Waa dardaaran ku socdo ka qeybgalayaasha shirka
dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socdo degmada Eldorat
ee dalka Kenya iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogto
gudaha dalka iyo debadiisa.
Fadhiga waa Degmada Eldorat ee dalka
Kenya, gogashana waxaa leh Danial Arab Moi Madaxweynaha dalka
Kenya iyo dowladiisa, ragga is hor fadhiyana waa kuwa heshiis
la'aan ku kala tegay in ku dhow 13toban shir oo hore marka
laga reebo Xaji Muusa Suudi Yalaxow oo isaga ay ugu horeyso
in uu soo fadhiisto madal looga hadlaayo xal u helida arrimaha
Soomaaliyeed guud ahaan , ajandaha guudna waa qeybsiga
cad la ciideeyay dhow jeer oo hore,sua'aashana waa
raggan gogasha fadhiyo ma ku cibra qaateen fadhiyadi hore
oo gedigoodba ku dhamaaday gudcur madow.
Sheegida xaqiiqada waa lama huraan waxayna iftiin u tahay kooxaha ka leexday
jidka toosan iyo halka xaqa ku jiro, caada iyo dhaqana ka
dhigtay xalaalaynta xoola aynan lahayn, deganaanta beero iyo
gurya aynan lahayn iyo horjoogsiga haddii ay ummadda Soomaaliyeed
xal dhab ah ka gaari lahaayeen murugada dadkooda iyo dalkooda
ku habsatay, weliba kooxdan habowsan waxaa intaa u dheer
in beryahan hadalki kaga dhegay hogaamiyaheena waxaa wato
dowladda Maraykanka Waana madaxweynaha la filayo in uu ka
soo baxo shirka Eldorat iyaga oo hilmaamay xariga ay hayaan
in aynan xoolo ku jirin siyaasadooduna ay qaawan tahay.
Waxaa iyadana xaqiiqa ah oo aan marnaba la reed mari karin qaabka loo maareeyay
shirka dib uheshiisiinta Soomaaliyeed ee ka dhacayo degmada
Eldorat ee dalka Kenya
in uu waxyaaba badan kaga duwan yahay shirarki wada fashilmay
ee horay loogu qabtay kooxaha isku haysto gacan ku dhigida
halbowlaha maamulka dhexe ee wadanka Soomaliya
Waxaana ugu muhimsan waxyaabaha uu kaga duwan yahay shirkan kuwi hore.
1)
in shirka ay wda fadhiyaan hogaamiyayaasha
maleeshiyaadka oo ay ku jirto kooxda Carta,madaxda mamuladda
ka jiro goballa ka mid ah goballada dalka Soomaaliya ka kooban
yahay, bulshada rayidka oo isugu jiro indheergrato ,aqoonyahan,oday
dhaqmeed,haweenka ,iwm
2)
in ay shirarki hore soo fadhiisan jireen ugu
yaraan laba hogaamiya oo leh quwad isu dhiganta xagga siyaasada
iyo xagga milatariga oo ka wada yimaado caasumada dalka Soomaaliya
Muqdisha sababna u noqan jiray badanaa fashilaada shirarki
hore laakin markan Muqdisho waxaa ka yimid hal quwad oo xoog
badan wax u dhigmana aynan jirin xagga cududa milatari, tirada
taageerayaasheeda iyo iyadoo ka soo jeedo dadka deegaanka
Muqdisho iyo deegaanada ku wareegsan degan waa marka la barbar
dhigo quwadaha kale ee mudisho ka imaanayo .
3)
In ajandaha shirkan yahay dhowr qeyb loona
soo hormariyay qeybta looga hadlayo isu celinta hantida
la kala heysto iyo ku noqoshada maleeshiya walba deegaanka
ay ka soo jeeda oo loo yaqaan,qeybtan waxaay tahay arrin
aad u culus oo haddii guul la gaaro shirkan u horseedi karto
in uu ku dhamaado guul iyo rayrayn.
4)
Waxaa iyadana gogasha ka muuqato
in mudnaan dheeraada la siinayo in wada hadal lagu dhameeyo
khilaafaadka ka dhex jiro is faham la'aanta kooxaha hubeysan
inta aanan loo gudbin soo dhisida dowladi Soomaaliya ka talin
lahayd.
Markaad u fiirsato dhaqanka iyo
usluubta ay la soo baxeen hogaamiyayaasha Soomaaliyeed intooda
badan shirka inta uunan bilaaban ka hor waxaa kuu muuqanayso
in aynan ku cibra qaadan asbaabihi keenay fashilaadi ku timid
shirarki hore iyo dhibaatooyinki laga dhaxlay, waxaana iyada
oo sidaas jirto hogaamiyayaasha Soomaliyeed kula dardaarmaynaa
hadalo kooban keddib markaan yara gadaal ugu noqono xusuus
ahaan shirki ugu danbeeyay ee lagu qabtay Degmada Carta ee
dalka Jabuuti oo isaga laga soo shaqeeyay hogaanka dalka yaa
qabanaayo inta aanan laga wada hadlin xal u helida dhibaatada
ummaddeena kala gaartay, waxaana weli qoyan in maamul ku
sheeki lagu soo dhisay degmada Carta afka dhulka ku dhuftay
ummadana ka dhumiyay waqti qaali ah.
Soomaaliweyn iyo dhamaan mudanayaasha
ka soo qeyb galay Shirka ka socdo degmada Eldorat lana filayo
in ay gacan geysan karaan dalkeena oo nabad waarto lagu soo
dabaalo waxaan ugu baaqeynaa,kulana talineynaa in laga dheeraada
waxaan la wada falaaqeyn iyo degdeg salkeeda yahay gorgortan
iyo loolan aan xikmad ku salaysnayn keenina karo shirka oo
burbura mugdina madaxa la galo,in laga dheeraado ogalaanshaha
in ay gacan weyn ku yeeshaan maareynta qaab socodka shirka
dib u heshiisiinta Soomalida jaraathiimti la shaqeyn jiray
Maamulki ina Siyaad barre oo burburka dowladi Soomaliyeed
iyo kala daadsanaanta maanta wadankeena ka jirto gacan weyn
ku leh, iyada oo aynan sahlanayn in la qanciya koox walbo
oo wax tabaneyso haddana waa in lagu dadaalaa in la haleelo
halka ay ku jiraan cadaalada iyo xaqa si looga fogaado is
afgaranwaa iyo is qabqabsi ku dhamaada meel fool xun,in laga
dheeraado tusaalihi reer Carta oo ahaa "Xal Doon Baan
Nahay EE Xaq Doon Ma Nihin" loona bedelaa "Xaq iyo
Xal Doon Baan Nahay ,in laga tiro others buuga Soomalida xilno
loo xiro Soomaalidaas Sharafkoda meel looga dhacay, in dowlad
dhexe ka hor laga wada hadlo sidi loo soo dhisi lahaa dowlad
federal ah ee hoos timaado dowlad maamulkeeda ku egyahay maamulka
lacagaha,cidamada xooga dalka oo ilaaliyo xuduuda dalka oo
keliya,arrimaha dibadda iwm, in mudnaanta koowaad la siiyo
hogaamiyaha maali yaqaan Maandeeq caanaheedana si sinaaan
iyo cadaalad ku jirto u gaarsiin kara Soomaali oo dhan iyada
oo hogaamiyahaas lagu tixgelinayo, laguna soo dooranayo kartida
shaqsi ahaan uu leyahay,in uu yahay nin hadalkiisa caddaan
yahay munaafiqnimana aan lagu baran, in uu yahay nin ku wanaagsan
soomaalida inteeda badan iyo in uu yahay nin jecel waddanka
,in aanan hogaamiyahaas loo fiirin warar ku tiri ku teen ah
oo ay ka sheegaan koox wanaaga dalka uga muhuimsayahay dan
gaar ahaaneed,in hogaamiyaha mudnaanta la siinayo yahay nin
ku leh taageerayaal badan gobalka uu ka soo jeedo iyo wadanka
guud ahaan,in hogaamiyahan cilaaqaad wacan la sameyn karo
dowladaha aan deriska nahay iyo dowladaha daneeyo arimaha
soomaaliya, dalkeenana maslaxa ku leh iwm ah oo wanaagsan
.
"Hadal haan
ma buuxsho", "howshana midaan ku hureyn waa la hawhawiyaa,waa
la horaada dhabaa hooska horaana layska qabtaa".
Warkayga waxaan ku soo koobayaa
in ay soomali weyn ku seexdaan kuna soo toosaan in aynan
jirin cid noo maqan oo aan rabi ahayn iyo dadaalka aan la
imaano, annaga oo weliba niyada ku hayno in ay soomaali weyn
la tabaaleysan yihiin dhib aan gacmaheena ku abuurnay, waxaana
dhibaatada uga bixi karnaa oo keliya dadaalkeena iyo ilaaheey
oo aan danbi dhaaf weydiisano.
Waxaa nabigeeni
suubanaa yiri CSWS"Walaalkaa guusha sii haddii uu thaalim
yahay iyo haddii uu mathluum yahay" taasoo macnaheeda
yahay walaalkaa la safo markuu mathluum yahay garabgiisana
joogso haddii uu thaalim yahayna runta u sheeg iyo in uu thaalim
yahay iyo wuxuu ku yahayba.
Abdallah Moallim
Mahamud( Abdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Moallem@lycos.com
Opinions
expressed in this columns are those of the authors
and not necessarily those of Mudugonline
|
Qoraaladu
waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran
karo tan Mudugonline.
|