URURKA MIDOWGA AFRIKA ( AU ) - HORUMAR
MA UKEENI DOONAA AFRIKA??
Midowga Afrika (AU, African Union) ee lagu
aasaasay magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika 9-kii luulyo
ayaa wuxuu rajo ku dhalinayaa dadka faqriga ah ee ku nool qaarada
Afrika ee dagaalada iyo dhibaatooyinka ku habsadeen. 39 sano
ka dib aasaaskii ururkii OAU ayey madaxda hogaamiya wadamada
Afrika ogaadeen in ururkaas uusan wax xal dhaqaale ama mid siyaasadeed
u keenin dhibaatooyinka hortaagan in qaaradaas ay gaarto horumar.
Suaashu waxay tahay intee in la´eg ayuu AU ka duwanaan
doonaa kii ka horeeyey OAU.
Halgankii xornimo doonka wadamada Afrika ee lagula dagaalamayey
gumaysigii ayaa ka danbeeyey dhalashadii urukii OAU. Asaaskiisii
sanadkii 1963 waxaa xor ahaa oo kaliya 32 wadan. Intaas intii
ka danbeysay wuxuu ururku shaqadiisa ahayd la dagaalanka cunsuriyada,
saamayntii dagaalkii qaboobaa, faragalinta shisheeye ay kuhayeen
arimaha gudaha ee wadamada Afrika iyo ladagaalamkii siyaasadii
cunsurinimada ee ka jirtay dalka Koonfur Afrika. Ururkii OAU
39-kii sano uu jiray waxaa ku dhacay isbedel dimoqraadi ah.
Bilowgii 1980-kii waxaa doorashooyin xor ah oo dimoqraadi ah
laga sameeyey oo kaliya 4 wadan oo Afrikan ah.Intii u dhaxetsay
sanadadii 1990 ilaa 1994 waxaa doorashooyin xor ah laga sameeyey
38 wadan oo Afrikan. OAU wuxuu bilaabay inuu musuqmaasuqnida
u arko mid hortaagan horumarka dhaqaale iyo xasilooni ka dhalata
bulshooyinka Afrika. Laakiin waxaa OAU lagu canbaareyn jiray
inuu kaalintii looga baahnaa uusan kagalin wax kaqabashada danbiyada
xuquuqda bani ´aadamka. OAU waxba kama qaban danbiyada
ay kaligitaliyayaasha lagaleen xuquuqda bani ´aadinimada
iyo dhacii ay ugeesteen dhaqaalihii wadamadooda.
OAU waxaa lagu canbaarayn jiray inuu ahaa urur kaligiitaliyayaal
(diktatorship) ah sidaa daraadeed ayaa ururkan cusub
waxaa la dhisay iyadoo lagu dayanayo ururka Midowga Yurub EU.
Ujeedada ururkan cusub ayaa waxay tahay inuu noqdo urur bulsho
lehna hay´ado maamul sida hal baarlamaan ka dhaxeeya wadammada
Afrika oo dhan, maxkamad, bangi Afrikan ah iyo hal lacag oo
ugooni ah Afrika mustaqbalka dhow. AU wuxuu doonayaa in mar
danbe ayna kaligitaliyeyaasha ku soo gaban madaxbanaanimada
qaranimo marka ay galayaan danbiyada dhaca ah iyo dilka, sidaa
daraadeedna uu AU lahaado awood kuu kugalo wadamada dhibaatooyinka
dilka ay ka dhacayaan, sida Soomaliya Ruwanda iyo Siiraaliyoon.
Guuldaradii ugu weyneyd ee OAU ayaa waxay aheyd inuu ku guuldareystay
kor u qaadidii heer nololeedka bulshooyinka Afrika. Badi shacabka
ku nool Afrika waxay xornimadii 60-maadkii iyo intii ka danbeysay
ay ka qaadeen faqri dhaqaale.
Si Afrika looga sameeyo firfircooni siyaasadeed iyo mid dhaqaale
ayaa waxa la sameeyey qorshe ku saabsan sidii soo kabasho dhaqaale
looga sameyn lahaa Afrika kaasoo loogu magacdaray New Partnership
For Africa´s Development (NEPAD). Qorshahan cusub ayaa
ah mid ka tusaale qaadanaya Qorshii Marshall ee Yurub waqtigii
uu dhamaaday dagaalkii labaad ee aduunka. Ujeedada ayaa ah in
wadamada Afrika ay helaan maalgalin dhaqaale isla markaana ay
balanqaadaan inay sameyn doonaan maamulo dimoqraadino ku dhisan.
Arintaan ayaa ay sideeda wadan ee horumaray loona yaqaan G-8
ugu balanqaadeen kulankoodii dhowr bilood ka hor ka dhacay wadanka
Kanada.
Inkastoo ururkan cusub ee AU uu leeyahay awood ka balaaran
ururkii ka horeeyey ee OAU, kuna hagi karo Afrika horumar dhaqaale
una soo jiidi karo maalgelin dhaqaale, ayaa hadana waxay su´aashu
tahay, 53 wadan is dhan ma uwada socon karaan??. Arinta ugu
adag ee ururkan cusub ka hor imaan doonta ayaa waxay noqoneysaa
sidii uu faragelin milatari uga sameyn lahaa xubnaha ururka
ee dagaalada sokeeye ka jiraan ama qalalaase iyo xasilooni daro
ka jiraan. Waxaa kaloo iyada isweydiin mudan, 53 madaxweyne
oo aan marar badan ka heysan caawimaad shacabkooda amaba aanan
aqoon weyn ulaheyn xaaladaha haysata, malaga yaabaa inay fuliyaan
ama raacaan go´aamada iyo xeerarka uu dajistey ururkan
cusub??. Waxaa laga yaabaa in gudiga nabada- iyo amaanka ee
AU ee lagu ansaxiyey magaalada Durban ayna ansixiyeen madaxweynayaasha
wadamada Afrika uu wax ka qabto dhibaatooyinka noocan oo kala
ah. Guuldaro ku timaada ururka ayaa waxay dhalin doontaa in
ururka loo arko mid aan awood dhab ah laheyn waxna aana ka qaban
karin maamulada kaligitaliyeyaasha ah ee dhibaatada kuhaya shacabka
Afrika kunool.
Ururka AU waxaa uu guuleysan karaa oo kaliya hadii uu kaga
daydo kan Yurub EU fikrad ahaan iyo ficil ahaanba. Wadammada
xubnaha ka ah ururka waa inay balanqaadaan maamulo xor ah ayna
bulshooyinka ku nool Afrika ay ka qeybqaataan. Waa iney balanqaadaan
doorashooyin xor ah, xisbiyo badan oo xor ah, dhaqaalayaal aan
musuqmaasuq ku socon iyo raacida sharciyada iyo xeerarka u degsan
wadamada iyo ururkaba. Wax kastoo ay hogaamiyeyaasha ay go´aamiyaanba
waxaa ka weyn tan shaqsiga muwaadinka ee afrikaanka uu go´aansado.
In OAU lagu bedelo AU wuxuu micno sameyn doonaa oo kaliya hadii
isbedel weyn oo dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo wax ka bedela
nolosha muwaadiniinta afrikaanka laga dhaliyo qaarada.
Hayaan Cabdisalaan Ismaaciil, Sweden
hayan74@hotmail.com
Xasuusin:Qoraaladu
waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Mudugonline.
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|