Wararka Mudugonline

Hirgalinta Mashruuca Biyo Galinta Gaalkacyo Bilowmatay

Gaalkacyo: Mashruucii biyo galinta Gaalkcyo oo in badanba ladhorayay ayaa maanta si toos ah uga hirgalay magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Kuxigeenka duqa degmada Gaalkacyo Xasan Cabdille Hiraabay oo degmada uga qaybgalay xafladii furitaanka maanta ayaa sheegay in maanta laga bilaabo ay biyo galintu furantahay ,wuxuuna dadwaynaha Gaalkacyo kacodsaday inay lashaqeeyaan mashruucan hadda labilaabay.

C/risaaq Burgal oo ah gudoomiyaha gudiga Biyaha Gaalkacyo ayaa qandaraaslayda ku guulaysatay biyo galinta ugu baaqay inay dadkooda ugu shaqeeyaan si wadaninimo ah oo daacadi kujirto.

Mashruuca biyo galinta Gaalkacyo ayaa yeelan doona labo waji sida ay sheegeen C/raxmaan Cali Salaad iyo C/naasir Maxamed Xuseen oo labaduba ah madaxda shirkadaha ku guulaystay biyo galinta .

Wajiga koowaad oo noqonaya dhigidda tuubada wayn ee isku xirta haanta biyaha iyo xaafadaha Gaalkacyo oo dhererkeedu yahay 8 iyo bar Km ayaa lagu soo gabo gabayn doonaa 9 Asbuuc.

Wajiga labaad ayaa noqon doona dhigidda tuubooyinka yar yar ee biyaha uqaybiya xaafadaha magaalada oo dhererkeedu yahay 13Km waxaana wajiga labaad lagu soo gabo gabayn doonaa 14 Asbuuc .

Xasan Xuseen Waloore oo kamid ah gudiga biyaha Gaalkacyo iyo masuuliyiin katirsan hay'adda UNICEF oo xafladii maanta kahadlay ayaa labaduba dadka gaalkacyo ugu baaqay inaysan iska dayicin fursadan qaaliga ah .

Source:AllPuntland News


Somali talks to work, say leaders
By NATION Correspondent

Somali leaders are optimistic that the ongoing talks in Eldoret will help bring peace in their country.

A deputy minister for Information in Somali's Puntland State, the biggest region in the country, Mr Abdulshakur Mire, said the leaders had realised the importance of peace for the country to develop.

Mr Mire described acceptance by the country's political and military leaders to attend the conference, as "a big step forward.''

The minister said of the National Peace and Reconciliation Conference in an interview: "Even my President Abdullah Yusuf who is participating in the conference and the people of Puntland hope the talks will help Somalia become one strong government."

The conference's chances for success, Mr Mire said, were boosted by Kenya's role "since it does not support any of the warring factions and is a genuine broker."

"We want Kenya to make history by ensuring the 11-year-old war ends,'' one of the faction leaders said.

On Saturday, 20 Somali leaders agreed to find a lasting solution to the conflict.

The leaders, some of whom were meeting for the first time since the country was plunged into chaos in 1991, accepted the responsibility for bringing the country on its knees.

The conference, officially opened by President Moi last Tuesday, is the first of its kind since the Somali peace initiative started drawing participants from the Transitional National Government (TNG), the military and the political leadership.

Source:Daily Nation


WARAYSI UU WASIIR KU XIGEENKA WARFAAFINTA PUNTLAND BIXIYEY

Shirka dibu heshiisiinta ee ka socda magaalada Eldoret waxaa isugu yimid dhamaan madaxda maamulada iyo ururada siyaasadda ee soomaaliya ka jira marka laga reebo dawladda isku magacowday Somaliland oo uu maamulkeedu shaaca ka qaaday inaysan ka

qayb galayn shirkaas. Hotel Sirikwa oo ah xarunta uu shirka dibu heshiisiinta soomaalidu ka socdo waxaan waraysi kula yeeshay Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee Puntland Mr. Cabdishakuur Mire Aadan oo ka mid ahaa ergooyinkii ka socday Puntland ee shirka Eldoret ka soo qayb galay, ugu horaynna waxaan weeydiiyey inuu iiga warramo tiradii ergooyinka batay ee ay Puntland ahaan sida weyn u diidanaayeen halka ay ku dambaysey, wuxuuna iigu jawaabay:
Waxaa markii hore naloo sheegay inay tirada ergooyinka shirka ka qayb gelaysaa 300 oo ergey ahaanayso, laba boqol oo maamulada iyo ururada siyaasadda ka imanaya iyo 100 ergey oo bulshada rayidka ah ka imanaya laakiin waxaa dhacday inay shirka yimaadeen dad 600 oo ergey kor u dhaafay, arintaasna waxaanu kala hadalay guddoomiyaha guddiga farsamada Igad Mr. Elijah Mwangala iyo xogahayaha urur goboleedka Igad, ergooyinkiina sidii hore ayaa hadda lagu soo celiyey.

Su’aal: Intii aan Soomaalida shirka joogtey ku dhex jirey waxaan maqlayey hadalo la isla dhex marayey oo ku saabsan in idinka iyo ururada badankooda gaar ahaan SRRC uu is xulufaysi siyaasadeed idinka dhexeeyo, arintaasi ma jirtaa?.

Jawaab: Cid uu is xulufaysi gaar ahi naga dhexeeyaa ma jiro, waxaana naga go’an inaanu ka shaqayno sidii uu shirku u noqon lahaa mid guulaysta oo dawlad soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay u dhalan lahayd, taasina nagama hor istaagayso inaanu cid la kulano xitaa kooxda Carta, yoolkayaguna waa inay soomaalidu isku af garato nabad iyo dibu heshiisiin si niyad ah ku timaadda, waana gaaraynaa insha Allaah.

Su’aal: Ilaa iyo hadda yaad la kulanteen madaxda siyaasadda ee halkan ku sugan?.

Jawaab: Waxaannu is aragnay ergooyin badan oo kooxaha halkan ku shirsan ka mid ah oo aannu iska warraysanay sidii uu shirkani u noqon lahaa mid guulaysta iyo sidii ummadda soomaaliyeed dhibaatada looga saari lahaa, waayo ujeedada shirka ayaaba ah in la is arko oo la wada hadlo.

Su’aaal: Jaamac Cali Jaamac hadda shirka waakan jooga, idinkuna waxaad ka socotaan Puntland, waxaan kaloo arkayey adigoo Maxamuud Shiddo oo golihii wasiirada ee Jaamac Cali Jaamac ka tirsanaa, Marka iyagana arinkoodu waa maxay?

Jawaab: shirkan hal ergo oo Puntland ah baa joogta, Jaamac’na wuxuu ku jiraa liiska ergada Puntland, Maxamuud Shiddo waa saaxiibkay, waanuna isku wanaagsanahay, sidoo kale Jaamac waan arkay waana salaamay isaga iyo Goonleba, waana niman reer Puntland ah, madashuna waa meel ay soomaaliyi wada joogto, siyaasadda waa lagu kala duwanaan karaa waxaanse qabaa inay saaxiibtinimadu sideeda mar kasta tahay.

Su’aal: Kulankii ay Madaxweenihiina iyo Madaxweeyne ku xigeenkiinu ka qayb galeen ee la isugu keenay madaxda siyaasadda soomaaliya maxaa ka qabsoomay, maxaase lagaga wada hadlay?.

Jawaab: Shika waxyaabihii laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa sidii ergooyinka loo dhimi lahaa iyo in laga wada hadlo inuu Cabdi qaasim shirka ka soo qayb galo maadaama uu ka mid yahay ragta xalinta dhibka soomaaliya ka aloosan laga sugayo, madaxweeynaha Puntland’na wuxuu shirkaas ka caddeeyey sida ay Puntland daacad uga tahay ka qayb galka shirka iyo inuu shirku noqdo mid midha dhala, waana lagu guulaystey in ergooyinka la dhimo.

Su’aal: Mudane waxaad tahay nin masuul ah oo siyaasi ah marka maxaa laga fili karaa shirku inuu ku soo geba geboobo?

Jawaab: Shirka ilaa iyo hadda waxaa u dhan ragii ay arrimaha soomaaliya khuseeyeen, waxaa kaloo ka midaysan urur goboleedka Igad iyo beesha caalamka sidaa darteed wuxuu u muuqdaa mid lagu guulaysan karo, in kastoo lagu guulaysto wixii uu Rabbi weyne garab galo.

Su’aal: Madaxweeynaha Puntland Cabdillaahi Yuusf damac madax weeynanimo ma ku jiraa haddii shirka la isku af garto oo uu najaxo?.

Jawaab: Dabcan qof kasta oo siyaasadda soomaaliya ka dhex muuqda wuu leeyahay hankiisa siyaasadeed ee gaarka u ah haddaba haddaysan horay u dhici jirin inaysan dadka qaar jagooyinka sar sare ee soomaliya hungurayn aniga laftayduu han sare igu jiraa marka maxaad ka filaysaa madaxweeynahayga Cabdillaahi Yuusuf.

Su’aal: Waxaan maqlay inay weli dhawr iyo toban ergey idinka maqan yihiin marka hadda ma wada yimaadeen ergooyinkii idinka maqnaa?.

Jawaab: Haa, way jiraan ergooyin weli naga maqan oo ay weliba la socdaan Isimo marka ilaa iyo galabta ayaan filayaa inay soo galaan Eldoret.

Waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq

E-mail: imdeeq@hotmail.com

Eldoret, Kenya

Oct 20, 2002

Source:Somalitalk.com


 



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001