Wararka Mudugonline

Heshiiskii ugu horeeyay oo laga gaaray shirkii Eldoret

ELDORET,27 Oct 2002 (MOL)Wararka ka imaanaya Magaalada Eldoret ee Dalka Kenya oo uu ka socdo heshiiskii dib u heshiisinta Somaliya ayaa waxaa la sheegayaa in halkaas maanta heshiis ku gaareen hogaamiyaashii somalida ee shirku u socday, Shirka oo markii hore ilaa hal asbuuc la isku mari waayay ayaa la sheegayaa in markii dambe la gaaray is-afgarad iyo heshiis ay wada saxiixeen hogaamiyaasha jooga madasha Shirka dhamaantood. qodobka ugu kulalaa oo shirku u xayirnaa dhalina karay burbur ku yimaada shirka ayaa la sheegayaa inuusanba qusayn qodobada maanta lagu heshiiyay, qodobkaas oo ahaa magaca Dawlada KMG ah ee Carta ku saxiixayso shirka oo hogaamiyaasha kale ku adkaysanayeen in ay isticmaalaan Magaca Kooxda Carta halka ergada ka socota Dawlada KMG ah ee kooxda Carta ay ku adkaysanayeen inay shirka ku saxiixayaan magacii ay kala yimaadeen Tuulada Carta ee Dawlada KMG ah, uga dambayntii waxaa soo baxay in Dawlada Carta loo ogolaaday inay isticmaalaan Magaca Dawlada KMG ah si shirka looga badbadiyo burbur taas oo isla markiiba saxaafada taageerta Kooxda Carta u fasirteen guul ay gaareen kooxdoodu. Kooxda Carta ayaa markasta ku andacoota inay ogol yihiin wax walba oo looga baxayo dhibaatada ka jirta Somaliya laakiin illaa hadda aan kooxdaasi muujin wax tanaasul ah iyagoo hogaamiyahooda diiday inuu cag soo dhigo madasha shirka. Qodobada maanta hogaamiyayaashu saxiixeen ayaa waxaa ka mid ahaa;

  1. In dawlad federaal ah oo loo dhan yahay Somaliya loo dhiso
  2. In xabad joojin laga hirgaliyo dhamaan wadanka Somaliya laga bilaabo maanta oo heshiisku dhaqan galayo.
  3. In ciidamada kooxaha somaliya aan loo adeegsan in koox kale lagu wareero ee lagu koobo isdifaac.
  4. In khilaaf kasta lagu dhameeyo wada hadal iyo is-afgarad.
  5. In ururada Deeqda bixiya loo ogalaado inay kaalmo gaarsiiyaan dadka dhiban, dadka Somaliyeedna xaq u leeyahiin taageero bini'aadnimo.
  6. In la ayido dhamaan qodobada lagu heshiiyo ee ka soo baxa shirka Eldoret.
  7. In wadamada IGAD, ururka Midowga Afrika iyo wadamada Caalamka loo ogalaado illaalinta fulinta waxii shirka lagu heshiiyo.
  8. In lala dagaalo Argagixisda Caalimaga ah.
  9. In laga feejignaado in Somaliya hoy u noqoto argagixisada caalamiga.

Shirka qeybtiisii hore oo haatan lagu soo afjarayo xaflad la qabanyo maalinta Khamiista ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan Madaxweynaha Dalka Kenya, wakiilada IGAD ee shirka, wakiilada wadamada ururka midowga Afrika, wakiilada wadamada Carabta, iyo wakiilada wadamada reer Galbeedka oo Maraykanku ku jiro. . Xafladaas ka dib ayaa ergadu iska soo xuli doontaa gudi sii wada qeybta labaad ee shirka, gudigaas oo u kala ah;

  • Guduga Dib u heshiisiinta
  • Gudiga isku celinta dhulalka iyo Hantida la kala hasyto
  • dhisme dastuur lagu hago dawlada la filayo in la dhiso dhamaadka shirka
  • gudi u xilsaaran dhisada hay'adaha Dawlada.

Wali lama oga sida ay daacad dhaba uga yihiin hogaamiyaasha kooxuhu nabad iyo heshiis ka aslaaxda Somaliya taas oo dadka Somaliyeed baadi goobayeen 12-kii sanno ee la soo dhaafay markastoo ay gasho rajo nabadeedna ay hogaamiyayaashaasi dib ugu noqdaan heshiiskii ay horey u gaareen. Cabdiqasim Salad oo isagu madax u ah Kooxda Carta ayaa wali ku adkaysanaya inuusan imaan Shirka ayna masuul ka yihiin Hasan Abshir iyo Abdalla deeroow oo labadooduba aan lahayn miisaan siyaasadeed oo isaga marti ugu ah magaalada Muqdishu.

Mudugonline.com


Dagaalo Ka socda Baydhabo..;

Baydhabo: Wararka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in agagaarka Baydhabo ay ka soconayaan dagaalo aad culus, dagaalkaas oo u dheexeeya ciidamada Shaati-Gaduud iyo kuwa labadiisii ku xigeen.

Dagaal aad u culus ayaa ka dhacay meel magaalada 5 KM u jirta oo ay fadhiyeen ciidanka Shati-Gaduud ka dib markii ay weerareen kuwa Shiikh Aaden Madoobe iyo Xaabsade, ciidanka labada gudoomiye xigeen ayaa dib loo soo riixay iyadoo dagaalkaasi u muuqday mid looga xoog roonaaday ciidanka labada gudoomiye xigeen oo iyagu weerarka qaaday, dagaalka ayaa siddoo kale laga soo sheegayaa jihooyinka magaalada, waxaana jira war sheegaya in dagaal uu ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo xaafada loo yaqaan Cadaadley.

Wali lama hayo khasaaraha dagaaladaan oo wali socda awgeed.

AllPuntland News




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001