Wararka Mudugonline

Koonfurta Somaliya oo dagaalo ka soo cusboonaadeen

ELDORET,31 Oct 2002 (MOL) wararka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalo aad u qaraar ka dilaaceen gobolo badan oo koonfurta Somaliya ah, dagaaladaan oo u badan kuwa soo socday waqti badan ayaa haatan faraha ka baxay, dagaaladaas ayaa la sheegayaa in ay gesyteen qasaarooyin fara badan oo naf iyo maalba leh. labadii beri ee la soo dhaafay ayaa dagaaladaan waxay ka qarxayeen aaga Magaalooyinka Jilib iyo Bu'aale, Degmada Luuq ee gobolka Gedo iyo Magaalada Baydhabo.

Dagaalka Bu'aale ayaa waxuu dhex marayaa beesha Jareer weyn iyo Beesha Bartire, dagaalkaas oo ku salaysan dagaan ayaa la sheegayaa inaysan ka maqnayn siyaasad iyadoo waliba sidii Isbahaysiga Dooxada Jubba u qabsadeen Magaalada Kismayo uu beelaha deegaanada ku xeeran Jubada hoose ay dhex marayeen dagaalo aan la garanayn waxay ujeedadoodu tahay loona malaynayo taasna loogu malanayo inaan siyaasad meesha ka maqnayn. dagaalkaas jubooyinka oo sababay barakac ku yimid dad rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa illaa hadda ma jirto cid dhex gashay labada beelood oo isdilaya. dhinaca Luuq ayaa shalay waxaa ku dhintay dad ku dhaw illaa 20 qof, dagaalka Luuq oo u dhaxeeya garabyada SNF ee beesha Mariixaanka ayaa ku dhacay si lama filaan ah, labada garab ee SNF ayaa lakala safan golaha SRRC iyo Dawlada KMG ah ee Carta.

Dhinaca Baydhabo ayaa asbuucaan dagaalku sii xoogaystay ka dib markii labaad Col Shaati Gaduud ay ka qabsadeen magaalada Baydhabo labdiisi gudoomiye ku xigeen Sh. Adan Madoobe iyo Xaabsade oo dirirtu dhex martay. dagaalka Baydhabo ayaa la sheegayaa in maalinba maalinta ka dambeysa uu ka sii kululaanayay qasaaruhuna ka sii badanayay dagaaladii horey u dhacay. Wararka ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Magaalada Buurhakaba ay soo galeen ciidanka labada gudoomiye ku xigeen, halkaasna waxaa laga soo sheegayaa falal dhac iyo dil loo gaysanyo dadka deegaanka oo aan laka socayn maatadaiyo dadka itaalka daran. ciidamada Shaati gaduud ayaa la sheegayaa inaysan ka fogayn magaalada dagaalkuna wali socdo.

Dagaaladaan Koonfurta ayaa dad badan aaminsan yihiin inay ku xiran yihiin shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Magaalada Eldoret, iyadoo kooxaha dagaalayaa rajeynayaan in haddii ay dagaalka ku guuleystaan helayaan cad ka weyn waxa ay haatan ka heleen madasha shirka, waxaa iyana jirta in 27-kii bisha kooxaha Somalida ee shiraya ay saxiixeen xabad joojin taas oo haatan u muuqata inay iska indha tireen, wali wax jawaab ah kama soo bixin gudiga qabanqaabada shirka Eldoret oo horey u sheegay kooxdii jabisa qodobada lagu heshiiyay in la marsiin doono sharciga caalamiga ah.

Mudugonline.com


Ciiddamo isku Dhaf ah oo La dhigay Duleedka Gaalkacyo

Gaalkacyo: Ciidan isku dhaf ah oo ka kooban beelaha wadada daga magaalada Gaalkacyo ayaa maanta ladajiyay meeshii uu kadhacay dagaalkii dhawaantaan kadhacay magaalada gaar ahaan halka looyaqaan bardo dheere .
Ciidamadaan oo kakooban 60 askari ayaa waxaa qayb libaaxle kaqaatay isu keenkooda odayaasha beelaha iyo ganacsatada gobolka .
Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee gobolka Mudug Maxamed Cumar Saalax ayaa dadka ku booriyay inay taageeraan ololahaan lagu sugayo amaanka magaalada Gaalkayo oo ah magaalo ganacsi oo aysan ku haboonayn inay kadhacaan dagaalloo.
Ololahaan ciidamada lagu dajiyay Brdo dheeere ayaa waxaan habayaraatee kasoo qayb galin madaxda gobolka marka laga reebo Maxamed Cumar Saalax , waxaadna moodaa inuu khilaaf balaaran oo ku dhex jira ciidamada daraawiishta masuuliyiinta gobolku uu baajiyo horumar badan oo gobolka usoo hoyan lahaa

AllPuntland News


Olole Nadaafadeed oo laga Bilaabay Gaalkacyo

Gaalkacyo: Dawladda hoose ee magaalda Gaalkacyo ayaa magaalada kabilowday olole nadaafadeed oo aan horay loo arag oo ay qashinka kaga qaadayso goobaha uu qashinku ceegaago sida xerada wayn ee dayaxa oo kamid ah xeryihii dawladdii Soomaaliyeed.

C/laahi C/nuur Shabeel oo ah xog-hayaha dawlada hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inaysan jirin cid ilaa iyo hadda ka caawisay olalaha nadaafadeed ee ay kawadaan magaalada gudeheeda oo ay ku gureen in kudhow 500 oo lowr {Kaariko} oo qashin ah todobaadkaan gudihiisa.

Waxaa kaloo uu intaasi raaciyay inay wadi doonaan nadiifinta goobaha qashinka ladhigo maadaama ay tahay xilli roobaad cuduro badanna ay halkaasi kadhickaraan.

Dawladda hoose ayaan ololeheedu ku ekayn xeryaha waawayn ee dawladda balse waxay todobaadkaan horaantiisii ay nadiifisay wadada laamiga ah ee dhexmarta bartamaha magalada oo ay kaxaaqeen dhiiqadii qallashay ee ay shaaga gawaaridu dhigeen.

Ololahan nadaafadeed ayay dadka reer Gaalkacyo soo dhaweeyeen waxayna markaad dadka kala sheekaysatid arintaan ku oranayaan hadaa lacagtayadii meel fiican lamarshay.

AllPuntland News




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001