Wararka Mudugonline

duqa degmada galkacyo iyo dedweynaha magaalada oo iska hor immaad ku dhex maray xerada daraawiishta

GALKACYO, 19 Oct 2002 (MOL) -Saaka waaberigii ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ku soo toostay Duqa degmada Gaalkacyo Xuseen Jaamac Yabaq oo ciidan hubaysan oo soddomeeyo ah soo dhoobay xeraddii Daraaawishta ee Gaalkacyo oo asbuucaan Duqa magaaladu ku shaaciyay saxaafada Gaalkacyo in la xaraashayo. Xerada Daraawiishta oo ku fadhida dhul dhan 40 boos oo ah 20x20 kuna yaal meel aan ka fogayn bartamaha magaalada ayaa ah dhul keeni kara lacag xoog leh, iyadoo lagu qiyaasayo ugu yaraan halkii boos inuu keenayo lacag dhan $8.000 oo dollar. Ciidankaan Duqa magaaladu soo dhoobay xerada daraawiishta ayaa shicibka magaalada Gaalkacyo u fasirteen handidaad iyo xoog sheegad maadama uu duqa magaaladu ogyahay inuu sharci daro ku socdo oo rabo inuu xoog ku hirgaliyo xaraashka Xerada taasna ay dadweynaha magaaladu uga jawaabeen in dad badan soo buuxiyaan xeradda daafaheeda iyagoo wajigooda ay ka muuqato carro badan. ka dib waxaa bilaamay buuq iyo dhagax tuur. Ciidanka duqa magaalada ayaa la sheegay in ay Xabado cirka u rideen iyagoo isku dayaya in ay kala firdhiyaan shacabkii ku soo ururay Xerada Daraawiishta.

Waxaa goobtii qasku ka jiray goor dambe soo gaaray Wakiilka guud ee taliska daraawiishta Maxamed Muuse oo isku dayay inuu kala dhex galo dadweynihii dhagax tuurka samaynayay iyo ciidankii Duqa magaalada, ka dabna dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in ciidanka Duqa magaaladu xabado ku soo rideen dhinaca taliyahii Taliska Daraawiishta laf ahaantiisa balse uu ka badbaaday xabadahaas. Taliyaha ayaa markaas xuruntiisa kula hadlay telefoonka gacanta ka dibna waqti yar ka dib waxaa goobtii la isku hayay soo gaaray ciidamadii Daraawiishta Puntland oo ku qafilan dabaadaha dagaalka ee loo yaqaan kaarayaasha. Ciidankii duqa magaalada markii ay arkeen ciidankii Daraawiishta ayay goobtii ka yaaceen, duqii magaaladana meel uu jaan iyo cirib dhigay waa la waayay iyadoo loo malaynayo inuu ku dhex darmaday dadkii shicibka ahaa. Iska hor imaadkaas maanta dhacay cidna wax kuma noqon.

Arinta dhulka ka dhaxeeya dadka ee la iska cabirto ayaa waxuu noqday mid arintiisu soo noq noqotay, waxaa hadda ka hor Duqa magaaladu si sharci daro ah u gaday golihii hanuuninta ee xaafada Horumar, arintaasna dadka magaaladu waa hor istaageen walina arintiaasi ma dhamaan, dhulka magaalada ayaa dadka qaarkood u dhistaan si sharci daro ah iyagoo hiilo ka haysta maamulka Degmada, dhawr jeerna dadweynaha magaaladu waxay qaadeen talaabooyin lagu duminayay guryo si sharci daro ah loo dhisay.

Xaraashka Xerada Daraawiishta lagu xaraashayo ayaa duqa magaaladu waxuu ku andacoonayaa inuu yahay amar ka yimid madaxweynaha Dawlada goboleedka Puntland oo haatan ku maqan shirka dib u heshiisiinta Somalida ee Kenya ka socda. Taliyayaasha ciidamada Booliiska ayaan la ogaysin wax amar ah oo ka yimid Dawlada oo lagu gadayo xeradda Daraawiishta. waxaa xaqiiqa ah in arinta maanta Galkacyo ka dhacday ay cashar lama ilaawaan ah u noqon doonto masuuliyiinta gobolka oo aad moodo inay iyagu ka sareeyeen sharciga, haatanse dadweynaha Gaalkacyo tuseen inaysan aqbalayn in magaaladooda si sharci daro ah loo bililaqsto. waxaa sidaas oo kala soo ifbaxday in maamulka gobolka iyo degmadu lahayn wax isla shaqayn ah oo ay kala socdaan, arimahas oo loo tirinayo in maamulka lagu magacaabay magac qabiil ee aysan lahayn aqoon maamul oo ay ku kala hagaan magaalada iyo hawlaheeda.

Mudugonline.com




 



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001