Wararka Mudugonline

Madaxweynaha Kooxda Carta oo qaadacay Shirkii Eldoret

MUQDISHU,24 Oct 2002 (MOL)Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in Madaxwenaha Dawlada KMG ah ee Kooxda Carta Cabdiqasim Salad Xasan uu qaadacay kana hor yimid shirkii Somalida uga socday magaalada Eldoret ee dalka Kenya, warkaan oo uu shalay Cabdiqasim ku sheegay war uu saxaafada ugu talo galay ayuu sheegay in shirkaan Somaliya dani ugu jirin, waxaa intaas uu ku daray in Dawladaha Somaliya Cadowga u ah ay damacsan yihiin qayaano ay rabaan inay wadanka ku kala gooyaan oo ka dhigaan gabolo yar yar oo iyaga hoos taga, hadalkaas oo Cabdqasim ula jeeday Dawlada Itoobiya oo ka mida Dawladaha qabqaabinaya shirka dib u heshiinta Somaliya ee ELdoret.

Warkaan ka soo yeeray Cabdiqasim ayaa hogaamiyasha kooxaha sii saadaalinayeen in Cabdiqasim uusan shirkaan daacad ka ahayn marba haddii uu wali sheeganayo inuu yahay Madaxweynihii wadanka iyaguna aysan taas u aqoonsanayn. sidoo kalena uusan cag wali soo dhigin meesha shirka lagu qabanayay.illaa hadda lama oga sida ay ku jawaabi doonaan qabanqaabiyaasha shirka iyo Dawladaha daneeya arimaha Somaliya, iyadoo awal horey loo sii sheegay in hogaamiyihii ama kooxdii ka hortimaada shirka la saari doono cinqaab cunaqabatayn ah, loona ogolaan doonin safar iyo waliba in loo aqoonsan doono qabqable dagaal lacagaha dibedaha u yaala laga xayiri doono.

Mudugonline.com


Galkacyo oo roob ka da'ay Maanta iyo Shuban ka dilaacay Garoowe.

GALKACYO ,24 Oct 2002 (MOL) wararka ka imaanaya magaala madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa sheegaya in maanta halkaas ka da'ay roob dadka deegaanku aad ugu diirsadeen, Roobkaan oo saameeyay Galkacyo iyo deegaanka ku xeeran ayaa la sugayay in muddo ahba, wali waxaan roob sidaas u weyn ka di'in qeybo ka mida gobolka siiba dhinaca Caduunka.

Gobolka Mudug oo ah gobolka Somaliya ugu xoolo badan ayaa badanaa waqtiyada abaaruhu saamayn weyn ku yeeshaan, maadaaba waxsoosaarka gobolka qeybta ugu weyn ay ka timaado dhinaca miyiga, gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa hadda ka hor soo saaray baaq ku wajahay hayadaha caalimiga sidii gargaar biyo dhaamin loo gaarsiin lahaa dadka miyiga iyo xoolahooda.

Dhinaca kale magaalada Madaxda Dawlad Goboleedka Puntland ee Garoowe ayaa laga soo sheegayaa xanuun shuban oo aad u ba'an oo dad badan cisbitaalka loo dhigay, cudurkaan oo dadka deegaanku u yaqanaan daba dhiig ayaa waxaa la sheegay in badanaa la arko waqtiyada roobabku da'aan, badanaana uu ka dhasho nadaafada la'aanta. wali hay'ado caalimi ah arintaas u gurmaday ma jiraan, Daawooyinka loo baahan yahayna aysan ku filayn dadka la keenay isbitaalada arintaas oo laga cabsi qabo inay cudurkaas u dhintaan dad si sahlan loo daaweyn karay.

Mudugonline.com


 



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001