Wararka Mudugonline


Baaq nabadeed

Guddomiyaha GMM Dr Cabdi Culusow,guddiga fulinta iyo xubnaha Golaha Midnimada Mudullood Dhamaan waxaay iyaga oo aad iyo aad uga tiraanyeysan, aad iyo aadna uga xun colaada ka jirto degmada Messagawaay ,dhex mareysana laba beelood ee walaala ah tacsi u dirayaan dhamaan eheladi dadkooda ku nafwaayeen dagaalkaas ,sidoo kale waxaay u sheegayaan in ay hiil iyo hoobo la garab taagan yihiin dadki iyagana dhaawaca iyo bara kaca ka soo gaaray dagaalkaas .GMM waxaay odayaasha, culumaa’udiinka ,aqoonyahanka iyo bulshada mudulood meel kasto oo ay joogaan ka codsanayaan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiyaan colaada u dhexeyso labadan beelood ee walaalaha ah.

GMM wuxaay labada beelood ee khilaafka ka dhexeeyo iyo beelaha mudulood ku abtirsado dhamaan ka codsanayaan in ay gacan ka hadalka ku bedelaan wada hadal iyo in xaaja kasta lagu furdaamiyo madasha iyo geedka hoostiisa iyado oo loo kaashanaayo culumaa'udiinka ,odayaasha dhaqanka iyo indheergaradka beesha mudulood, sidoo kale waa in khilaafaadka lagu bedelo wada shaqayn,iskaashi iyo wada xaajood iyo ilaaheey nooma keenee dhibaato haddii ay timaado in la qaboojiyo ka hor inta aynan faraha ka bixin .

Mahad alle kedib GMM waxaay mahad balaaran u soo jeedinayaan Imaam Maxamuud Imaam Cumar,Macalim Nur Maxmed siyaad,Cabdullahi Geedi shadoor iyo dhmamaan odayaasha kale ee isu xilsaaray dhameynta khilaafka u dhexeeyo beelaha colaada ku dhexmartay Degmada messegawaay, waxaana ilaahey ugu rajeynaynaa in ay howshaas ay gacanta kula jiraan kala soo hoydaan guul lagu dego ,raynrayn, barwaaqo iyo nabad waarto oo laga helo.


1. Dr. ABDI MOHAMED ULUSSO, waa Guddoomiyaha Guud ee Golaha Midnimada Muddulood;

2. ABDALLA MOALIM MAHAMUD(Cabdulahi siyaasi), waa xoghayaha Guud ee Golaha Midnimada Muddulood

3.MAXAMED MUXIDIIN CALI,waa afhayeenka guud ee Golaha midnimada muddulood fadhigiisana yahay Magaalada Muqdisho

4. Dr CABDULLAHI MAXAMED HIRALE, waa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Muddulood ee Sweden.

5. DR. ABDULLAHI HASSAN Alasow ‘BARIIRRE’, waa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Muddulood ee Canada.

6. ALI MOALIM MUSE, waa Guddoomiyaha Gol;aha Midnimada Muddulood ee USA,

7. ABDULLAHI AHMED MOHAMED, waa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Muddulood ee Holland.

8. MOHAMED AHMED ALASOW ‘Januune’, waa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Muddulood, Swizterland.

9. ABDALLA MOALLIM MOHAMUD, waa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Muddulood ee Waddamada Carabta.

10. ABDULQADIR ALI GAAB, waa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Muddulood ee Waddanka Ingriiska.

11. HASSAN SHEKH ABDI, waa wakiilka Golaha Midnimada Mudulood ee Afrika, wuxuuna joogaa LESOTO.

12.Mr HASSAN HOLOWLE ,waa gudoomiyaha golaha midnimada muddulood ee dalka Pakistan

13.HASSAN MOHAMED IBRAHIM,waa gudoomiyaha golaha midnimada muddulood ee dalka finland.

14.Yusuf MAXAMED MAXAMUD biiteeye,waa gudoomiyaha golaha midnimada muddulood ee dalka sudan.
15.MAXAMED MUSE ,Waa gudomiyaha Golaha Midnimada Mudulood ee dalka Kenya

Xoghayah Guud ee GMM
Abdullahi Moallim (Cabdullahi sityaasi)
Moallem10@hotmail.com





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001