Make your own free website on Tripod.com
   

Wararka Mudugonline


BAAQ XABAD JOOJIN, DAGAAL JOOJIN IYO NABDEEN

KU SOCOTA: KUWA DAGAALKU KA DHEX SOCDA IYO DHAMAAN SHACABKA REER PUNTLAND EE DIBADA IYO GUDAHA KU NOOL

ANIGA OO AH MOHAMED ABDIRASHID ALI SHARMARKE, AH SIYAASI, WADANI, WAXGARAD SOMALIYEED, KA MID AH DADKA UGU FIR FIR COON RAADINTA HORUMARKA, MIDNIMADA IYO NABADA PUNTLAND IYO SOMALIYA, WAXAAN LABADA KOXOOD EE IS DAGAALYA KA CODSAN IN AY TIX GALIYAAN AQLABIYADA SHACABKA PUNTLAND OO RABA IN DAGAALKA IYO DILKU JOOGSADO.

PUNTLAND 12KII SANO EE SOMALIA QAARKEED DAGAALO KA SOCDEEN, ILAAHAY WAA BAD BAADSHAY. REER PUNTLAND WAXAA LOO HAYSTAY IN AY YIHIIN DAD BISIL OO NABADDA JECEL, WAA NASIIB DARO IN FIKRADDA FIICAN EE NALA KA HAYSATAY EY BEENOWDAY.

MAANTA WAXAA LAMA FILAAN AH IN DAGAAL, DIL IYO DHIIG SOKEEYE UU KU DAADANI GOBALKA BARI EE PUNTLAND, KHAASAN DAGMADA QARDHO.

ANIGA OO U HADLAYA DHAMAAN SHACABKA PUNTLAND WAXAAN KA CODSANI LABADA DHINAC EE DAGAALKU KA DHEX SOCDO IN AY;

1. SI DEG DEG AH XABADA IYO DAGAALKA U JOOJIYAAN.

2. IN DHIBAATADA DHACDAY, TAN TAAGAN IYO MUSTAQBALKA PUNTLAND IYO UMADDA KU NOOL, XAL DEG DEG AH AAN UGU HELNAA.

ANIGU WAXAAN DIYAAR UJ AHAY IN AAN HORSEEDO, KA SHAQEEYO, UNA GURMADO SIDII XAL DEG DEG AH LOO HELI LAHAA DHIBAATADA SIYASADEED EE KA TAAGAN PUNTLAND.

INTII DHIMATEY ALLAHA U NAXARIISTO, INTA DHAAWAC AHNA ALLAHA CAAFIMAADSHO.

WA BILAHI TAWFIQ

MOHAMED ABDIRASHID ALI SHARMARKE






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001