo hunguri xumo lagu sifeeyo, inuu fidmo ka shaqeeyo, inuu walaalihiis shisheeye ku horcaayo ama xanto, laakiin samaha nikaan kula garan xumahaaga dhadhansii ayaad moodaa inaan laga fursan doodin hadii aan reerka sida lagu dhaqayo laga dayn, tanina ma aha mid ku kooba Majeerteen dhexdiisa laakiin waxaa quraarad inay jabto u dhow ku sugan jiritaanka PUNTLAND, taana waxay ka iman kartaa qabiilada kale oo haybwadaagta iyo xulafada aynu ku nahay PUNTLAND. Saluuga siyaasadeed ma aha mid Majeerteen wayne keliya qabo ee dhamaan inta ka soo harta MS oo ku abtirsata PUNTLAND ayaa nala qaba hiiftaas.

Kaftankaygaas siyaasadeed waxaan ku soo gunaanadi, sheekadii ahayd reer bari ma dagaalamo waxaad moodaa inay Reer Qardho beeniyeen, oo weliba jid-xun oo kii xamar u eg ay fureen, marka waxaan leeyahay war nimankiinaa Maxamuud Saleebaanow isku noqda oo reerka sida ama ka daaya ama kala guur u diyaar garooba.


Jabarti Osman
jabarti2020@hotmail.com


Somaalida Maanta iyo Cabdullaahi:

Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo leh taariikh dheer oo aan maqaal iyo buug midna lagu soo koobi karin, muddo dheerna halgan qadhaadh ugu soo jiray siduu u arki lahaa dadkiisa oo meel rays leh mar-uun dagay, oo hela nabad iyo naruuro; taasna wuxuu ku kasbaday kalsoonida dadkiisa intooda badan. waxaa kaloo abuurmay kuwo caadaawad ugu qaaday: geesinimadiisa, aaminimadiisa, wax-garadnimadiisa iyo waliba axdiga iyo qawlka adag oo uu leeyahay.

Haddaba, Somalida maanta inteeda badani waxay doonaysaa in Cabdulaahi xogaamiyo oo uu mar-uun ka damiyo dabkaan ku shidan, asagoo kaashanaaya waaya'aragnimadiisa, geesinimadiisa iyo aaminimadiisa. Waayo'aragnimadiisa: Cabdulaahi waa mas-uul aqoon dheer u leh ummadda Somaaliyeed, qof qofna u kala yaqaana, waana qofka kaliya oo la xaajoon kara Duubabka Somaaliyeed dhammaantood, meelna isugu keeni kara, is-afgarad iyo axdina ku kala tagi karaan. Cabdulaahi wuxuu isu soo jiidi karaa hogaamiyayaasha intooda badan, nabad iyo is- aaminna ka dhex abuuri karaa. Arintaan oo ah mid uu horay ugu soo guulaystay oo uu isugu keenay hogaamiye kooxeedyada intoodii badnayd shirkii Soodare, laguna heshiiyey in danaha Somaliya Boosaaso looga tashado, laakiin ay Masaaridu carqaladaysay, ayadoo dano siyaasadeed iyo ku xumayn dowladda Itoobiya oo dagaal dhinaca biyaha Niil uu ka dhexeeyo u dagaal gashay inay burburiso. Nasiib-darro hogaamiyaashii intoodii badnayd garaadkoodu ma tusin siyaasadda Masaarida ee majaxaabinta ahayd.

Markii lagu hungoobay shirkii dhalanteed ka ahaa, wuxuu Cabdullaahi mar labaad kulmiyey oo uu isu keenay hogaamiya-yaal horay u kala tagay oo colaadi dhextiilay, wuxuuna aas-aas u ahaa SRRC oo ay Somaali inteeda badani ku midaysnaayeen, marka laga reebo Carte iyo Qanyare. Abaabulkii, isu-soo ururintii iyo dhismihii dowlad goboleedka Puntland asagaa aabbe ka ahaa, wuxuuna muujiyey kartida uu u leeyahay inuu dadkiisa la-xaajoon karo, xalna lawada gaari karo. Wuxuu dhisay dowladda dhamays-tiran muddo aad u yar. Nabad-galyadii, dhaqaalihii iyo magacii reer Puntland wuxuu gaarsiiyey meel dheer, asagoo abuuray dowlad mushaar siisa dad ugu yaraan gaaraayey toban kun oo qofood.

Nabadoonnimadiisa: Cabdulaahi waa qofkii ugu horreeyey ee saxiixay heshiis nabadeed ka dhaca cariga Somaliyeed, wuxuuna ahaa mas-uulkii heshiiska nabadadeed la galay Caydiid, siday nabad ugu wada noolaan lahaayeen dadka wada-daga gobolka mudug oo dagaal faraha looga gubtay uu dhexmaray, dad aad iyo aad u fara badanina ku nafwaayeeen. Dad badan oo aan aragti dheerayn baa markaa u arkaayey inuu noqon-doono waxaan socon-doonin heshiiskaas, laakiin ilaa iyo hadda nasiib wanaag harkiisii baa la harsanayaa, waxaana mahaddiisa iska leh Illaaheena weyn kasakow Cabdulaahi Yuusuf. Cabdulaahi wuxuu aabbe mar labaad u noqday dadweynaha reer Puntland oo uu nabad iyo xasiloonidoodii mar-labaad kusoo dabaalay, taasoo Somaali inteeda nabadda jecel iyo adduunka inta Somaliya indha ku haysa aad iyo aad ugu riyaaqeen sida xilkasnimada iyo xadaaradda leh ee uu u xaliyey xurguftii dhextiil dadkii walaalaha ahaa.

Geesinimadu waa wax loo dhasho, Cabdulaahi waa halyey aan cabsi aqoon markuu xaq ku diriraayo, waligiisa goob dagaal loogama guulaysan, taasna taariikhda ayaa sheegaysa. Wuxuu ka qayb galay dagaalkii ugu horreeyey ee dowladdii Somaliyeed ee curdanka ahayd ee Aadan Cadde madaxweynaha ka ahaa iskaga horyimaadeen dowladda Itoobiya, wuxuuna muujiyey geesinimo bilad uu ku helay. Cabdulaahi wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee ka dhiidhiyey xumaantii, xaqdaradii iyo xad-gudubkii taliskii xaaraanta ahaa ee uu hogaaminaayey marxuum Maxamed Siyaad, wuxuuna si bareer ah oo geesinimo leh dharaar cad ugu dhawaaqay inuu la dagaalamaayo xumaha iyo xaqdarada; Waqtigaasna ciddii afka kala-qaada ama tiraahda waxaan aabow Siyaad aan ahayn waxaa loo haystay inaysan badbaadayn oo waa tii uu lahaa, Alla xa-u naxariistee, Gololey," Ama Afkaaga Hayso Ama Afgooye Aad", oo uu ula jeeday cidna inaysan hadli karin maalintaas, laakiin Cabdullaahi baa beeneeyey oo ummaddii tusay in Dhurwaagii yur layska oran karay.

Markii uu isku dayey in Mingiste ciidda Somaliyeed calankiisa ka taago Cabdulaahi si bareer ah buu uga soo hor-jeestay oo aan gabasho iyo cabsi lahayn, asagoo xabsi lix sanadood iyo dheeraad u dhex jiifay geesinimadiisa iyo wadanimadiisa.
Ururkii habaarnaa ee Itixaad ee aragtida qaabka daran lahaa, kuna midaysnaa inay xoog iyo xeeladda ku qabsadaan goboladii markaa la oran jiray waqooyi Bari, ayagoo astaan Islaamnimo ugu soo dhuumanaayey, laakiin ujeedooyin guracan lahaa, quwado shisheeyana u adeegaayey, Cabdullaahi wuxuu ahaa ninkii dadkiisa ka badbaadiyey masiibadii ay la maaganaayeen dadkaan muslimka ah ee aan dareensanayn dulmiga Iti-xaadka, maalin qura buuna uga sifeeyey carigaa.

Aaminimadiisa: Cabdullaahi wixii aad u dhiibato waa ruuxa qura ee maanta la og yahay ee siyaasadda ku jira ee aad ugu imaanayso ayagoo sidoodii ah oo bad-qaba. waa aamin, waana deeqsi gacan furan oo dadkiisa waxba ka hagran.
Haddaba, yaa doonaya Cabdullaahi maanta inuu hogaamiyo? yaase diidan?

Cidda doonaysa waa dadweynaha dhiban ee dulmiga iyo xaqdarada lagu hayo. waa kuwa xoogga lagu afduubanaayo, kuwa xoolahoodii la dhacaayo, kuwa dhimashoodu wax qiima ah aysan ku fadhiyin, markii la doonana la dili karo. Cabdullaahi waxaa maanta doonaaya kuwa guryahoodii, beerahoodii iyo goboladay u dhasheen laga bara-kiciyey; Waxayna rabaan inay helaan nabadda iyo naruurada ay haystaan dadka ku nool Puntland mid la mida, Cabdullaahina badbaadiyo maanta, sidii uu badbaadiyey dadka uu hogaanka u hayo.

Haddaba, cidda diidan waa tuma? maxayse ku diidan yihiin? Waxaa diidan dad aan dowladnimo doonayn, sababtoo ah waxa maanta gacanta ugu jira oo ay haystaan ma doonayaan in ay farahooda ka baxdo. wax dan ahna uguma jirto dowlad kastaa oo dhalata, ama feedaraad ha ahaato ama mid dhexe ha loogu yeero. Waa dadka wax dhaca, gabdhaha kufsanaaya, daroogada beeraaya ama ka ganacsanaaya. Waa kuwa gobolo aysan lahayn xoog ku haysta, hadday dowlad dhalatana og inaysan xoog ku joogi karin. Waxaa kaloo ka mida ururka Carte oo maanta hogaaminaaya ururadaan, garab iyo gaashaanna la garab-taagan, inay dowlad dhalatana diidan.

Shirkaan dowlad dadka intiisa badan taageersan tahay baa ka dhalan, Cabdullaahi baana dabkaan baxaaya ka damin kara ummaddaan ku dhibaataysan gudaha iyo dibaddaba.
Qofkii diida oo ishortaaga ku guulaysan maayo, sababtoo ah Somaalida inteeda badan baa doonaysa oo u aragta inuu nabad kusoo dabaali karo sida walaalahooda reer Puntland. Wadamada daneeya Somaliya kalsooni buuxda bay ku qabaan oo waa isku halayn karaan.
Raage Jama
jamarage@aol.com
U.S.A


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.
Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.