Wararka Mudugonline

Ciidanka Shaatigaduud oo gacanta ku dhigay Baydhabo iyo Buurhakaba

BAYDHABO, 19 Oct 2002 (MOL) -Dagaal qaraar oo faraha la iskula tagay ayaa xalay galinkii dambe ka bilaamay agagaarka magaalada Buurhakaba, dagaalkaas oo u dhaxeeyay ciidamada Col. Xasan Max’ed Nuur (Shaati Gaduud) iyo labadiisi gudoomiye ku xigeen Sh. Aadan Madoobe iyo Max’ed Ibraahim Xaabsade, dhawr saacadood ka dib markii dagaalku bilaamay ayaa ciidamada Col. Shaati Gaduud waxaa u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan magaalada Buurhakaba waaberigii saaka. Dagaalku halkaas kuma joogsan ee isla markiiba si aad u dhaqso badan ayaa ciidankii dagaalayay iskula gudbeen dhinaca magaalada Baydhabo, dagaalkuna waxuu markale ka bilaamay gudaha magaalada Baydhabo barqadii saaka, wararka hadda illaa hadda soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Col. Shaati Gaduud ay gabi ahaanba gacanta u gashay magaalada Baydhabo.

Dagaalkaan oo kadis ku noqday dadka deegaanka oo aan filayn in Ciidanka Col. Shaati Gaduud ku jireen abaabul dagaal isagoo Shaati Gaduud lafahaatiisu wadankaba ka maqnaa oo ku mashquulsan yahay shirka Somalida ee ka socda Dalka Kenya magalada Eldoret. illaa hadda lama oga meesha ay ku sugan yihiin labada gudoomiye ku xigeen, dagaalkan oo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa dadka dhintay illaa hadda kor u dhaafeen 40 qof dhaawacuna intaas ka badan. dagaalka sokeeye ayaa sidiisaba aan lagu kala adkaan oo aan faa'iido dhalin burbur maahane, illaa hadda lama oga in dagaalkii saaka cashar u noqon doono hogaamiyaasha ishaya oo ay dooran doonaan in arinta nabad galyo lagu dhameeyo, iyadoo waliba hadda Soomaali oo dhani ku shirsan yahiin sidii loo soo afjari lahaa dagaalada sokeeye.

Mudugonline.com




 



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001