Mudugonline.com keeping you Informed.    


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

WAFTIGII UU HOGAAMINAAYEY TALIYAHA CIIDANKA DARAAWIISHTA OO DIB UGU SOO LAABTAY BOOSAASO

Bosaaso, 09 April 2003 (MOL)-Waxaa shalay gabal gaabadkii dib ugu soo laabtay magaalada boosaso wafti uu hogaaminayo taliyaha ciidanka daraawishta puntland Col C/laahi cali Mire carays iyo wasiir ku xigeenka wasaarda warfaafinta puntland C/shakuur mire adaan.

Waftigaasi ayaa booqashooyin ku tagay magaaloyinka baran iyo laasqoray oo ka tirsan degaanka gobolka sanaag.

Ugu horayntii waxaa waftigu booqday magaalada baran halkasoo ay shirar kula yesheen masuuliyinta degmada duqawti iyo iygoo meel fagaare ah kala hadlay dadka deegaanka.

Waxayna u bandhigeen in la dhaqajiyo mamaulka iyo adkaynta amniga iyo ka hor tag xaalufka, waxaana dadakii halkaasi joogay ay la qateen taladaa ay soo jeediyeen masuuliyiintu. Waxaa kaloo laga hadlay in ay meesha ka baxday maamulkii somaliland wadankana ay gacanta ku hayso puntland waxuu kaloo taliyahu meesha ka saaray in hadii dad u dhashay degaandaasi ay keenaan soomaliland aan puntland gacanta ka laaban doonin.

Midigta: Col C/laahi cali Mire carays iyo Bidixda:C/shakuur mire adaan oo salaan qaadanaya.
Mudugonline.com
TALIYAHA DARAAWISHTA PUNTLAND OO BOOQDAY QABRIGII DAAROOD IYO DOOBIRO DIR

Badhan, 09 April 2003 (MOL)- Taliyaha ciidanka daraawishta iyo waftigii la socday ayaa booqasho gaaban ku tegay halka loo yaqaan Haylaan oo dhinac waqooyi ka xigta magaalada Baran halkas oo ah goob ay tagaan dadka wadadada timo waynta ah oo ah meel taariikhi ah ayna ku xabaalan yihiin odaygii ay ka soo farcameen dadka ku abtirsada daarood iyo hooyadoodi Doobiro dir.

Goobtaasi waa goob aad u qurux badan oo ay ka dhisanyihiin masaajido iyo meel lagu nasto oo dadka martidaa lagu soo dhoweeyo.

Markii aan goobtaasi tagnay waxaa nagu soo dhoweeyey qaar ka mid ah dadkii halkaasi ku nool oo qaadayey ducada shalaadka ama digriga.

Intaasi ka dib waxaan booqashadayadaasi ku soo aadanay magaalada laasqoray oo aan iyana kula kulanay dadkii degaanka ahaa kuwasoo iyana soo dhoweeyey fikirkii taliyaha iyo waftigii la socday waxaana halkasi ka bilaamay hawlihii ururinta canshuuraha iyo dhaqaajintii maamulka waxaana booqanay intii aan joognay meshaasi wershada kaluunka iyo wershada hargaha oo ah wershad ay maal gashadeen rag degaankaasi ah oo ka yimid dibadaha.

Mudugonline.com


NABADAYN LAGA WADO DEGAANDA PUNTLAND

Badhan, 09 April 2003 (MOL)- Waxaa ka bilowday degaanka gobolka sanaag Ceel afwayn nabadayn ay wadaan isinka beesha Warsangeli iyo isinka beesha habar jeclo kuwasoo bilabay nabadayn ay ku dhex dhexaadinayaan dadka isku haya siyaasada puntland.

Suldaan siciid iyo boqor bur madow ayaa iminka ku sugan degaanka ceel afwayn halkasoo ay kulamo kula yesheen rag masuulka ah malayshiyada halkaasi saldhigoodu yahay.

Taliyaha ciidanka daraawishta Carys ayaa isagu u sheegay weriyahayaga in ay dhowdahay xiliigii ay soo afjarmi lahaayeen colaadaha puntland waxuu kaloo sheegay ay wada qateen nabdaynta labadooda docood oo ay wada hadleen waxuu kalo sheegay in shir lagu qaban doono magaalda baran.

C/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com

 





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
Mudugonline.com keeping you Informed.