Faalo:Jagada Madaxweynenimada
Somaliya ma beel gooniyay u suntan tahay? mise fashili kartaa
arintaasi shirka Eldoret?
Tan iyo intii uu furmay shirka dib u heshiisiinta
Somalida ee ka socda magaalada Eldoret ee Kenya ayaa waxaa
ka soo baxayay saxaafada beelaha Muqdishu dega qoraalo iyo
faalooyin la xiriira qaybsiga jagooyinka muhiimka ah haddii
lagu heshiiyo in la dhiso Dawlad loo dhan yahay. La yaab
ma leh in laga faaloodo ama la saadaaliyo muuqaalka sida
ay u kaan doonto Dawlada la dhawrayo in ay ka soo baxdo
heshiis ka dhaca Eldoret laakiin waxaa ah nasiib daro in
wali beelaha Muqdishu qaaarkood ku haminayaan shir kasta
oo la isugu yimaado in jagada Madaxweynenimadu tahay mid
iyaga muqadas u ah oo aan loo gacan dhaafi Karin wax wada
hadal ahna aan lagala yeelan karin oo iyaga jagadaasi meel
u taal, damacaas oo ka dhashay salkana ku haya in beelahaas
Muqdishu dhaxleen caasimadii wadanka Somaliya ka dib markii
ay si aan naxariis lahayn uga sifeeyeen beelihii kale ka
dib beelihii kalena beel walba u dalowday deegaankii ay
asal ahaan ka soo jeedeen, markaasna beelaha Muqdishu is
tusaaleeyeen maadaama Muqdishu tahay caasimadii wadanka,
Dawlad kastana oo la dhisana ku qasban tahay inay xurun
ka dhigato markaas beelaha degga Muqdisho ay iyagu xaq u
leeyihiin jagada madaxweynenimada beelaha kale ee Soomaaliyeedna
iyaga marti ugu ahaadaan Magaalada sida aan sidii filim
boorsamiito ah uga aragnay dhawrkii sanno ee la soo dhaafay
ruwaayadii Kooxda Carta ay ku soo alifeen tuulada Carta
ee wadanka Jabuuti.
Siyaasiin badan oo Soomaali ah ayaa iyaguna aaminay aragtidaas
oranaysa haddii beelaha Muqdishu helin jagadaas in aysan
suuragal ahaanayn in la yagleelo ama la soo celiyo mar kale
Dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay. Maba xuma in aragti
ahaan in beelaha Muqdishu helaan jagada Madaxweynenimada
balse ha heleene beelahaasiye maxay ku mutaysteen in ay
jagadaas helaan? mise ka faaiidaysteen dhawrkii jeer
ee iyaga loo gartay inay qabtaan jagadaas? mise ku soo celiyeen
Muqdishu nidaamkii dawliga ahaa oo dhawr iyo tobankii sanno
ee u dambeeyay noqotay meel bahalo galeen ah?.waa su'aalo
mudan in la isweydiiyo.su'aasha hore waxaa la oran karaa
beelaha Muqdishu waa laga mudan yahay jagadaas sababtuna
waa deegaanka Muqdushu wali ma xasilana, beelahaasna waa
ku guuldaraysteen inay soo celiyaan kala dambayntii iyo
nidaamkii dawlaga, dhinaca kale Somaliland iyo Puntlandba
waxaa ka jira maamulo shaqeeya yaysanba wali gaarin meeshii
la rabaye.su'aasha ah beelaha Muqdishu ma ka faa'iidayteen
kalsoonidii ay ka heleen beelaha kale? Illaa hadda 12-kii
sanno ee tagay shirarkii horey loo qabtay waxaa lagu soo
doortay shaqsiyaad ka soo jeeda beelaha Xamar, Sida Cali
Mahdi oo dhawr jeer beelaha Somaaliyeed siiyeen kalsooni
balaaran amase Cabdiqasim Salad oo lagu doortay Shirkii
Carta xoolahii beelaha kale looga furtay Xamar. Mar walba
wax guul ah lagama gaarin doorashooyinkaas. mana suuragalin
in Muqdishu ku soo noqoto nidaam dawli ah iyo kala dambeyn,
markasta oo shir la qabtana magaalada Muqdishu waaba ka
sii dartaa oo nabadgalyada iyo amaankuba faraha ayay ka
sii baxdaa. Iyadoo khasaarahaas lagala kulmay in beelaha
Muqdishu lagu koobo jagada madaxweynaha ayaa haddana waxaa
muuqata wali in qaacidadaas khasaaraha badan la sii daba
joogo, shirkasta oo Soomaali loo qabtana ay noqotay heerbeeg
aan sinaba loo dhaafi Karin haddii kale shirka lagu kala
dareero siddii dhacday marar badan ayse ugu caansanayd wixii
ka dhacay shirkii Qaahira oo beelaha Muqdisho damaaciyeen
inay isku darsadaan labadii jago ee Madaxweynaha iyo tii
wasiirka koowaad, sidaasna shirkii ku burburay.
Wax walba waa in
wada hadal laga yeesho
Haddii jagada madaxweynenimadu u xiran tahay qolo gooniya
maxaa la isugu dhibaa shirarkaan tirade badan? Qolada xiratay
jagadaas maa loo aqoonsado? Sababta aysan suaalahaas
suuragal u ahayn waxaa u daliila in jagadaas qolo walba
gooni u raadinayso ayna tahay arimaha ugu weyn ee Somalidu
isugu imaan ladahay, sidee bay caqli gal u tahay in
qolo gooni u sheegato jago sidaas xasaasi u ah oo qolo walba
damaacinayso. Waa sababta shir walba u burburo markii beelahu
ogaadaan in beel gooniya isku sharaxday iskuna dooratay
jagadaas. haddii aan laga wada hadlin arimaha la isku hayo
lagana xaalin waxyaabaha la kala tirsanayo xal dhab ah ma
imaanayo. Waxaa caado noqotay in shir walba oo la tago isla
markiiba wada hadalka lagu furo sidii loo qaybsan lahaa
jagada madaxweynaha iyo raiisal wasaaraha iyadoo haba
yaraatee aan waxba laga oran arimaha murugsan ee Somalida
kala irdheeyay, kuwaas oo ay ugu weyn yihiin;
Arimahaas oo aan meel la isla dhigin laguma
heshiin karo jago intaas oo beelood hunguryeynayso, tanaasul
ma imaanayo iyadoo aan laga heshiin dhaawaca dagaalka sokeeye
geystay. iyadoo laga heshiin lagana tanaasulin qiyaamaynta
siyaasadeed ee jilaafada qoloba qolada kale la daba joogto
meeshii laga shaqayn lahaa isku soo dhawaansho, wada shaqaysi
iyo isfaham Somalinimo iyo Muslimnimo ku jirto.
Shirka ELdoret
ha ka tusaale qaato waxii fashilay shirarkii hore
Inkastoo Dawladaha ku bahoobay urur goboleedka IGAD ay
ku soo dareen ajendaha shirka qodobka ah in shirku gudi
ka baaraan dega u saaro sababihii kalifay in fashil ku yimaado
shirarkii kuwan ka horeeyay oo kor u dhaafay 13, haddana
waxaa cad in shirku durba aad moodo in uu cagta saaray wado
qaloocan oo u eg meeshay mareen shirarkii hore, taas oo
ay ugu weyn tahay ka haddalka qeybsiga jagooyinka iyadoo
wax heshiis iyo wada haddalba dhex marin ergada shirka,
waxaa durba bilaamay marin habaabinta shirka oo ergooyin
aan lagu casumin shirka lagu soo daad gureeyay si qalqal
u galiyaan shirka sidii shirkii Carta. waxaa bilaabay in
rag isku muujiyaan inay u oleoleeyaan in iyaga la doorto,
taas oo keenaysay inaan ergadu ka wada xaajoon arimaha xasaasiga
ah ee burburka keenay. In ergooyinka qaar shirka hal lug
kula jiraan oo ishaafalataynayaan sida arini noqoto. In
Kooxaha qaar wali sheegaynayaan kuna dhagan yihiin inay
iyagu Dawlad yihiin ee shirku taas aqoonsado. arimahaas
horey baan u soo aragnay Somaliyana qiyaano waa ka soo dharagtay
ee hal shir oo daacad ah ayay u baahan tahay.
Gunaanad:maxaa
ka soo bixi kara Eldoret?
Shirkaan waxuu u muuqdaa 50% inuu guulaysan
doono, lamana saadaalin karo, waxa kaliya oo uu uga duwan
yahay shirarkii hore waa tirada hogaamiyaasha kooxaha ka
soo qayb galay oo aan cidina maqnayn iyo taageerada Dawladaha
Caalamka iyo habka loo qabanqaabiyay shirka. Ugu dambeyntii
Somaliya maanta ma joogto waqti ay isku qabsato kursi iyo
waqti waqtiga yar la isaga qaado qiyaamooyin siyaasadeed
oo laga soo daalay oo 13 sanno la soo maleegayay, waxna
lagu soo waayay, beelaha Somaliyeed intaysan kuligood dabar
goin haka heshiiyeen masiibada ku habsatay, jagada
madaxweynuhana yeysan noqon sababta dhalisa fashilka shirka,
qolo walba dib ha isugu noqoto oo haddii aysan Somalida
kale ka naxayn iyagu ha iska naxeen illeyn ugu dambeyn dhibaatadu
waa saamayn iyaga iyo ubadkooda. Somaliya waa hal qoys yaan
qoyskaasi u dabar go'in ku loolanka hal kursi.
Mudugonline.com