Wararka Mudugonline

Magaalada Baydhabo oo maanta xasiloon.

BAYDHABO, 20 Oct 2002 (MOL) -Ka dib dagaalka shalay madaxweynaha Dawlad Goboleedka KG Col ShaatiGaduud ku qabsaday magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ayaa wararka maanta soo baxaya sheegayaan xasilooni ku soo noqotay magaalooyinkaas oo wax dambe oo dagaal ah aysan halkaas ka dhacin. labadii gudoomiye ku xigeen ee dagaalku dhexmaray Col. Shaatigaduud ayaa la sheegayaa in ay hadda jiraan dhinaca magaalada Diinsoor, warar kalena waxay sheegayaan in aan wali la hubin meel ay si rasmi ah ugu sugan yihiin.

Ciidamada labada ku xigeen ee Shiikh Aden Madoobe iyo Xaambsade ayaa iyagu isku urursaday tuulooyin aan ka fogayn magaalada Baydhabo, wali waxaa baadiyaha magaalada Baydhaba ka jira isku dhacyo aan sidaas u weyneyn, isgaarsiinta gobolka ayaa hadda go'an taas oo loo micneeyay cabsida dagaalka oo aan wali dhamaan. Col Shaatigaduud oo isagu haatan ku sugan shirka somalida ee Eldotet ayaan wax wara ka soo saarin guusha lama filaanka ah ee ciidankiisu soo hooyay, waxaan kaloo wali la ogayn hadda haduu guulaystay in uu wax wada hadal nabadeed ah la yeelan doono labadiisa ku-xigeen.

Mudugonline.com


Shirkii Eldoret la filayo in uu dib u furmo talaadada

ELDORET, 20 Oct 2002 (MOL) -Wararka ka imaanaya madasha shirka dib u heshiisiinta Somalida ee magaalada Eldoret ayaa sheegaya in haatan ay gobogobo tahay hawlihii gudiga qabanqaabada shirka oo la filayo in shirka dib loo furo maalinta taaladada ee soo socota, illaa hadda gudiga farsamadu waxay xal u heleen tiraddii ergadii dul socodka ahayd ee aan ku imaan shirka wax casumaad ah oo ay heleen. gudiga qabanqaabada shirka ayaa ka dib kulan ay la yeesheen hogaamiyayaasha kooxaha ayaa la isku afgartay in tirada ergooyinka lagu afjaro intii hore ee casumaada loo fidiyay, waxaa laga yaabaa tiro aan sidaas u badnayn inay dheeri ku noqoto. waxaa la filayaa in dadka dulsocodka ah inay ka baxaan aaga shirku ka socodo iyo hoteelada ay degan yihiin ergada shirku intaan dib loo furin shirka.

Waxyaabaha illaa beri gudiga farsumada shirku sii furdaamin doonaan ayaa waxa uga weyn ajendayaasha shirka iyo siddii kooxda Carta looga dhaadhicin lahaa inuu shirka yimaado hogaamiyahooda Cabdiqasim Salad oo Muqdishu ku sugan wali, maqnaasha Cabdiqasim ayaa waxaa hogaamiyayaasha kale u fasirteen inuu damacsan yahay inuu qaadaco shirka haddii ay ka soo baxaan waxaan isaga qancin, hadhowna uu ku andacoodo inuusan awalba ka qeyb qaadan shirka. Cabdiqasim ayaa danaynayay inuu heybad madaxweyne ku soo galo shirka taas oo gudiga qabanqaabada shirku u sheegeen in aysan aqbali karin, shirkuna micno yeelanayn haddii isaga loo aqoonsado madaxweyne. Dawladaha reer galbeedka ayaa balan qaaday inay taageeri doonaan waxii ka soo baxa shirka, ciddii ka hortimaada shirkana iyo wixii ka soo baxana u aqoonsan doonaan qabqable dagaal oo la saari doono cinqaab adag. shirka Eldoret ayaa waxuu noqday shirkii ugu balaaraa ee Somalidu isgu timaado tan iyo waxii ka dambeeyay burburkii Dawladii Somaaliyeed sannadkii 1991.

Mudugonline


Please release.

Go'aamadii ka soo baxay shirweynihii 3aad ee jaaliyada Waamo ee UK.

20 October 2002

Ku: Ururka dawliga ee IGAD.

Ku: United Nation.

Ku: Europian Union.

Ku: Arab Leage.

Ku: Isimada, Madaxada, Haweenka iyo wax garadka Soomaaliyeed ee ku shiraya Eldoret.

Ku: Dhamaan wax garadka Soomaliyeed ee ku sugan daafaha aduunka.

Ku: Qabanqaabiyaasha shirka nabadaynta Soomaaliyeed.

Og: Dhammaan warbaahinta Soomaaliyeed iyo tan Caalamiga.

Shir balaaran oo ay ka soo qayb galeen wax garadka u dhashay jaaliyadda deegaanka Waamo, Kismaayo, ayaa 20 Octobar 2002 lagu qabtay magaalada Leicester, cariga Ingiriiska. Waxayna soo saareen Baaqa hoos ku qoran.

Ka dib markaan aragnay xaalada uu dalka ku sugan yahay, ka dib markaan aragnay xaalada G/J hoose marayo waxaan talo ku soo jeedinay arimaha hoos ku qoran:

Waxaan taageeraynaa shirka nabadeenta Soomaaliyeed, Eldoret.
In wafuuda ka socata Dooxada Jubba aan lagala xaajoonin arimaha J/Hoose.
In Dooxada Jubba sharuud la' aan oga baxaan degaanka J/Hoose.
In la joojiyo xaalufinta deeganka iyo ugaadha G J/Hoose.
In la joojiyo dilka, boobka, dhaca iyo kufsiga lagu hayo dadka u dhashay degaanka.
Jaaliyada waxay u rajeyneysaa in shirweynaha dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu noqdo mid miro dhala oo qaran Soomaaliyeed lagu dhiso.

Qaban qaabayaasha shirka Eng. Abdirashid artan Musse iyo Nabadoon Yaasiin Xaaji Yuusuf (Atoore). Waxii faahfaahin ah fadlan la soo xiriira waamounited@yahoo.com.




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001